Saalax Posted October 29, 2010 Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Reer Somaliland Iyo Ehelada Dadkii Ku Dhintay Qaraxyadii 29-Kii October Ka Tacsiyadeeyay. Friday, October 29, 2010 Hargeysa (HWN) Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi u diray gabi ahaanba qaranka somaliland, eheladii iyo qarabaadii ka baxeen dadkii ku naf waayay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee 29-kii October ka dhacay Hargeysa. Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada kaas oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayuu madaxweynuhu ku sheegay in ay maalintaasi ahayd mid murugo iyo xanuun badan isla markaana aan si dhib yar loo ilaabi doonin. Waxaanu warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani uu u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Tacsi u dirayaa Qoysaskii ay ka bexeen Muwaadinintii ku geeriyooday Qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee ay Argagixisadu la Beegsatay Xarunta Madaxtooyada, Xafiiskii Ethiopia iyo Xafiiskii UNDP 29 October 2008 iyada oo ay Maanta ku beegantahay Sannad Guuradii 2aad ee Qaraxyadaasi ka soo Wareegtay, sidoo kale waxan ka tacsiyadaynayaa Shacabka reer Somaliland oo Dhan Falkaa Foosha Xun ee Cadawga Somaliland kula kacay Qarannimada Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Maalintaasi ahayd maalin Murugo leh Illaahayna waxa uu uga beryey Dadkii ku Dhintay inuu Naxariistii janno ka waraabiyo Shacabka reer Somaliland iyo intii ay ka bexeena uu samir iyo Iimaan ka siyo. Dhinaca kalena waxa uu Madaweynuhuu sheeg in ay maalintani ay ka mid ahayd isku dayadii uu Cadawga Somaliland ku mijo xaabinaayey Qarannimada Somaliland laakin taasi aynu kaga soo gudubnay isku duubnida iyo Hal adayga Ummada reer Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in aanu Cadawga Somaliland marna ku guulaysan doonin Hagar-daamo kasta oo uu u malleegayo Somaliland hore iyo Dibtoona Waxaanu Madaxweynuhu shacabiga ugu baaqay in ay sidii ay horeba ay ugu soo jedeen u illaashadaan Nabadgelyada Qaranka iskuna duubnadaan” ayuu madaxweyne siilaanyo ku yidhi warsaxaafadeedkaas. Hadhwanaag Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 29, 2010 ilahay ha u naxaristo shacabki ku geeriyooday qaraxyadi 2 years ago Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 29, 2010 Was another bloody day marked in the Somaliland history ...... Ilaahay ha u naxariisto dadkii ku dhintay. Quote Share this post Link to post Share on other sites