Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Axmed Maxammad Siilaanyo arrives in Djibouti.

Recommended Posts

Waftiga M/weynaha Somaliland oo Meeqaamkii ugu sareeyey Baratakool ahaan lagu soo dhaweeyey Madaaraka Jibuuti

posted by: Webmaster

 

Djibouti/ToggaHerer

 

Waftigii uu hogaaminayay M/weynaha Jamahuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa gaadhay magaalada Jibouti ee Jamhuuriyadda Djibouti .

 

Waftiga M/weynaha Somaliland uu higaaminayo waxa madaarka Caalamiga ee Jibuuti ku soo dhaweeyey M/weynaha Jamhuuriyada Jibuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo marwadiisa Khadra Xayd iyo xubno ka mid ah golaha xukuumada Jibuuti .

 

Soo dhawaynta M/weynaha Somaliland ay ku qaabishay Xukuumada Jibuuti ayaa noqonaya baratakool ahaan tii ugu saraysay ee lagu qaabilo wafti ka socda Somaliland madaarka Jibuuti oo uu hor kacayo M/weyne .

 

Safarkan uu M/weynuhu ku baxay ayaa noqonaya safarkiisii u horeeyey intii uu xilka qabtay M/weynaha ayaa u sheegay saxaafada socdaalkani ahmiyada uu u leeyahay Somaliland waxaanu sheegay in uu martiqaad ka helay dhigiisa wadanka Jibuuti Md Ismaaciil Cumar Geele isla markaana ay ku balansan yihiin in xidhiidhka soo jireenka ah ee labada wadan in laga wada hadlo waxaanu M/weynuhu sheegay in labada dal wadaagaan taariikh dheer oo walaalnimo .

 

M/weynaha Somaliland waxa uu sheegay in socdaalkiisan laga wada hadli doono xaalada geeska Afrika iyo xoojinta xidhiidhka labada wadan.

 

Warqabadka ToggaHerer

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weftigii M./Weyne Siilaanyo Oo Jabuuti Loogu Soo Dhaweeyay Meeqaamkii Ugu Sareeyay

 

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu Hoggaaminayay ayaa galabta lagu soo dhaweeyay madaarka magalaada Jabuuti, waxaana halkaasi loogu soo sameeyayr baratakoolkii ugu sareeyay ee lagu soo dhaweeyo Madaxweyne Somaliland ah, waxaana Madaarka ku qaabilay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa kula hadlay Saxaafadda ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ka dambeeyay casuumad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, waxaanu tilmaamay in booqashadiisu ay salka ku hayso sii xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka ka dhexeeya labada qaran ee Somaliland iyo Jabuuti.

 

Md. Axmed Siilaanyo ma uu sheegin mudada uu qaadan doono socdaalkiisa wadanka Jabuuti iyo inuu jiro dal kale oo uu uga sii gudbi doono marka uu dhamaysto socdaalkiisa.

 

Madaxweynaha waxa madaarka Hargeysa ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, waxaanu halkaasi salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisa ku weheliya marwadiisa Marwo Aamina X. Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka Md. Sacad Cali Shirre.

 

Weftigii Madaxweynaha Somaliland ee dalka Jabuuti ayaa lagu

Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo waa lugtii u horeysay ee uu ku tago dalka dibadiisa tan iyo markii uu la wareegay tallada dalka 27-kii bishii July ee la soo dhaafay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidee TV-ga Jabuuti U Baahiyay Qaabilaadii M/Weyne Siilaany Weriye Cumar M. Faarax

November 3rd, 2010 Comments Off

 

Waxay ahayd markii u horraysay ee Madaxweyne ka socda Somaliland loogu soo dhaweeyo baratakoolkii ugu sareeyay ee lagu sharfo maamuus ahaan dalka dibadiisa, Muuq-baahiyaha Qaranka Jabuuti ayaa caawa baahiyay muuqaalka Weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo si aan hore loo arag loogu soo dhaweeyay Madaarka Caasimada Jabuuti. waxa gegadda diyaaraha kaga hortagay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geellen, oo ay weheliyeen xaaskiisa Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiiradda.

 

Waxa TV-ga Jabuuti uu sawirkooda soo saaray Labada Madaxweyne oo si weyn oo kal iyo laab ah isku qaabilay, waxa Weftiga Madaxweynaha Somaliland loo dhigay rooga cas ee loo dhigo madaxda sar sare ee la muunaynayo soo dhawayntooda. Sidaasi si la mid ah labada Marwo ee Madaxweyneyaasha ayaa iyaguna dhinacooda isu qaabilay sidii ugu sareysay.

Xubno ka mid ah Wasiiradii Jabuuti ee ka qeyb qaatay qaabilaada Madaxweynaha ayaa iyaguna qaabilay oo aan u yaraysan xubnaha kale ee weftiga Madaxweyne Siilaanyo.

Waxa kale oo soo jiidasho lahaa Ciidammada Baamboyda Jabuuti oo iyaguna kaga dhawaajinayay qalabkooda. Madaxweynaha Somaliland waxa uu gacan-qaaday masuuliyiin safaf ugu jiray dhawayntiisa. Iyadoo uu la socdo Madaxweynaha martida loo ahaa.

 

Waxa labada Madaxweyne loo galbiyay qolka martida ee Madaarka Jabuuti ee loo asteeyay qaabilaada Hoggaamiyeyaasha dunida, halkaasi oo qadar yar labada Madaxweyne Isku xog waraysteen , waxa Madaxweynaha Somaliland loo galbiyay Madaxtooyada Jabuuti iyadoo la saaray Baabuur loogu tallo galay Madaxweyneyaasha martida ah. Waxaana la sheegay in maalinta bari ay si rasmi ah u bilaabmi doonaan wadahadalada labada Madaxweyne.

 

Dadweynaha Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimada Hargeysa ee daawaday Tv-ga Jabuuti ayay dhadhan weyn iyo xiiso u samaynaysay habka Madaxweynaha Somaliland loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti, waxay la dhacsanaayeen sida Jabuuti ay u noqotay dalkii u horeeyay ee Madaxweynaha cusub ee Somaliland ku soo dhaweeyay Meeqaamkii iyo milgihii jaarnimo ee ugu sareeyay.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa sidii TV-ga Jabuuti u tabiyay warkii Soo dhawaynta Weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socodkii ugu horeeyay ee uu ugu baxo wadanka dibadiisa ku tagay dalka Jabuuti, tan iyo markii uu la wareegay tallada Somaliland 27-kii Bishii July ee sanadkan.

 

Daawo Socdaalkii Madaxweynaha

 

Tv-ga Jabuuti waxa warkaasi uu u dhigay sidan:-

 

“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa soo gaadhay magaalo madaxda Jabuuti maanta gelinkii dambe.isaga oo ay safarkiisa ku wehelinaysay xaaskiisa iyo Wefti ka kooban Wasiiro.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa madaarka magaalo-madaxdan Jabuuti ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo xaaskiisa Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo waliba Wasiiro dhawr ah iyo masuuliyiin kale oo reer Jabuuti ah.

Madaxweynaha Somaliland si heer sare ah ayaa loogu soo dhaweeyay Jabuuti, iyadoo garoonka diyaaradaha loo dhigay gogosha cas ee lagu soo dhaweeyo madaxda marti sharafta ah, iyadoo ay Safnaayeen goobta ay is hareer socdeen labada Madaxweyne ciidammadda Baamboyda ee qaabilsan soo dhaweynta madaxweyneyaasha. Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisan ku wehelinaya xaaskiisa Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, Wasiiradda Arrimaha Dibada, Ganacsiga, Dhalinta iyo Ciyaaraha,Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland iyo masuuliyiin kale oo iyaguna ka tirsan maamulka Somaliland.

Intaasi ka dib waxa labada Madaxweyne loo kaxeeyay dhinaca qolka Marti sharafta Madaxweyneyaasha, waxaanay halkaasi ku yeesheen kulan Labada madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaanay halkaasi kaga wada hadleen cilaaqaadka wanaagsan ee u dhaxeeya Jabuuti iyo Somaliland.

 

Maalinta bari ah ayaa loo balansan yahay in kulan hawleed la isugu yimaado. Dhinaca dalka Jabuuti waxa soo dhawayntaasi ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Cali Cabdi Faarax.”

Dhinaca kale, Doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 26-kii bishii June ee la soo dhaafay iyo isbedelkii ka hirgalay dalka, ayaa soo jiitay dawlada Jabuuti oo wefti culus u soo dirtay Xafladii dhaarinta madaxweynaha cusub Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Waxaana la odorasayaa muruga siyaasadeed iyo u caal-waaga colaadda Somalia ee warwarka ku haya mandaqaddu inay furre u noqon karto in Jabuuti ay wax la qabsato Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^No, they haven't recognised. But they have extended a cordial red carpet treatment however.

 

And besides, like Djibouti Information Minister said, his country regards Somaliland as a seperate state-in-waiting.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Suldaanka:

^No, they haven't recognised. But they have extended a cordial red carpet treatment however.

 

So after 19 years you get excited at a red carpet treatment? The same red carpet that sent him off in Hargaysa.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Suldaanka:

^No, they haven't recognised. But they have extended a cordial red carpet treatment however.

 

And besides, like Djibouti Information Minister said, his country regards Somaliland as a seperate state-in-waiting.

If you truly believe that, then I don't know what to say. Because if you think Djibouti wants to see a separate state next to it that will compete with them, you are not being rational. They are making a fortune (just like all of Somalia's neighbors) from the weak government beside them. The amount of foreign aid both military and humanitarian has increased because of Somalia's lawlessness. If your enclave was recognized it would go to you, which Djibouti would never want...how many foreign forces with deep pockets are there monitoring Somalia? Countless!

 

I am not denying the foreign minister said that, but their actions and commonsense indicates the truth about their feelings. If they regarded you as a state in waiting, they would have recognized you a long time ago.

 

Don't you think they would have lobbied for you if they felt this way?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

quote:Originally posted by Suldaanka:

^No, they haven't recognised. But they have extended a cordial red carpet treatment however.

 

So after 19 years you get excited at a red carpet treatment? The same red carpet that sent him off in Hargaysa..
:D
After 19 years of remarkable progress, our neighbour Djibouti is paying respect to Somaliland's achievements. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Thankful:

quote:Originally posted by Suldaanka:

^No, they haven't recognised. But they have extended a cordial red carpet treatment however.

 

And besides, like Djibouti Information Minister said, his country regards Somaliland as a seperate state-in-waiting.

If you truly believe that, then I don't know what to say. Because if you think Djibouti wants to see a separate state next to it that will compete with them, you are not being rational. They are making a fortune (just like all of Somalia's neighbors) from the weak government beside them. The amount of foreign aid both military and humanitarian has increased because of Somalia's lawlessness. If your enclave was recognized it would go to you, which Djibouti would never want...how many foreign forces with deep pockets are there monitoring Somalia? Countless!

 

I am not denying the foreign minister said that, but their actions and commonsense indicates the truth about their feelings. If they regarded you as a state in waiting, they would have recognized you a long time ago.

 

Don't you think they would have lobbied for you if they felt this way?
It is not that they want it or do not want it. It is a case of fait accompli. They have come to terms with reality on the ground.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Ok! The U.S and others have made it clear it is a issue for the AU, and we know they have not budged.

 

What you need to focus on is getting just a single country to lobby for you!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Dalka Djibouti

 

 

20101104095907.jpg

 

 

 

 

Djibouti (SDWO 04/11/2010) - Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa galabta booqasho rasmi ah ugu kicitimay dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha iyo Weftiga uu Hoggaaminayo oo galabta gadhay dalka jabuuti ayaa loogu soo dhaweeyay madaarka magalaada Jabuuti maqaamkii ugu sareeyey ee lagu qaabilo Madaxweyne ka socda Somaliland tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isutaaga Somaliland 1991-kii, waxaana Madaarka ku qaabilay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda. Waana markii u horeysay ee Madaxweyne Somaliland ka socoda Qadiifada cas loo dhigo oo lagu soo dhoweeyo oo weliba uu madaxweyne Geelle soo dhoweeyo. Dhinaca kale waxa gebi ahaanba la xidhay wadada isku xidha madaarka iyo hotelka wefitga lagu dejiyey ee la yidhaah Kanbeski Hotel. Waxa iyaguna aan caawa mar qudha afka ka qaadin warka weftiga Somaliland dhamaan saxaafada dalka Jabuuti.

 

 

 

Madaxweyne Siilaanyo oo qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa kula hadlay Saxaafadda ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ka dambeeyay casuumad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, waxaanu tilmaamay in booqashadiisu ay salka ku hayso sii xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka ka dhexeeya labada qaran ee Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu yidhi “Waxaan booqasho ku tagayaa dalka Jabuuti, halkaas oo aan rajaynayo in aan kala soo kulmo khayr, Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay”.

 

 

 

Md. Axmed Siilaanyo ma uu sheegin mudada uu qaadan doono socdaalkiisa wadanka Jabuuti iyo inuu jiro dal kale oo uu uga sii gudbi doono marka uu dhamaysto socdaalkiisa.

 

 

 

Madaxweynaha waxa madaarka Hargeysa ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, waxaanu halkaasi salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka.

 

silanyo_g.jpg

 

Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisa ku weheliya marwadiisa Marwo Aamina X. Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Dhaqanka iyo Ciyaaraha Axmed Xaashi Madar, Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Chief Of Cabinet-ka Xirsi X. Cali, xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Cukuse iyo xubno kale.

 

 

 

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweynaha Somaliland uu dalka Jabuuti Socdaal ku tago, waana safarkii ugu horeeyey ee uu ku tago dalka dibadiisa tan iyo markii uu la wareegay tallada dalka 27-kii bishii July.

 

 

 

 

 

Shiine Cilmi Kaahi - SDWO News Desk - Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this