Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Police Arrest Terrorists in Burco

Recommended Posts

Hargeysa (Somalilandpress)- Ciidamada Ammaanka Gobolka Togdheer ayaa gacanta ku dhigay Laba Nin oo laga shakiyay, kuwaasoo gacanta ku hayay walxaha qaraxa sameeya.

 

Ciidamada Ammaanka oo la socday, kana war-helay in nimankani magaalada Burco ku macmalayaan walxaha qaraxyada laga sameeyo, subaxnimadii saaka bilaabay hawl-gal ciidan oo balaadhan oo ay ku daba-galayaan ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan nimankan iyo walxihii ay haysteenba si loo horgeeyo cadaalada.

 

Guriga uu deganaa mid ka mid ah labadan nin ayaa laga helay dhamaanba walxahan qarxa oo noocyadooda lagu sheegay inay ahaayeen waxyaalo laga sameeyo miinooyinka, hub culus oo la jajabiyay iyo waxyaalo kale oo tiro badan.

 

Magaalooyinka waawayn ee Somaliland ayaa caawa aad laysaga waydiinayay nimanka iyo qalabka qaraxyada lagu fuliyo ee lagu qabtay magaalada Burco, iyada oo khadka telefoonada lagu hadal-hayay iyo goobaha bulshadu ku kulanto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Badhasaabka Gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Biin, ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka Magaalada Burco ay qabteen laba nin oo mid ka mid ah lagu qabtay Hub iyo Waxyaabaha qarxa.

 

Badhasaabka Gobolka Togdheer, wuxuu sheegay in arooryadii hore ee maanta ay Ciidamada ammaanka ee Magaalada Burco hawl-gal ay qaadeen ku soo qabteen laba nin oo mid ka mid ah lagu soo qabtay Hub iyo waxyaabaha qarxa. Kaas oo waqtiga la soo qabtay ku jiray Guri uu ku diyaarinayay Hubkan oo u muuqday kuwo uu damacsanaa in uu adeegsado falal Argagixiso. “Waxyaabaha qarxa oo ay ka mid tahay Miinooyinka Saabuunta ah iyo Rimoodhkii lagu hagayay, ayaa loogu tegay gurigii laga soo qabtay.” Sidaa waxa yidhi Jaamac Cabdilaahi Biin.

 

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Biin wuxuu sheegay in taageerada Shacabku ay keentay inay Ciidamadu ku guulaystaan hawlgalkan iyo kuwo la mid ah, isla markaana wuxuu ugu baaqay shacabka inay sii xoojiyaan taageerada ay u fidiyaan Ciidamada ammaanka ee gobolka iyo guud ahaan Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

There is no terrorist in Burco, leave the waddados alone, bloody galo raaca.

 

P.s. You know I don't like reading somali, so I'm commenting on the title.

 

P.s.s. Reer Burco peeps will never blow themselves up, that is fuuleynimo and a half icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Jaamac Cabdilaahi Biin

Aha! They have Mr. Biin in Burco? smile.gif Adeer waxani waa ila-qosol fiican. Saabuun musqul iska taal ayaa qarxaysaa lagu leeyahay. :D:D:D

 

Dharaar hore Timir lafteed ayaa faniineeysa ayeey taagneyd. smile.gif:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by *Ibtisam:

P.s. You know I don't like reading somali, so I'm commenting on the title.

And what does the title say ??? ,,, Terrorists IN Burco sow maaha ?? ,, they can be terrorists from other places but in Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burco(Qarannews)-Ciidamadda Amaanka ee Gobolka togdheer ayaa Saaka Subaxdii hore Gacanta ku dhigay Laba Nin oo lagu tuhmay inay ku fooganaayeen Hawl-gal Argagaxiso, kuwaas oo sitay qalab iyo hub isugu jira baasuukayaal iyo Walxaha Qaraxa sameeya.

 

Baadhasaabka Gobolka togdheer Jaamac Cabdillaahi Biin oo Hawlgalkan Boolisku ku qabteen labada nin uga waramay Saxaafadda Maxaliga ah ayaa sheegay in Guri ku yaala mid kamida Xaafaddaha magaalada Burco oo ay ku jireen raggani laga helay saabbuunta miinada laga sameeyo, baasuuke dabadii oo uu ku tilmaamay in loo isticmaalo qarxiyaha miinada iyo waayarro loo isticmaalo miinada.

Baadhasaabka oo ka gaabsaday inuu shaaciyo magacyada Ragan balse ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan Deegaanka magaalada Burco.

"WAxa la qabtay oo la daba socday nin wadaad ah oo la yidhi waxa uu dadka ku wacdiyaa Illahay ha laga yaabo, Muslimkuna xaq buu ku dagaalamaa Xaqa ha lagu dagaalamo, xaq darradana ha la iska daayo, dadka wax jarjaraya ee lugaha iyo gacmaha goynaysa waa xaaraan ee ha la joojiyo, ayaa habeen laba nin budheeyeen inta ay mee l u galeen, sidaa darteed anaga daba galkayagu waxa uu ahaa in labadaasi nin la soo qabto"ayuu yidhi baadhasaabku.

 

waxaanu intaas ku daray "kadib ciidamadu way soo qabteen iyaga oo ku jabiyay guri uu ku jiray, waxaana halkaasi loogu tagay qalabkii wax lagu qarxin jiray oo dhan, Remote baa loogu tagay, Saabuunta miinada laga sameeyo ayaa loogu tagay, waxa kale oo loogu tagay Dabada Qoriga Baasuukaha ee qaraxda".

 

si kastaba ha ahaatee waa markii u horeysay ee rag lagu tuhunsan yahay qaraxyo laga qabto magaalada Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

^You need to know the difference of the label of a terrorist and a suspect of terror acts. These men are held captive for allegedly committing terror.

 

Innocent until proven guilty, when they are convicted call them terrorists.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Ducaqabe:

^You need to know the difference of the label of a terrorist and a suspect of terror acts. These men are held captive for allegedly committing terror.

 

Innocent until proven guilty, when they are convicted call them terrorists.

The is exactly it, after a court has found them guilty then they are terrorists. Right now it should say "suspected terrorists". But they know the headline sounds better if you already label them terrorists. I think this news is trying to change the subject on the imaginary elections that was stolen and how there are no longer elections held in a place that says they are a democracy. So they make these ridiculous headlines.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this