Sign in to follow this  
General Duke

Asmara group crakcs start to show....flip flopper Sharif Xasan resigns

Recommended Posts

Casmara: Shariif Xasan Sheekh Aadan oo iska casilay xubinimadii Isbaheysiga Mucaaradka Dowladda Federaalka ee Casmara

23. februar 2008

 

Casmara (AllPuntland) - Iyadoo maalmahanba uu soo jiitamayay khilaaf dhinaca awooda iyo dhaqaalaha oo u dhaxeeya Isbaheysiga Mucaaradka Dowladda Federaalka ee Casmara, ayaa hada warar soo baxaya sheegayaan inuu is ka casilay xubnimada isbaheysigaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Warar ku dhow dhow Kooxahaas Mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Magaalada Casmara ayaa sheegaya in Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo ahaa Hogaanada Kooxaha Mucaaradka uu maalmahan ka dhaxeeyay khilaafyo xoogan, taasoo ay markii dambe u xuubsiibatay mid labadooda ay isku maandhaafaan siyaasada uu ku howl galayo Isbaheysiga, waxaana ay keentay in Shariif Xasan uu isaga baxo Isbaheysiga.

 

Wararka oo wali si horu dhac ah loo helayo ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in labada dhinaca isku hayaan, arrimo dhaqaale, Shariif Xasan ayaa dalbaday in sharaxaad laga siiyo dhaqaalihii Isbaheysiga soo galay taasina waxaa ay keentay in jawaab laga siin waayo,wuxuuna go'aansaday inuu isaga baxo Isbaheysiga.

 

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ka bixitaanka Shariif Xasan ee Isbaheysiga Mucaaradka ay dedejisay socdaalada Sheekh Shariif Madaxa Isbaheysigaas uu ku bixinayo Dalalka Carabta laga qeyb geli waayay.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horey u ahaan jiray Afhayeenkii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin markii uu iska xaadirin waayay Xarunta Baarlamaanka ee Baydhabo xilkiisii laga waayay ayaan ka hadlin ka bixitaankiisa Isbaheysiga Mucaaradka Dowladda Federaalka.

 

Shariifka ayaa hada ku sugan Dalka isu taga imaaraadka Carabta, waxaana uu ka soo laabtay safar dhowaan uu ku tagay Magaalada Qaahira ee Dalka Eritrea.

 

Inta badan Isbaheysiyada ama ururada siyaasadeedka ayaa noqda kuwo dhaliya khilaafyo dhinacyada awooda iyo dhaqaalaha, kaasoo aaqirkiina bur bur ku yimaada, sida laga arkay Isbaheysiyo iyo Ururo horay ugu jiri jiray maslaxa Siyaasada Soomaaliya

 

Ka bixitaanka Shariif Xasan ee Isbaheysigaas ayaa noqoneysa dhabar-jab siyaasadeed u keeni karaa Midnimadda Isbahaysigaasi oo ay ku baahoobeen xubno horay xildhibaanimada Baarlamaanka laga ceyriyay iyo Maxkamadihii Islaamiga ee laga itaal roonaaday.

 

C/casiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif Xassan oo isaga baxay isbaheysiga Asmara

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 23-Febraayo-08

Warar soo shaac baxay lagana tabiyay idaacadaha Muqdisho oo ey ugu horeyso idaacadda SomaliWeyn ayaa lagu sheegay in uu isaga baxay gabi ahaan Shariif Xasan Sh. Aadan isbaheysiga lagu dhisay Asmara looguna magac daray Isbaheysiga Dib u Xoreynta kadib markii sida la sheegay uu soo kale dhex-galay khilaaf xaga dhaqaalaha ah.

 

Khilaafkan oo ka dhashay sida wararka aanu ku heleyno lacag lasoo siiyay xubnihii isbaheysigan ka tirsanaa ee dhawaan gaaray dalka Masar magaaladiisa Qaahira oo ey isku afgaran waayeen kadib markii uu Shariif Xasan codsaday in la cadeeyo cadadka lacagta iyo halka la geysnayo.

 

Warkan oo aanan laga hayn ilaa iyo iminka afka Shariif Xasan iyo kan isbaheysigaba ayaa u muuqda mid ey wax ka jiraan maadaama magaalada Asmara lagu kala dareeray mudooyinkan danbe khilaafyo kala duwan darteed, waxaana iminka ku haray magaalada Asmara sida aani wararka ku heleyno xubno kooban oo uu ka mid yahay gudoomiyaha isbaheysigaas Sheekh Shariif Sh. Axmed.

 

Khilaafka Isbaheysiga Asmara ayaa ah mid soo jiitamayay in mudo ah taasoo keentay in inta badan xubnaha isbaheysigaas ey ka kala tagaan dalka Eritrea iyagoo qaarkood ganacsi iyo howlo kale ka kala bilaabay magaalooyinka Hargeysa, Dubai iyo South Afrika, halka qaarka kale ee qurba joogta ahi ey ku wada laabteen dalalki ey markii horaba ka tageen.

 

Ka bixida Shariif Xasan ee isbaheysiga Asmara ayaa dhabarjab weyn ku ah jiritaanka mucaaradka dowladda ee fadhigoodu yahay Eritrea, waxaana horay isbaheysiga uga baxay kooxda Al-Shabaab iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Macalin Xaashi oo isagu sheegay in uu ku biiray kooxda Al-Shabaab.

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this