Sign in to follow this  
General Duke

Tool Shariff Warlords fail yet again......

Recommended Posts

Kulan Golaha Barlamaanku Ku yeeshay Magaalada Muqdisho oo Tiradii Loobaahna ay sansoo xadirin.

E-MAIL THIS PRINT THIS

 

Liibaan Cabdi Cali, Muqdishu

 

 

Kulan uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ka dhacay xaruntii hore ee xisbiga ee magaalada Muqdisho .

 

Kulankaasi oo markii hore la qorshaynayay inuu noqdo kalfadhiga rasmiga ah ee xildhibaannada ayaa loo baddaley mid looga doodo oo kaliya arrimo dalka ka jira ka dib markii uu buuxsami waayay kooramkii loo baahnaa ee uu ku qabsoomi lahaa.

 

Xildhibaannada isu yimid ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii dib loogu dar dar galin lahaa howlaha nabadaynta magaalada Muqdisho,iyo sidii la isugu soo dhawayn lahaa xubnaha dowladda ee ku kala sugan magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

 

Xubnaha xildhibaannada ah ee ka soo qayb galay kulankaasi ayaa si wada jir ah dhaleecayn ugu jeediyay dowladaha Ethiopia, Yemen iyo Talyaaniga :D oo ay ku eedeeyeen in aanay dhex dhexaad ka ahayn arrimaha dalka somalia.

 

Kulanka maanta oo ahaa mid si wayn dadku ugu dheg taagayeen ayna ka maqnaayeen qaar ka mid ah wasiirrada ugu muuqmuuqda sida Caato iyo Muuse suudi ayaan la sheegin xilli la isugu soo laaban doono....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this