ANWAR Posted July 8, 2006 Sabti, July 08, 2006 (HOL): Maleeshiyooyin ka amar qaata Maxkamadda Islaamiga Ridwaan oo ka tirsan Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ayaa joojisay Xaflad Aroos oo ka dhaceysay Degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Cali Salaad oo Maxkamadda Ridwaan Guddoomiye ka ah ayaa sheegay in goobta uu Arooskaas ka dhacayay lagu hayay waxyaabo fisqi ah oo aan ku banaaneyn Shareecada Islaamka, “Markii horey wey noo yimaadeen waxayna naga qaateen warqad aan ugu ogolaaneyno in ay dhigtaan Aroos aaney ku jirin waxyaabo lid ku ah diinta Islaamka, kadibna waxay bilaabeen in ay la yimaadaan Koox Music tuntaâ€ayuu yiri Cali Salaad oo intaas ku daray in ay xitaa jireen Rag iyo Haween kala ajnabi ah oo isku dhex jiray. Khadiijo Wehliye oo dhashay mid ka mid ah labadii ruux ee la isu guurinayay (Wiilka) ayaa sheegtay in ay Maxkamaduhu geysteen xadgudub bacdamaa sida ay tiri aaney xafladba socon marka ay maleeshiyooyinka Maxkamadaha soo weerarayeen, waxayna carrabka ku adkeysay in ay jiraan dad is-buurtay oo lugaha iyo gacmaha wax ka gaareen iyo kuwo kale oo ka argagaxay rasaastii ay maleeshiyooyinka ridayeen. Caasho Kiin Cilmi Xaashi oo ka mid ah Fanaaniintii loo wacay in ay xafladdaas ka heesaan, isla markaana ka tirsan kooxda Mogadishu Star ayaa sheegtay in Maxkamaduhu ay ka qaateen qaar ka mid ah qalabkii ay ku shaqeynayeen, halka qaar kalena ay dhulka la dhaceen, isla markaana ay bur buriyeen. ............................................... THEY ARE terrorists Quote Share this post Link to post Share on other sites