General Duke Posted July 2, 2005 Kulan Golaha Barlamaanku Ku yeeshay Magaalada Muqdisho oo Tiradii Loobaahna ay sansoo xadirin. E-MAIL THIS PRINT THIS Liibaan Cabdi Cali, Muqdishu Kulan uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ka dhacay xaruntii hore ee xisbiga ee magaalada Muqdisho . Kulankaasi oo markii hore la qorshaynayay inuu noqdo kalfadhiga rasmiga ah ee xildhibaannada ayaa loo baddaley mid looga doodo oo kaliya arrimo dalka ka jira ka dib markii uu buuxsami waayay kooramkii loo baahnaa ee uu ku qabsoomi lahaa. Xildhibaannada isu yimid ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii dib loogu dar dar galin lahaa howlaha nabadaynta magaalada Muqdisho,iyo sidii la isugu soo dhawayn lahaa xubnaha dowladda ee ku kala sugan magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho. Xubnaha xildhibaannada ah ee ka soo qayb galay kulankaasi ayaa si wada jir ah dhaleecayn ugu jeediyay dowladaha Ethiopia, Yemen iyo Talyaaniga oo ay ku eedeeyeen in aanay dhex dhexaad ka ahayn arrimaha dalka somalia. Kulanka maanta oo ahaa mid si wayn dadku ugu dheg taagayeen ayna ka maqnaayeen qaar ka mid ah wasiirrada ugu muuqmuuqda sida Caato iyo Muuse suudi ayaan la sheegin xilli la isugu soo laaban doono.... Quote Share this post Link to post Share on other sites