Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: NRC Day 4, discussions heat up

Recommended Posts

9.jpg

Xaji Abdi Imaan Umar in attendence again today

 

Muqdisho: Faah faahin ku saabsan shirkii dib u heshiisiinta beelaha ee Muqdisho

 

22. July 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Iyadoo maalintii afaraad uu si rasmi ah u socdo shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed kaasoo ugu socday xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska ayaa maanta ergooyinkii ka soo qeybgalay kulankaasi ay kaga doodeen qodobka xalinta khilaafaadka beelaha Soomaaliyeed dhexdooda.

 

Mas’uuliyiin u hadlayey qaar ka tirsan beelaha kasoo qeybgalay kulankaasi ayaa ku dheeraaday in hal maalin oo kaliya aan looga hadli karin sida loo xalin karo khilaafaad dhex maray beelo Soomaaliyeed.

 

Xaaji Cabdi Iimaan oo ah Guddoomiyaha Golaha dhaqanka Beelaha ****** oo maanta kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qeybgalka shirka isla markaana uu ayidsan yahay baaqii ka horeeyay oo ay iyagu ka maqnaayeen kulankaasi ee laga soo saaray shirka.

Guddoomiyaha Guddiga guddoonka shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed Md. Cali Mahdi Maxamed oo isaguna gabagabadii kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay in beelaha ******* iyo ........ ay iyaguna fikirkooda soo gudbin doonaan maalinta berito ah hadii uu Alle Yiraahdo isagoo beelihii kale ee halkaasi ka hadlayna ku amaanay sida ay u soo gudbiyeen fikradooda oo uu sheegay in guddiga xogheynta ay keydiyeen.

 

Kulanka maanta ayaan waxaan ka soo xaadirin Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo isagu shalay hadalo qiiro leh ka jeediyay kulankaasi balse warar ku dhow dhow guddiga qaban qaabada ayaa sheegaya in maqnaanshaha Imaamku uu ku saleynaa xiriiro uu la sameynayey qaar ka tirsan madax dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ee ku kala sugan gobolada dalka isagoo shalay halkaasina ka sheegay inuu xiriiro la sameeyay dad magac weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed ayna ka aqbaleen ka soo qeybgalka shirka.

 

Kulanka maanta ayaa sidii kale ku soo gabagabooway jawi nabadeed iyadoo aad moodo in wax xoogaa la xaliyay murano iyo isfaham la’aan u dhaxeysay guddiga qaban qaabada, ergooyinka beelaha iyo ciidamada nabadgelyada kuwaasoo ergooyinka qaarkood oo aan horay u heysan Kaararka aqoonsiga ee ka qeybgalka shirka maanta la arkayey iyagoo inta badan heysta aqoonsigaasi.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qodobka xalinta Khilaafaadka beelaha oo maanta looga dooday shirka dib u heshiisiinta

July -22-2007-HornAfrik, Mogadishu.

 

Ergooyinka ka qeyb qaadanaya shirka dib u heshiisiinta ayaa maanta ka dooday mid ka mid ah 11-ka qodob ee ajandaha shirkaas iyadoo qodobka maanta laga dooday uu ahaa xalinta khilaafaadka Beelaha waxaa sidoo kale maanta shirkaasi ka soo qeyb galay xubno cusub.

 

Shirka dib u heshiisiinta qaran ayaa maanta looga dooday mid ka mid ah 11-ka qodob ee ajandaha shirkaasi kaasoo ku aadanaa ka hadalka khilaafaadka beelaha dhexdooda ah.

 

Beelaha ayaa iska soo saaray ilaa dhawr xubnood oo u hadlay iyagoo markaasi ka hadlayey muhiimada qodobkaani uu leeyahay iyagoo inta badan sheegay inay fiican tahay in la is cafiyo.

 

Qaar ka mid ah Beesha *** ergo ka socotay oo maanta halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay haboon tahay inaan beel beel la isku dacaayadeyn oo la doonayo in laga gudbo colaadihii ka dhacay dalka soomaaliya.

 

Dhamaanba xubinihii ka hadlay madasha ayaa sheegay in khilaafadka oo dhan xiligaan laga wada tanaasulo oo laga guul gaaro.

 

Beelihii maanta ka hadlay shirka ayaa waxaa ay mid walba ku doodaysay inay tahay mida dhiban iyadu.

 

Dhanka kalena waxaa maanta markii ugu horayasy ka soo qayb galay shirka dib u heshiisiinta Gudoomiyaha dhaqanka ee Beelaha ****** xaaji cabdi Imaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka dib u heshiisiinta Qaran oo todobaadkii labaad si habsami leh u socda

 

Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ayaa si habsami leh wuxuu todobaadkii labaad uga socdaa magaalada Muqdisho ee caasimada ah, iyadoo dhamaan shirka ay ka soo qayb galeen ergooyinkii la casuumay oo ka kala yimid gobolada dalka.

 

 

 

Gudoomiyaha Gudiga dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed Cali Mahdi Max’ed ayaa sheegay in inkastoo ergooyinka ay mudooyinkii ugu dambeeyey aysan ku dhamaystirneyn xarunta shirka maanta dhamaan ay ku dhan yihiin madasha shirka, waxaana uu sheegay in maanta ka qayb galayaasha shirka ay ka doodayaan mid ka mid ah qodobadii shirka ee horey loogu qaybiyey wakiilada beelaha ee shirka ku sugan.

 

 

 

Qodobka maanta laga doodayo ayaa ah Nabadgalyada dalka iyo hub ka dhigista, iyadoo ka qayb galayaasho ay si saraaxad leh uga doodayaan qodobkaasi oo doodiisu saaka bilaabatey 9-kii subaxnimo.

 

 

 

Ka qayb galayaasha saaka shirka ku soo biirey ayaa waxaa ka mid ahaa Xaaji Cabdi Iimaan oo ah Gudoomiyaha Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha ****** iyo siyaasiyga C/laahi Sheekh Xasan.

 

 

 

Xaaji Cabdi Iimaan oo maanta hadal ka jeediyey kulankii ka socdey waxaana uu ka hadley sababaha maalmihii ugu dambeeyey ay uga maqnaayeen madasha uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.

 

 

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maalintii afaraad oo la guda galay qodobadii looga dooday shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed { 22 Jul 2007}

 

waxaa la daabacay Sun 22 Jul 2007 09: 50: 24

Iyadoo maalintii afaraad uu si rasmi ah u socdo shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed kaasoo ugu socday xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska ayaa maanta ergooyinkii ka soo qeybgalay kulankaasi ay kaga doodeen qodobka xalinta khilaafaadka beelaha Soomaaliyeed dhexdooda.

Mas’uuliyiin u hadlayey qaar ka tirsan beelaha kasoo qeybgalay kulankaasi ayaa ku dheeraaday in hal maalin oo kaliya aan looga hadli karin sida loo xalin karo khilaafaad dhex maray beelo Soomaaliyeed.

 

Xaaji Cabdi Iimaan oo ah Guddoomiyaha Golaha dhaqanka Beelaha ****** oo maanta kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qeybgalka shirka isla markaana uu ayidsan yahay baaqii ka horeeyay oo ay iyagu ka maqnaayeen kulankaasi ee laga soo saaray shirka.

 

Guddoomiyaha Guddiga guddoonka shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed Md. Cali Mahdi Maxamed oo isaguna gabagabadii kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay in beelaha ******* iyo Digil iyo Mirifle ay iyaguna fikirkooda soo gudbin doonaan maalinta berito ah hadii uu Alle Yiraahdo isagoo beelihii kale ee halkaasi ka hadlayna ku amaanay sida ay u soo gudbiyeen fikradooda oo uu sheegay in guddiga xogheynta ay keydiyeen.

 

Kulanka maanta ayaan waxaan ka soo xaadirin Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo isagu shalay hadalo qiiro leh ka jeediyay kulankaasi balse warar ku dhow dhow guddiga qaban qaabada ayaa sheegaya in maqnaanshaha Imaamku uu ku saleynaa xiriiro uu la sameynayey qaar ka tirsan madax dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ee ku kala sugan gobolada dalka isagoo shalay halkaasina ka sheegay inuu xiriiro la sameeyay dad magac weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed ayna ka aqbaleen ka soo qeybgalka shirka.

Kulanka maanta ayaa sidii kale ku soo gabagabooway jawi nabadeed iyadoo aad moodo in wax xoogaa la xaliyay murano iyo isfaham la’aan u dhaxeysay guddiga qaban qaabada, ergooyinka beelaha iyo ciidamada nabadgelyada kuwaasoo ergooyinka qaarkood oo aan horay u heysan Kaararka aqoonsiga ee ka qeybgalka shirka maanta la arkayey iyagoo inta badan heysta aqoonsigaasi.

 

 

xigasho: AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Black Hawk Down Circus in Hamar, everything is according to the amhaari manuscript. The first time actors acting nicely, delusive speeches and hopes were read, the stooges r happy. A free entertainment to all. Duke is on as usual reporting us back, what a wonderfull.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer you sound angry and bitter. Was it not you who used to parrot the line of "no one will go" and now you see even your clan reps are there. Thus if they are following an Ethiopian script then its them adeer.

 

Go complain to your Ugaas or someone else and not mention me.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this