A_Khadar Posted September 30, 2010 (Hargaysa) 29.09-10 Ciidamada SNM ayaa caawa daabushay gawaadhida dagaal oo tiro badan iyago ku sii jeeda magaalada boorame. Ciidamadan oo aan la qoonin waxa saqda u baxayaan, xilli laga hurdo magaalada hargaysa, Wariyaha kabaweyne oo qadka telephonka ugu waramayay Xafiiska Radiowidhwidh ee magalaada lascanood ayaa u sheegay in Ciidamada ka baxay magaalada hargaysa ay qaadeen wada u baxda magaalada boorame isaga oo sheegay inuu la yaabay hubka iyo ciidamadanka ku sii qulqulaya magaaladaas. Wariyaha oo hadalkiis sii wada waxuu u sheegay Xafiiska Lacanood in caawa ay tahay habayn colaad xoogan laga dameeray magaalada Boorame isaga oo la xidhiidhay qaar ka mid dadka dagan magaaladaas oo iygu ka war hayay ciidamadan soo baxay. Maalintii shalay ahayd ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ee maamulka snm iyo Salaadiinta iyo waxgaradka reer Awdal ayaa ku kala tagay arinkii Col. Maxamed Cismaan Xudhuun, waxaan isla markiiba farta ku fiiqay Dr. Gaboose unna sheegay odaayshii inaysan waxba qaban Karin, waxaana meesha ka dhacay car iyo car. Quote Share this post Link to post Share on other sites