Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Col Dhancade we will hunt down the insurgents

Recommended Posts

Ciidamada Aaga Bari ee Somaliland oo bilaabay Hawlgalo ay ku Ugaadhsanayaan Dableydii Oog Dadka ku laysay

Hargeysa (Waaheen) Maleeshiyada SSC ee ka soo jeeda Puntland ayaa habeen hore weerar ku soo qaaday magaaladda Oog ee Gobolka Saraar ee Somaliland halkaas oo ay ku Dileen laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Somaliland laba kalena ku Af-duubay

 

Sidaa waxa Waaheen u xaqiijiyay Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland ee laga soo doortay Deegaamadaasi, waxanu sheegay in Maleeshiyo ka tirsan SSC habeen hore soo weerartay magaaladaasi Oog “ waxa soo weeraray Oog niman Maleeshiyo ah oo ka tirsan Maleeshiyada SSC oo ku dilay Nin ka tirsanaa ciidanka Somaliland, nin kalena ku dhaawacay laba kalena kaxaystay, markaa waxa la ii soo sheegay ninkii kale ee ay dhaawaca ku kaxaysteen isna inuu dhintay.” Isagoo sii wata warbixinta uu ka helay Oog waxa uu yidhi “ nimankaasi waxa la ii sheegay inay Doraad Calan ka taageen Deegaankaasi, dadka degana u qudbadeeyeen isla habeen horena hawlgalkaasi weerarka ah ay magaaladda ku qaadeen.”

 

Wararka ayaa intaasi raaciyay in kooxda weerarka gaysatay ay baxsadeen markii danbe, hasa yeeshee ay Ciidamo ku baxeen, kuwaasi oo ku raad-jooga sida la sheegay dablaydaasi oo u kacay dhinaca deegaanka Buuhoodle, iyadoo talliyaha aaga Bari ee Ciidanka Qaranku Talliye dhancade uu ku hanjabay in ay weerarkaasi gaadmada ah cidii ka dambaysay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Maxaabiistii ma la dafiray..

 

Ciidao ka tirsan hogaanka midaynta iyo bad baadada Goboladda ssc ayaa xalay weerar qorshaysan ku soo qaaday Deegaanka OOg halkas oo ay ku dileen mid kamid a askarta somaliland ee ku sugan deegankaas,halka labo kamid ahna ay Dhaawceen sidoo kale waxay Maxaabiis ahaan u sii kxaysteen 3 Kamid ah Askarta somaliland ee ku ugan deegaanka OOG,

 

Ciidanka ssc ee qorshaha fuliyey hada ku sugan Magalada Buuhoodle ee Xaruuna gobolka Cayn ee hada fadhiga u ah Hogaanka midaynta iyo Bad baada SSC

 

Xisgasho Sarmaanyo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this