Sign in to follow this  
General Duke

President, PM and Mr Dheere all in Galkacyu

Recommended Posts

R/wasaare Cali M.Geedi iyo Maxamed dheere oo gaaray M.Gaalkacyo

Posted to the Web Jul 09, 16:27

 

 

Gaalkacyo:-Wafdigii uu hogaaminayayey Prof.Cali M.Geedi oo uu kamid yahay Guddoomiyaha gobolka Shabeelada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb ayaa goor dhow ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa camiray dadweyne oo aad u fara badan iyo masuuliyiin sarsare ee ka tirsan Maamul goboleedka PL ,halkaas oo markii danbe loo gudbiyey Wafdiga R/wasaaraha Hotel Taar oo ah Hoteelada ugu casrisan deegaanada Puntland.

 

R/wasaare Geedi ayaa markii labaad ay u tahay tegida Magaalada Gaalkacyo,halka Maxamed Cumar Xabeeb uu deegaanada Puntland uu ka gaaray oo kaliya intii ay dagaalada Sokeeye socdeen Wadanka Soomaaliya Magaalada Caasimada ah ee Garoowe dhamaadkii sanadkii 1999kii halkaas oo uu casumaad uu ugu fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo waqtigaa ahaa hogaamiyaha Deegaanada Puntland.

 

Galabta ayaa lagu wadaa inay Fadhi degdega ay yeeshaan Wafdiga R/wasaaraha iyo Madaxweynaha DFKS oo magaalada Gaalkacyo soo gaaray Maalintii shalay,halkaas oo ay iskula lafa guridoonaan Arrimo Siyaasadeed oo aan la shaacin.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Maxamed Geedi & Maxamed Dheere oo galabta ka degay Magaalada Galkacyo

 

Galkacyo-09.July.2005 Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa 3-dii galabinimo ee maanta wuxuu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

 

Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe ahna lataliyaha xaga amaanka ee madaxweynaha DFKMGah ee Soomaaliya.

 

Ra’isalwasaare Geedi iyo xubnaha la socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Galkacyto ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka iyo xubno ka mid ah golayaasha DFKMG ah oo ku sugan gobolka.

 

Cali Maxamed Geedi oo isla galabta Hotel-ka uu degan yahay saxaafada kula hadley ayaa ku macneeyey safarkiisa magaalada Galkacyo la tashi ay yeelanayaan Madaxweynaah DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, taashigaas ayuu sheegay Prof.Geedi in uu ku aadan yahay hawlaha xukuumada ee laga wado dalka.

 

Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi wuxuu sheegay in haatan xukuumadu ay wado hawlo kala duwan oo ku aadan hirgalinta dawlada, isla markaana ay qorshaha haatan ku jirto in la dhiso golayaasha maamulka ee gobolada dalka, waxaa kale oo uu sheegay inay wadaan qorshaha dib loogu dhisayo ciidamadii xooga dalka ee Soomaaliya taasi oo sabab u ah inaysan xukuumadu shaqeyn Karin hadii aan la dhisin ciidamada qaranka.

 

Prof.Geedi oo la waydiyey arimo ku aadan Ciidamada shisheeye ee dalka Imaanaya ayuu wuxuu sheegay in beesha Caalamka gaar ahaan Afrika ay go’aansatey raalina ay ka tahay in ciidamo nabad ilaalineed ay yimaadaan dalka, iyadoo shirkii ugu dambeeyey ee ka dhacey magaalada Sirta ee wadanka Liibiya amuurtaas si weyn loo soo dhaweeyey.

 

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay Cali Maxamed Geedi in marka ay u dhamaadaan kulamada la tashiga ah ee uu la leeyahay Madaxweynaha in uu dib ugu laaban doono magaalada Jawhar.

 

 

Saadaq Cabdi-Guumbe

SBC Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Raysulwasaaraha Soomaaliya prof: Geeddi ayaa galabta shir jaraa'id ku qabtay Gaalkacyo

- Saturday, July 09, 2005 at 17:01

 

Gaalkacyo(AllPuntland)-Raysulwasaaraha DFKGS Mud: Cali Maxamed Geeddi ayaa galabta shir jaraa'id ku qabtay Hoteelka uu ka daggan yahay magaalada Gaalkacyo.

 

Saxafiyiinta kala duwan ee gobolka ayaa su'aalo waydiisay Raysulwasaare Geeddi waxaana ugu horayn la waydiiyay inuu faah faahin ka bixiyo safarka uu ku yimid Gaalkacyo , waxaana uu ku jawaabay in magaalada Gaalkacyo uu u yimid wada tashi uu la yeelanayo madaxwaynaha DFKGS Mud: C/laahi Yuusuf oo haatan kusugan Gaalkacyo.

 

Waxaa wax laga waydiiyay oo kale halka ay marayaan hawlihii dawladda , wuxuu sheegay in dawladda hawleheedii bartanka looga jiro , isla markaana qorshuhu yahay in dawladda ay hirgaliso maamulladii degmooyinka iyo kuwii gobollada.

 

Arimo la xiriira Ciidamada shisheeye ee dalka Imaanaya ayaa wax laga waydiiyay , wuxuun sheegay in Afrika iyo beesha Caalamkuba ay raalli katahay in Ciidamo nabad ilaalin ah ay tagaan Soomaaliya , shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Sirta ayna isugu yimaadeen madaxda Afrikana arintaasi lagu soo dhaweeyay.

 

Kalsoonida uu dawladiisa kuqabo inay noqoto mid hirgasha ayaa wax laga waydiiyay , wuxuuna sheegay in dawladdiisa shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay taageereen , dawladduna haddii ay haysato taageerada Shacabkeeda ay hawlo badan qaban doonto.

 

Wuxuu kaloo ka hadlay in la samayn doono ciidan xooggan oo dalku yeesho , kuwaasoo dhammaan beelaha Soomaaliyeed laga qori doono, Ciidan la'aan ayuu sheegay inaysan dawladdu shaqayn karin.

 

Waxaa uu sheegay Raysulwasaare Geeddi marka uu u dhammaado wada tashiga uu la leeyahay madaxwaynaha Soomaaliya inuu dib ugu laaban doono magaalada Jowhar.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this