Sign in to follow this  
Jumatatu

Shir u dhamaadey Aqoonyahanno..Soomaaliyeed..!

Recommended Posts

Jumatatu   

Waxa Jimcihii lagu soo gabagabeeyey Naadiga Windsor Country Club ee ku yaalla duleedka magaalada Nairobi Aqoon Is-weydaarsi halkaas lix maalmood uga socdey koox la magac baxdey National Civic Forum oo si ku meel gaar ah Goluhu magacaas ugu fasirey Dawanka Xadaaradda Ummadda.

Golahan oo ka kooban Aqoonyahanno iyo Siyaasiin hore oo meelo kala duwan kulankan uga soo safrey ayaa qaar badan oo ka mid ah ay ka yimaadeen Mareykanka iyo Yurub.

 

Intii Aqoon Isweydaarsigani uu socdey waxa Golahan Dawanka Xadaaradda Umaddu ay ka hadleen dastuur iyaga u gaar ah iyo iyagoo xubno maamula u doortey Golahan cusub ee ay abuureen.

 

Waxa kooxdu intii shirkoodu socdey ay Dr Axmed Ismaaciil Samater oo Hormood ka ah Jaamacad ku taal Mareykanku u doorteen inuu Guddoomiye u noqdo Agaasiyahaasha guud ee Goluhu sameystey.

 

Dadka magac weyn ku leh waddanka Soomaaliya ee Aqoon Is-weydaarsigan ka soo qeybgaley waxa ka mid ah, Mudane Cabdirasaaq Xaaji Xuseen oo ah siyaasi Soomaaliyed oo ruug cadaa ah, waddankana si weyn looga yaqaanno oo mar Ra'iisalwasaare ka noqdey Soomaaliya sanooyinkii lixdameeyadii.

 

Subaxnimadii Jimcaha intii aan la furin maalintii ugu dambeysey shirka oo iska gaabneyd, waxa aan la kulmey Prof. Cabdi Ismaaciil Samater oo wax ka dhiga Jaamacad ku taal gobolka Minnesota ee Mareykanka, kana mid ah qabanqaabiyaasha Aqoon Isweydaarsigan.

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samater

 

Porof. Samater oo sharaxaad iga siiyey ujeedada ay aqoonyahanda iyo Siyaasiinta hore ay Nairobi ugu kulmeen ayaa uu ii sheegey in dadka iskugu jira wax garadka iyo kuwa farsamada leh ay tahey iney ka xaajoodaan lix Arimood oo waa siduu Madexweyne Aden Cabdulle Cusman hadalka u dhigaye, gogol dhig u noqon kara sidii umaddeenu ay dad u noqon laheyd. Waxana ay lixdaas qodob yihiin:

 

Sababta ay aqoonyahanadan u kumeen

 

1-Sidii dastuurka loo dhigi lahaa, qaab loo dhigi lahaa dimoqraadiyadda.

2-Dib u heshiisiinta sidii ay xalaal u nqon laheyd, dadkana xaqoodii loo siin lahaa.

3-Sidii dhaqaalaha dib loogu dhisihi lahaa.

4-Nabadda sidii loo sugi lahaa.

5-Caafimaadka sidii la wanaajin lahaa iyo

6- Waxbarashada sii loo hormarin lahaa.

 

Shirka Aqoonyahanada iyo Siyaasiinta hore intii uu socdey waxa kala qeyb galey xubno ka wakiil ah wadamdad waaweyn iyo hey'adaha caalamiga oo fikirk ku darsadey qodobada ay Aqoonyahanada iyo Siyaasiinta Soomaalida ee hore ay ka xaajoonayeen.

 

Gen Jaamac Maxamed Qaalib oo Goluhu u doortey inuu noqdo maamulaha Arimaha Golaha Dawanka Xadaaradda Ummadda ayaa ii sheegey in ka dib markii Goluhu ay ka doodeen habkii ay u wajihi lahaayeen dowladda cusub ee Federaaliga ee KMG ah ay aakhirtaankii go'aanssadeen iney warqad u wada qoraan Ra'iisalwasaaraha iyo Ra'iisul Baarlamanka ooy ku martiqaadeen iney Ra'iisalwasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanku ay yimaaddaan kulankooda ooy arkaan fikirka aqoonyahanada iyo Siyaasiinta hore qaarkood isku keeneen.

 

Waxa Gen. Qaalib uu intaas ku darey in Guddoomiyaha Baarlamanku uu isla markiiba ka soo jawaabey oo isaga laftiisu u tagey aqoonyahanadii shirayey laakiin uu Ra'iisalwasaaruhu tagin goobtii lagu shirayey isagoo aan u soo jawaabinna Soomaaliya u dhoofey.

 

War aan goor dambe ka helney qaar ka mid ah aqoonyahanadii Windsor Club ku shirayey ayaa na soo gaarsiiyey in Wasiirka Warfaafinta ee dowladda KMG ah, Mr Maxamuud Jaamac (SIFIR) uu qiyaastii 3:30 galabnimo uu tagey madashii kulanku ka socdey oo ay wada hadleen aqoonyahanadii halkaas ku kulme.

 

Waxa Galaha Dawanka Xadaaradda Umaddu xiritaankii shirkkaas subaxnimadii Jimacaha saxaafadda u qeybiyey hadal murtiyeed ay ku soo koobeen wixii ay ka shirayeen lixda maalmood.

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samater ayaa ii akhriyey talooyinka ay soon jeedsheen iyo cidda ay u kala direen.

 

Waxa talooyinkaas ka mid ah mid ay u direen dowladda Federaaliga ee KMG ah ee Soomaaliya ooy ugu sheegeen in dowladda iyo Baarlamanku ixtiraamo Axdigii lagu heshiiyey iyo shaqada sida loo kala leeyahey.

 

Talooyinka Goluhu u direy Bulshada caalamka waxa ugu weyn in la taageero himilada dadka Soomaaliyeed. Waxa Prof. Samater yiri "Waxa Afrikaanka iyo dunida kaleba ay ogyihiin in Soomaaliya iyo Itoobiya aysan wanaag ka dhaxeynin, loona baahanyahey in wanaag la dhiso. Wanaag laguma dhisi karo iney dowladda Itoobiya go'aan kaligeed ku gaarto iney ciidamo u dirto Soomaaliya."

 

Shirkan oo ahaa kii labaad ee noociisa oo Golaha Dawanka Xadaaradda Ummaddu ay qabateen waxa uu bilowdey Septembertii 2004, midkanna waxa uu ahaa mid ka dhashey waxyaabihii ay aqoonyahanada iyo siyaasiinta hore ay kal hore isla gorfeeyeen. Maadama uu hadda Goluhu noqwdey mid dastuur u gaar ah leh oo gudiyo iyo maamul dhisan leh, waxa la filayaa in marar kale mustaqbalka laga helo warar la xiriira hawlaha ay qabtaan.

 

 

20040924174044seminar2.jpg

Aqoonyahanada Aqoon Is-weydaarsigan ka qeybgaley

 

20040915115045sharif203.jpg

Gudoomiyaha Baaralamanka Dowladda Federaalka ee KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka qeybgaley shirka Aqoonyahanada isagoo ka jawaabaya matrtiqaad loo fidiyey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this