Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland aviation minister visits Kuwait Pics

Recommended Posts

Wasiirka Duulista iyo Hawada iyo wefti uu hogaaminayo oo booqasho ku maraya dalka Kuwait

 

SDWO (Kuwait 31/10/2010) Waxaa Booqasho shaqo ku jooga dalka Kuwait wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xashi iyo lataliyahiisa Duuliye Abdi Ali Obsiye. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa xalay la kulmay jaaliyada kuwait xaflad weyn oo aad looga soo abaabulay. Xafladan ayaa ka dhacaday badhtamaha Hotelka weyn ee caanka ka ah Kuwait ee ku yaal bartamaha magaalada Marino hotel oo uu wasiirka iyo wafdigiisu ay ku soo degeen.

 

DSC02766.JPG-for-web-large.jpg

 

Left: Duuliye Obsiiye iyo Wasiirka duulitsta iyo Hawada Maxamud

 

Waxaa xaflada furay gudoomiyaha jaaliyada somaliland Saleebaan Xaaji Firdhiye ahna siihayaha safiirka somaliland oo mudo ku sugnaa wadanka kuwayd ahna laf dhabarta somaliland oo khibrad weyn u leh wadanka kuwayd, isagoo ka war bixiyay hawlaha ay qabato jaaliyadu iyo waxayaabaha u qabsoomay.

DSC02619.JPG

Saleebaan Xaaji Firdhiye

 

Intaa kadibna waxa lagu soo dhaweeyay makarafoonka baylood Abdi Obsiye oo dulmaray wadankii iyo hawlaha hor yaala xukuumada cusub.

 

Intaa ka bacdi waxa lagu soo dhaweeyay wasiirka duulista iyo hawada, wasiirku wuxuu ugu horeyn u Mahad celiyay dadkii ka soo qaybgalay xaflada sida wanaagsan looga soo shaqeeyay, wasiirka duulista oo ah nin aad u dhalinyaro ah waxa ka muuqda in uu yahay nin bisil oo aad aqoon u leh taas oo aan ka dhadhansanay dawlada tayayda leh ee uu soo dhisay madaxwaynaha somaliland.

 

DSC02625.JPG

Wasiirkan oo dhinac walb ka qanciyay dadkii waxa uu ka warbixiyey mowqifka xukuumada cusub iyo wadamada carabta ay kula dhaqmi doonaan taas oo aanaan ka maqal xukuumadii hore oo ilaa madaxwaynihii hore uu kuwait yimid sanadka dhexdiisa,

 

 

Waxa uu wasiirku ka dhawaajiyay in madaxwaynuhu booqan doono wadamo badan oo carabta ka mida wasiirku waxaa uu ka hadlay nabadgelyada ,oo uu aad ugu dheeraaday iyo waxa ay ka qabatay xukuumadiisu wasiirku waxaa uu soo bandhigay mawqifka iyo brnaamij wanaagsan ee uu u diyaarinayo dayactirka garoomada wadanka isagoo durtaba furay garoonkii burco iyo boorame.

 

DSC02634.JPG

Wakhtigii suaalaha markii la gaadhay ayaa su,aalo badan la weedyiiyey isagoo wasiirku qanciyay qof walba.

 

Xafladaas ayaa ku dhamaatay farxad aad ka dareemi karto in somaliland isbedel wayni ku dhacay oo ay u baahnayd markaad aragto hordhaca wasiirka iyo wafdigiisa.

DSC02644.JPG

 

Isku soo duuboo xafladaa ayaa ku dhamaatay farxad. wasiirku wuxuu sawiro la galay dadka jaaliyada kuwayd waxaa kale oo wasiirku shalay la qadeeyay jaaliyada oo qado sharaf ugu qabatay suldan senter sea side qedadaas oo u gogolxaadhaysay kulankii xalay.

 

 

DSC02596.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol the Kuwaiti goverment didn't even welcome him. You see anyone can visit Kuwait and hold a speech in a hotel, but its obvious there's no diplomatic ties.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this