Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Axmed Maxammad Siilaanyo arrives in Djibouti.

Recommended Posts

Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Jabuuti Oo Kulankii U Horeeyay Ku Yeeshay Madaxtooyada Jabuuti

November 4th, 2010 Comments Off

 

Jabuuti (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee wadankiisa kulankii ugu horeeyay kula yeeshay Weftigii uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu shalay ku tagay dalkaasi ka dib markii uu ka helay martiqaad rasmi ah.

 

Wararka ka imanaya Magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in kulankaasi labada Madaxweyne kaga hadleen ahmiyada ay labada qaran ee Jabuuti iyo Somaliland u leedahay xoojinta xidhiidhka, iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada ummadood ee walaalaha ah.sidaasna waxaanu ka soo xiganay mid ka mid ah masuuliyiinta weftiga madaxweynaha Somaliland, waxaanu tilmaamay in kulankaasi labada Hoggaamiye isku waafaqeen arrimihii ay ka wada hadleen.

 

Waxa la sheegay in kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan labada wadan ee Somaliland iyo Jabuuti.

 

Sidoo kale, Marwada Madaxweynaha Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, ayaa iyaduna saaka Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, ayaa labaduba kormeer ku soo maray xarumaha daryeelka Carruurta, oo ay Marwo Khadra Maxamuud Xayd maalgelin ku samayso isla markaana taageerto horumarinta goobahaasi.

 

Weftigii Madaxweyaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay si aan hore loo arag oo la yaableh loogu soo dhaweeyay Jabuuti waxaana ka qeyb galay madaxweyene Geelle iyo xubno ka tirsan Golahiisa Xukuumada.

 

Somaliland. Org

Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this