Sign in to follow this  
Cowke

Bossaso: Mogadishu University Sit Down For Tests. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Ardeyda Jaamacada Muqdisho oo Maanta u Fariistay Imtixaankii Gabagabada ee Sanad Waxbarasheedka 2009/2010 (Sawiro)

 

Boosaaso (RBC Radio) In ka badan 6,700 arday oo wax ka barata qeybaha kala duwan ee Jaamacada Muqdisho xarumaha ay ku leedahay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ayaa maanta u fariistay imtixaankii gabagabada ee sanad waxbarasheedka 2009/2010.

 

Imtixaankan oo ah gabagabada semesterka 2aad ee waxbarashada jaamacada ayaa waxaa ka qeybgalaya guud ahaan ardeyda wax ka barata 7-kuliyadood oo ay Jaamacada Muqdisho ka kooban tahay.

 

 

Xiriiriyaha Jaamacada

 

Cali Daahir Maxamed oo ah xiriiriyaha jaamacada ayaa Wariyaasha uga warbixiyey imtixaanka ayaa sheegay in maamulka Jaamacada uu diyaariyey hab gaar ah oo imtixaanka lagu maareeyo, wuxuuna ka codsaday dhamaan ardeyda inay ka faa’ideystaan waqtiga si degana u galaan imtixaanka.

 

Waxaa uu sidoo kale Cali sheegay inuu ugu baaqayo ardeyda jaamacada inay dhowraan waqtiga imtixaanka si aysan u dhicin in fursadii uu ardeygu ku diyaarin lahaa jawaabaha uu waayo.

 

Dr. Maxamed Xasan Nuur oo ah madaxa qeybta imtixaanada ee Jaamacada Muqdisho ayaa ugu hambalyeey guud ahaan ardeyda Soomaaliyeed ee sanadkan u fariisatey imtixaanka hadii ay ahaan lahaayeen kuwa dugsiyada iyo kuwa jaamicadaha. Wuxuuna sheegay in jaamacada iyo maamulkeeduba ay soo dhaweynayaan ardeyda dhameysata dugsiyada sare kuwaasi oo ka heli doona jaamacada Muqdisho adeeg waxbarasho oo tayo leh.

 

Qaar ka mid ah ardeyda jaamacada ee gashay imtixaanka ayaa sidoo kale nooga waramay dareenkooda maadaama ay u fariisteen xiritaankii semsterkii labaad ayna u tahay fursad ay ugu gudbi karaan semesterka xiga.

 

Imtixaankan ayaa xilligan ku soo beegmaya iyadoo guud ahaan goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha ay ka socdaan imtixaanada gabagabada ee sanad kasta la qabto.

 

Ardeyda qaarkood ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin gelida imtixaanka iyagoo ku booriyey saaxiibadooda kale inay muujiyaan ad adayg iyo dhiirananaan.

 

Ardeydaasi waxay tilmaameen inay ku rajo weyn yihiin in guul uu dambeyntii ay ka gaari doonaan dadaalka ay ugu jiraan dhismaha waxa ugu muhimsan noloshooda oo ah tacliinta ay hadda ku guda jiraan.

 

Jaamacada Muqdisho waxay ka kooban tahay 7 kuliyadoo oo leh takhasusaad ka kooban 20 iyo barnaamijka daraasadka sare (High Diploma, Master Degree iyo PhD). Waxaana ka qalinjabinaya sanadkan dufcadii 10-aad.

 

Jaamacada waxay xarumo ku leedahay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso, waxayna jaamacada Muqdisho heysataa aqoonsi caalami ah waxayna ka mid tahay 40-ka jaamacadood ee ugu horeeya jaamacadaha qaarada Afrika.

 

 

Cabdalle Axmed

RBC Radio

 

DAAWO SAWIRO BADAN:

 

j41-300x225.jpg

 

ab.jpg

 

j0.jpg

 

j2.jpg

 

a.jpg

 

j14.jpg

 

j17.jpg

 

j15.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this