Sign in to follow this  
General Duke

Thug Inda-Cade forcing youths to join millitia...

Recommended Posts

Maleeshiyada Yuusuf Indhacade oo qafaal ba’an ka wada Koonfurta Somaliya

Posted to the MOL November 29, 2006, 8:49 pm

 

 

Muqdishu:- Iyadoo ay dhawrkaan beri isa soo tarayaan cabsida laga qabo dagaal furan oo ka dhex qarxa ciidamada dawlada federaalka Somaliya oo kaashanaya kuwa Puntland iyo Maxkamadaha Muqdishu ayaa wararka ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Muqdishu waxay sheegayaan in maleeshiyo gaara oo uu hogaamiyo Yuusuf indhacadde oo xoog ku haysta magaalada Marka ahna nin ka mid ahaa dagaal oogayaashii hore bilaabeen in maleeshiyadiisu qafaashaan dhalinyarada beelaha aan hubaysnayn iyo beelaha ay uga xooga roonaadeen koonfurta Somaliya.

 

Qafaalka ay wadaan maleeshiyada Yuusuf indhacade ayaa waxaa lagu micneeyay inay ujeedadeedu tahay in ay helaan dad ay isaga hormariyaan jiidaha hore ee ay isku horfadhiyaan ciidamada dawlada oo ay ka jirto cabsi dagaal oo saa'id ah. Wararka ayaa qaar sheegayaan in dhalin yarada la qafaashay qaarkood miinooyin lagu xiri doono oo loo isticmaali doono ismiidaamis iyadoo dhalintaas ay waardiye ka hayaan maleeshiyo gaar ah oo ay isku beel yihiin Yuusuf Indhacade.

 

Yuusuf Indhacdde ayaa maalintii shalay si cad markii ugu horeysay u sheegay inay wadanka soo galin doonaan ciidamo ajnabi ah oo mayal adag oo qaarkood ismiidaamin doonaan kuwaasoo aaminsan inay jannada gali doonaan hadday ismiidaamis isku dilaan. Yuusuf Indhacde oo hadalkaas sheegay isagoo u qodbaynaya dad ay Maxkamadaha Muqdishu isugu keeneen Tarabuunka ayaa waxaa dadka dhexdiisa lagu arkay Gabdho Somaliyeed oo xijaab indha shareer ah wata oo ku libisan qoryaha AK47. Arintaas oo Indhacade ugu talo galay inuu ku bajiyo ciidamada la filayo in qaramada Midoobay u soo diri doonaan Somaliya balse u horseedi doonto Somaliya inay noqoto bar tilmaameed ay u soo hayaamaan argagixisada caalamku.

 

Diinta Islaamka ayaysan ku banaanayn in qof naftiisa haligo iyadoo qofkii isdilana naarta loogu bishaareeyay.

 

Xaquuqda Sawirka: reuters and AP.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this