Sign in to follow this  
General Duke

Ciidamo ka dagey Saylac oo u talaabey xadka Ethiopia

Recommended Posts

Ciidamo ka dagey Saylac oo u talaabey xadka Ethiopia

14 Sep 14, 2010 - 6:20:03 AM

 

Ciidamadii gaaraya 250 oo kasoo dagey xeebta Saylac maalinimadii shaley ayaa wararka kasoo baxaya maamulka Somaliland ayaa sheegaya iney u gudbeen xadka

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaan kasoo dagey xeebta Saylac ay ku guuleysteen iney ciidamada Somaliland ka fara baxsadaan una talaabaan dhinaca Ethiopia halkaas oo dagaal ku qabsadey.

 

Gudoomiye ku xigeenka ururka ONLF oo la xiriirey saxaafada ayaa sheegey ineysan jirin ciidamo ka tirsan jabhadooda aysan halkaas ka gudbin isagoo ganafka ku dhuftey eedeynta ah in ciidamadaan kusoo tababarteen dalka Eritrea.

 

maalintii shaley 13.09.2010 Warsaxafdeed uu qabtey ku sheegey xafiiskiisa magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in ciidanka Somaliland ay daba socdaan ciidan gaadhaaya 200 oo nin oo aad u hubaysan isla markaana tababar soo qaatay ay ka soo degeen xeebta magaalada Saylac.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in nimankaasi laba doonyood ku yimaadeen xeebta magaalada Saylac iyaga oo loo sii diyaariyay saddex gaadhi oo waaweyn oo qaaday nimankii iyo saanad Milateri ay siteen.

 

Wasiirku intaasi ku sii daray in nimankaasi ay begsadeen dhanka xuduuda Ethiopia iyo buuraha dhaadheer ee qaybta smaamulka Somalida Ethiopia.

 

Wasiirku waxa uu shirka jara`id ku sheegay oo kale in ciidan badan ay beegsadeen halkaasi balse aanay ilaa hada jirin wax qabasho ah oo ay ku guulaysteen, waxa kale oo iyana dhankooda ku soo baxay ayuu yidhi ciidan ka socda Itoobiya iyo Jabuuti.

 

Dhinaca kale ciidamo Ethiopia ayaa shalay ilaa saaka baaris ku sameeyay meelo ka mid ah tuulooyinka xadka ku yaala halkasi oo ay ka baadhayeen nimankaasi ka soo degay xeebta.

 

Ciidamadaan tiradaas leeg oo kasoo dagey xeebta Saylac ayaa muujineysa sida maamulka Somaliland u difaacan karin xuduudihiisa.

 

Garowe online, Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Lol,

 

And Somaliland claims they have stopped this and demonstrated two old RPG's and one lixle-dheere to the media :D , they also claim to have arrested 4 people out of few hundred.

 

It seems they went there few days late and recovered old unwanted left-out small arms and arrested the locals.

 

How come no one stopped the 300 armed men with heavy new weoponry from Eritrea. Also SL had a fantom war with imaginary forces in the mountains of selal :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haatufta Maanta

 

Heesihii Somaliweynta maalintii dhawayd meesha Gabta la yidhaa laga qaadayey ma waxay durtaba dhaleen in ciidamo cadaw ahi intey xeebta ka soo dagaan ay masaafad 120 Km ah dalka gudihiisa iska soo socdaan. Aaway Taliyayaashii Qeybta ee Milatariga, Booliska iyo waliba ciidamada Ilaalinta Xeebaha ee dhamaantood Xukumayeen niman isku wada Raas ahi?

 

Meesha ay nimanka Al-shabaab iyo ONLF-ta isku jiraa ka soo dageen ee Buulo- Cadde yaa ka qaaday ciidankii joogi jiray?

 

Waa kuwii halkaas ka caagee ee tallow ma waxay ******** in Xuseen Kiinyaati loo dhiibay Sirdoonka, Ina Xudhuuna Kootarabaankii Lughaya ugu soo dagi jiray wali ku mashquulsan yahay oo ay Koontoroolada Doolar ku soo mari karaan?

 

Inta Galbeedka Lagu mashquulsan yahay, dhexda iyo bariga Aar May ka hilaaceen? Xumuumada hadii loo sii sheegay arintani inay dhici doonto, markii ay dhacdana ay iyadu la habsaantay Talaabooyinkii ay wax kaga qaban lahayd, sideebaa hadaba la yeelayaa?

 

Somaliland-tan Ilaahay baa ilaashanayoo waxa u heshiiyey Somaliweyn, Al-shabaab, Wahaabiyad iyo ********. Laakiin intuba waxba ka qaadi maayaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faysal Cali Waraabe Oo Xukuumadda Siilaanyo Ku Dhaliilay Habac-Sanaan Xaga Amniga Ah, Shacbigana Ugu Baaqay Inay Ciidamada La Shaqeeyaan

 

Hargeysa, September 14, 2010 (Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay xukuumada talada dalka haysaa aad u dayacday sugidii amaanka xuduudaha, sidoo kale waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqay in ay wada ilaashadaan oo ay dhinac uga soo wada jeestaan cadawga ku soo duulay ee raba in uu nabadooda carqaladeeyo.Sidoo kale waxa uu sheegay in cadawga ugu wayn ee Somaliland uu yahay dalka Erateria oo isagu caadaystey wax ka sheegida dalkan, in badan ku mashquulsanaa in uu wax u dhimo nabada iyo xasiloonida ay ummada Reer Somaliland samaysteen.

 

No Eritrea is the enemy of the secessionists..Oh Faisal stop with this crap.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland-tan Ilaahay baa ilaashanayoo waxa u heshiiyey Somaliweyn, Al-shabaab, Wahaabiyad iyo

Lool, calaacalki miyaa bilowday, mawaxaa lagaaray barigii ay dhihi jireen Somaliweyn baa nalaysay

 

Somaliweyn baa noo tashatay ayay kadaganaysaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Kuun-Kuun-Laminaa:

quote:
Somaliland-tan Ilaahay baa ilaashanayoo waxa u heshiiyey Somaliweyn, Al-shabaab, Wahaabiyad iyo

Lool, calaacalki miyaa bilowday, mawaxaa lagaaray barigii ay dhihi jireen Somaliweyn baa nalaysay

 

Somaliweyn baa noo tashatay ayay kadaganaysaa
Yeah they are crying out loud even though there has not even been a single bullet shot in their direction. Imagine if there was heavy fighting? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^No, no, actually they had a heavy war Yesterday waa la isku galab dhacsaday against the imaginery forces of ONLF hahahah :D

 

But they are now claiming to be carrying raashinka and biyaha for the Ethiopian forces that is engaging with the newly trained ONLF.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this