Sign in to follow this  
Abwaan

Maamulka Itoobiyanka ee G Banadir oo bilaabay inuu ka hortago Didiin la dhoofin lahaa

Recommended Posts

Abwaan   

Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay inuu ka hortago Didiin la dhoofin lahaa

 

 

Burburkii nidaamkii Dowladnimo ee Soomaaliya kadib ayaa waxaa caadi noqotay in laga faa’iideysto nidaam la’aanta dalka ka jirta taasi oo keentay in cidd kasta wixii ay doonto ku dhaqaaqdo maadama aysan jirin wax Maamul ah oo u dhaxeeya dadka iyo dalka ama nidaam Sharci ah oo ka hortagi karo wax kasta oo dhibaato u keeni kara dalka iyo dadka Soomaaliyed.

Ganacsatada Soomaaliyed ee magaca ku yeeshay bulshada 16-kii sano aynu soo dhaafnay waxay ka qeyb qaateen burburinta dalka, iyagoo kaalin muhiim ah ka cayaaray in dalka Soomaaliya uu noqdo mid ku jira fowdo iyo nidaam la’aan.

 

Waxay fiirinayeen dantooda qaaska ah, ma aysan fiirin danta Guud,waxay bilaabeen in wax kasta oo dalka yaala Dibadda u dhoofiyaan, waxay qaadeen Dhuxushii, iyagoo sabab u noqday Geedo badan oo dhaxal u noqon lahaa dalka dhoofiyeen,waxay dibadda u dhoofiyeen Biro fara badan, Ciid,Sinsinta iyo waxyaabo badan.

 

 

Wiilka uu dhalay I. Shaawe iyo Maxamed Dhere

Marka aad eegto hab dhaqanka Ganacsatada Soomaaliyed runtii waxaa la dhihi karaa waa ay ka daran yihiin qabqabliyaashii dagaalka, waayo ganacsatada Soomaaliyed waxay dhoofiyeen waxyaabo badan oo dalka wax u tari lahaa, waxay dalka soo geliyeen Raashin dhacay iyo daawo aan tayo lahayn.

 

Hase ahaate mar kale ayaa dadka Soomaaliyed waxay la yaabeen maangaabayaasha weli doonaya in ay dalka xaalufiyaan, kuwaas oo bilaabay inay dhoofiyaan Noolaha loo yaqaano DIDIIN.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere waxay ka hortageen khatar cusub oo ku soo fool lahayd dalka iyo dadka Soomaaliye kadib markii ay is hor taageen qorshe qaldan oo ay wateen Ganacsatada Soomaaliyed kuwaas oo damac uga jiray inay dibadda u dhoofiyaan Nolaha qolofka adag saaran ee DIDIINKA.

 

Waxaa xarunta Maamulka Gobolka Banaadir dhex yaala gaari weyn oo lagu soo raray Didiinka, kaas oo runtii la damacsanaa in dibadda loo dhoofiyo, waxaana gacanta Maamulka Gobolka Banaadir ku jira mid ka mid ah Ganacsatadii howshaas waday.

 

Dad fara badan oo aan la kulmay waxay doonayaan in Maxkamad la soo saaro raggii ka dambeeyay in ay dhoofiyaan Nolohaas loo yaqaano Didiinka.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Source

 

Subxaanallaah, Waa xaalufin Duhur cad ah. Xitaa 10 sano waa igu qaadan lahayd inaan waxaan oo Diidiin ah ka soo uruuriyo Soomaaliya. Malaha haddii Dowlad run ah oo caadi ahi Soomaaliya ka dhalato we will start begging other countries to donate Xayaawaanaad kala duwan illeen waa waddan 16 sano laga sii gurayey.

 

Inta aan sheekooyin cajiib ah oo naxdin leh ee xaalufintaas ku saabsan ee aan maqlay caqliga ayaa diidaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

lol@ Maamulka Ethiopianka ah.... You must love the Ethiopians to give credit for the great job... good of ya Abwanow, but let me put it this way and ask this question...

 

 

Abwanow hadii anagii Somalida ahayn aan sidaa wadanka uxaalufinay una baabi'inayno, Maamuulka Ethiopiaknaa uu naga qabanaayo sida hadda arinta oo kale soo inaan dhahdno ma ahan Thanks? kolay waa saad hadalka u dhigtay hadaan kuu raacay...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Emporer wanaag uma aan dhihin maamulka Itoobiyaanka waa haddii sidaan hadalka u dhigay aad u raacdid. Aniguna ma aaminsani inay Soomaalidu wada bahallo yihiin oo aan markaas Itoobiya naf ka doonno innagoo u arkayna inay naga wada fiican yihiin.

 

Saaxiiboow meel dowlad la'aani ka jirto wax walba waa lagu arkaa. Mowduuca ayaa ila noqday mid dood abuuri kara oo aan islahaa aan is xasuusinno sida dalkeenna loo xaalufiyey. Itoobiyana waxaad ogaataa waxba yaan laga dhigin saviours waayo hubka dhulkaan lagu baabiyey oo dhan boqolkiiba inta badan iyadaa Soomaalida u qaybisay, marka sidee uga fili karnaa inay dalka nabad ka abuurto, waa sheeko aan macquul ahayn iyo riyo. Saaxiib Itoobiya waa cadawga ummadda Soomaaliyeed, dadkii aan taas arkinna Ilaah ha tuso haddii ay diidaan inay arkaanna, Soomaaliya haba iskaga qaxeen oo Itoobiya ha aadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Max'ed Dheere iyo wax lamid ahba wanaag maka sugeynin, laakiinse tan waa ku raacsanahay. Qashintaas ganacsinimo sheeganaayo dadkii, dalkii, duurkii dhameeye iyo baddiina sumeeye, geedihiina wada jaray, hadana usoo dhigtay dugaagii yaryarayd ka fakan la'.

 

Libaaxyadii, shabeelooyinkii iyo duurjoogta kale ayee kor hore dhameeyeen, hadana diidiintii ayeeba usoo dhigteen.

 

Waxmagarado aan mustaqbal dhaw iyo shishaba ka fikireynin, oo u cad calooshooda. Taloow jiilkooda iyo waxee sii dhalaan meeshee ku nool lahayeen maka fikiraan miyaa kuwaan, haddeeba dhulkii wax walba oo wax u tar ah ay wada gooyaan, wada tirtiraan, wada beec ka dhigo, wada iibiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this