Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Somali President meets state officials business groups: PICS

Recommended Posts

Madaxweyne C/laahi Yuusufoo Madaxda iyo Ganacsatada Puntland kala hadlay Mishkiladaha ganacsiga ee hareeyey Maamulka Puntland

 

Garowe, Axad, July 29, 2007 SMC

 

Shir ay isugu yimaadeen Weftiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha DFKMG ah,Madaxweynaha DGPL,wasiirka Ganacsiga,wasiirka Xannaanada Xoolaha Beeraha Iyo Degaanka iyo Ganacsatada Puntland ayaa waxa uu xalay ka dhacay Hoolka shirarka ee Xarunta Madaxtooyada DGPL.

 

Shirkan ayaa ahaa mid ay ka qayb galeen ganacsatada oo u kala qaybsanayd labo dhinac,qayb maxjarka diidan iyo kuwa ogol in ay dhisto shirkadda aljaabiri.

 

Dood dheer ka dib ayaa waxa la go’aamiyey in loo saaro guddi ka soo baaraan degta soo akhrida heshiiska lala galay shirkada Aljaabiri.

 

Intaasi ayaa waxaa mar labaad laysugu soo noqday galabta shirkii oo ay ganacsatu qayb waliba ay soo dirsatay guddi u hadla.

 

Ugu horrayntiiba waxaa halkaasi laga akhriyey go’aamadii ay soo saareen guddigii xalay loo xilsaaray waxaana halkaasi ka akhriyey Xildhibaan Cali Baashe oo ka mid ahaa weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha DFKGM,Go’aankiina waxaa uu u qornaa sidatan:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxjarka

 

Ka dib markan akhrinay heshiiska ku saabsan dhisidda maxjarka xoolaha la dhoofinayo

Ka dib markaan dhegaysanay Madaxweynaha DGPl

Markaan si qoto dheer uga doodnay oo dhinac walba ka eegnay waxaan Go’aaminay.

 

1.In mushruuca sida uu yahay loo hirgeliyo

 

2.In shirkad kasta oo xoolo dhoofisaa xaq u leedahay in ay isticmaasho maxjarka.

 

3. In shirkad kasta oo xoolo dhoofisaa ay xoolaheeda u suuq geyn karto wadanka ay doonto, waxaana looga baahan yahay:

 

a..Health certificate

 

b.certificate of country of origin.

 

Dabcan labadaan shahaado waxaa bixin doono maxjarka cusub,waxaana mas’uul ka ah DGPL.

 

Intaasi ka dib ayaa waxaa hadal kooban yidhi Madaxweynaha DFKMG Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed sida uu qabo dastuurka Puntland,iyo axdiga DFKM ah,ganacsigu waa mid xor ah oo tartan ah heshiika sida ku cad Saleebaan aljaabiri waxaa u xiran Sacuudiga, Ganacsatada Soomaaliyana waxaa u xiran dalalka Yemen, Emaaraatka iyo cummaan.

 

Hadaba ma jiraan wax u xiran Aljaabiri iyo wax u xiran Soomaali midna,nin waliba meeshuu doono ayuu xoolaha u dhoofsanayaa sidoo kale ma jiro xero labaad oo la dhisayo.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Gorowe Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this