General Duke Posted November 25, 2004 MALEESHIYOOYINKA SHAATIGADUUDOO SHAACA KA QAADAY INAY DIYAAR U YIHIIN LA SHAQEYNTA DOWLADDA CUSUB Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) ee ku sugan gobolka Bay ayaa shalay shaaca ka qaaday inay la shaqeyn doonaan Dowladda cusub ee Federaalka Soomaaliya. Maleeshiyooyinkan ayaa tiradooda lagu sheegay in ka badan 400-maleeshiyo, waxayna ballanqaadeen inay soo dhoweynayaan Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf Axmed. Ballanqaadka maleeshiyada Shaatigaduud ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee shaaciya inay la shaqeynayaan Dowladda cusub, iyadoo ay jiraan maleeshiyooyin beeleedyo kale oo iyana ballanqaaday inay la shaqeynayaan, waxaa soo badanaya taageerada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan Dowladda cusub. Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Xiddigta Panorama Quote Share this post Link to post Share on other sites