Cowke Posted July 22, 2010 Arday Ka Qalin Jebisay Machadka GTVC Ee Qardho (Sawiro) July 22, 2010 Xarunta Gardo Techinical and Vocational Centre (GTVC) ayaa lagu qabtey xaflad qalinjabin ah oo lagu gudoonsiinayey arday gaareysa afartan iyo sadex arday (43). Xafladaan ayaa waxay maanta ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta GTVC ee magaalada Qardho,waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta gobolka Karkaar,degmada Qardho,Aqoonyahanka,Culimada,waalidiinta,cuqaasha jaaliyadda dibadda wakiiladda hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala gobolka Karkaar ee magaalada Qardho sida DIAKONIA SWEDEN ,DRC ,SAVE THE CHILDREN iyo CARE. Waxaa hadal ka jeediyey maaamulka machadka SIBA iyo xarunta GTVC C/xakiim Maxamed Cismaan oo ka warbixiyey taariikhda machadka iyo ardayda ka qalin jabisey oo gaaraysa 350 isaga oo aad u bogaadiyey hay’adda DIAKONIA IYO Ururka SAXANSAXO ee DENMARK. Waxaa isagana ka hadlay Duqa magaalada Qardho Cismaan Buux Cali oo ku baraarujiyey inay dhalinyaradu bartaan xirfadaha si ay uga qayb qaataan horumarka dalka. Sidoo kale waxaa hadal qiimo leh kasoo jeediyey Agaasimaha Waaxda TVET ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Cali Faarax. Gaba gabadi waxaa xafladii soo xiray oo khudbad ka jeediyey Guddoomiye kuxigeenka gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites