Hashim Posted February 5, 2004 Maxay ku kala duwan yihiin Boqor Buur=madow iyo Siilaanyo Posted to the web 09:01 Feb 05 2004 Feb 05 2004 Hargeysa,(Somaliland Net) - Guddoomiyaha wakhtigan ee xisbiga KULMIYE, ayaa 31/01/04 gurigiisa ku qabtay wax loogu yeedhay shir-jaraa’id oo uu ku gooni yeelay waraabinta sida gaarka ah loo leeyahay, isagoo nuxurka warka uu suuqa madow ku bixiyayna uu ahaa u doodista Boqor Cismaan Buur madow, oo ay marka la eego sida uu u hadlay Siilaanyo ay isku mawqif ka yihiin dhabar-jebinta qaranka ku socda dhammaystirka dimuqraadiyadda. Marka la eego wixii uu warbaahinta ku soo bandhigay Boqorku, waxay ahaayeen tallaabooyin ay si weyn uga biyo diideen bulshda reer somaliland ee ku ad-adag ilaalinta madax-banaanidooda. Rayal caamka dadka reer somaliland intooda badan, ayaa markii laga daawaday waxa shirka jaraa’id loogu yeedhay TV-ga Hargaysa, si la mid ah sidii Boqor Cismaan uga biya diiday, iyadoo hooyooyinkii, dumarkii iyo waayeelkii daawanayayba badidoodu ay afka gacanta ka saareen waxa ka soo yeedhay odayga. Mid ka mid ahayd dumarkii daawanayay, ayaa aroornimadii, iyadoo u waramaysa mid ka mid ah weriyayaasha Maandeeq tidhi “Hooyo xalay ma daawanaysay TV-ga Hargaysa, maxaa odaygii Siilaanyo helay, sowkii sidii Buur Madow u hadlay”. Dhab ahaantii, waxa dareenka haweenaydaasi uu ahaa kan ay dadka caadiga ahi ee aan siyaasadda ku fogayn ka qabeen odayga, iyadoo dadku marka ay arrintaasi ka sheekaynayeen ay is-bar-bar dhigayeen hadalkii Boqorka iyo kan Siilaanyo. Erayada ay dadku sida weyn uga biyo diidanaayeen, waxa ay ahaayeen, kuwa Siilaanyo uu u dhigayay sida mindida labada af leh, taasi oo ay ka mid ahayd erayga uu ku daafacayo Boqorka ee uu ku leeyahay “Haddii Boqor Cismaan maanta yidhi waxan doonayaa inaan nabad gelyo kaga shaqeeyo arrinta oo waxaan doonayaa inaan tago C/laahi Yuusuf iyo dadkiisa, taasna gacan layga siiyo dagaalna aan lagu deg-degin, taasna in lagu taageeraa aniga wax fiican bay ila ahayd, umana arko inay tahay wax laysku xidho iyo wax laysku cebeeyo toona”. Haddaba waxa marka la eego doodo guddoomiyaha wakhtigan ee xisbiga KULMIYE muuqanaysa in tallada uu hayaa ay tahay in kaalinta xukuumaddii ay bulshadani dooratay meesha laga saaro, arrinkuna iska ahaado “Dabadaa rogan”, oo qof waliba jihada uu doono uu u dilaalis tago. Dadkii arrintaasi kaga doodayay goobaha kulanka, gaar ahaan mafrashyada fadhi ku dirirka siyaasadda oo inta badan ay isugu yimaadaan dadka u dhuun daloola siyaasadda, ayaa arrinkaasi si weyn loogu lafa guray. Mid ka mid ah ragga u dhuun daloola siyaasadda oo arrintaasi ka waramayay, ayaa yidhi “Arrinka Siilaanyo maaha inuu u hadlayo xil-dhaqameedka Boqor Cismaan ee waa mawqifka ay iskaga midka yihiin”. Waxa ninkani uu ku sababeeyay in Siilaanyo aanu u hadlay xil-dhaqameedka, in hore loo xidhay madax-dhaqameedyo kale, balse marnaba aan Siilaanyo sida Boqor Cismaan uu ugu hadlay aanu ugu hadal. Sidoo kalena, waxa goobaha arrintaasi lagaga hadlayay intooda badan, laysku weydiiyay waxa odayga helay ee sababay in uu isagu qaato kaalinta xukuumadda ay bulshadani codkooda ku dooratay, iyadoo weliba xisbigiisa lagaga guulaystay cod aan sidaa u sii badnayn. Waxa si weyn looga naxay in Siilaanyo uu qirto in uu isagu Itoobiya u tegay sidii ay C/laahi Yuusuf uga qancin lahayd, isagoo yidhi. “Arrinta ugu weyn ee aan Itoobiya u soo maray berigii dhawayd ee aan dibadda ka imid, waxay ahayd inay arrinta wax ka qabato oo khaasatan ay C/laahi Yuusuf ku qanciso oo ku tidhaahdo ka baxa dhulka aad ku soo duusheen, arrintana nabad lagu dhammeeyo, waayo dadku aad bay nabad gelyo ugu baahan yihiin”. Waxa markii aad erayadan dhuuxdo la xasuusan karaa tallaabadii uu xabsiga ku mutaystay Saleebaan Aadan “Saleebaan gaal”, wakhtigii uu Jabuuti soo maray, isagoo ka yimi Yurub. Shacbi weynaha reer somaliland ee gudahooda dhiiga iskaga daadiyay qadiyadda ilaalinta madax-banaanida somaliland, marnaba yeeli maayaan, taageerina maayaan erayo laba af leh, oo loogu duur-xulo baabiinta qaranimadooda, inta C/laahi Yuusuf uu ku jiro taago dhul somaliland ahna ka seexan maayaan taageerada ay xukuumadda arrintaa ugu hayaan, haddii aanay cudud muujina shacbigu, iyaduu ku dareeri lahaa. Si kastaba arrinku ha ahaadee, waxa odayga looga fadhiyaa inuu mabda’iisa dibadda la wareego sidii saaxiibadii oo uu ugu dambeeyay maamulihii ololihiisii doorashada sifir ee Xamar ka degay ama uu aqoonsado xukuumadda jirta ee kaga adkaatay doorashada. Waxaana marka laysku soo koobo jawaabta arrintan ay u eeg tahay murtidii Faarax Nuur ee ahayd “Booraan afkii laga qafilay, khabarna hooseeyo, manaa midiyo lay qarshaa laygu qali doono”. Posted by M Ghalib, Somaliland Net. Email: news@somalilandnet.com Reporter: Sa'eed Yare Quote Share this post Link to post Share on other sites