Sign in to follow this  
General Duke

True face of courts...

Recommended Posts

maxkmadah1.jpgless than a year ago

 

maxkamdaha.jpgless than a year ago

 

 

Haddii xaaladda la isku soo duubo waxay noqoneysaa danihii guracnaa ee kursi, dhaqaale-doon iyo iyo awood raadin oo shaarar cusub loo huwiyay oo kii hore loo yiqiin ee qabiilka laga bedelay, maxaa yeelay wax isbedelay ma jiraan, dadku waa dadkii, waa isla kuwii 16-ka sano na hortaagnaa, waa isla kuwii dhibaatada maanta inteeda badan mas’uulka ka ahaa, magac la bedeshayna waxba soo kordhin maayo, ogowna haddii iyadoo magaca maxkmadaha Maxkamadaha lagu shaqeynayo Muqdisho la qabsado in kala fur iyo burbur imaan doono oo sidii USC-dii dhexdooda uga tafan doonto haddii aanayba ka soo hormarin sababtoo ah ma jirin qorshe hore looga shaqeeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dowladdii Carte ee C/qaasim Salaad Xasan madaxweynaha ka noqday waxey soo degtay Muqdisho, iyadoo maxkamadihii aan soo sheegnay awood baaxad leh yeesheen kuna baaheen koonfurta Muqdisho illaa Sh/hoose, waxaana dhacday in ciidamadii maxkamadahaasi ay la wareegto dowladdii Carte, isla markaana si tartiib ah loo kala diro awoodii maxkamadaha magac ahaanna liifadda loogu gaabiyo, taasoo ugu wacnayd dowladdii C/qaasim oo ka cararaysay shaabad Itoobiya la daba joogto oo ah in ay taageeraan kooxo argagixiso islaami ah, wayna caddayd in ay maxkamadahaasi madaxtinimada C/qaasim dhaafsadeen jiritaankooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tusaale ahaan maxkamadaha awoodda leh ee iminka la hadal hayo in ay ka badiyeen ama xoogaa dhinac u riixeen hoggaamiye kooxeedyadii 15-ka sano Muqdisho heystay, ma laha qaab cad oo lagu qeexi karo, wayna adag tahay si wax badan looga ogaado jadwalkooda siyaasadeed ee ay ku taagan yihiin.

 

Mar waa beelo oo maxkamaduhu jufooyin ayey u taagan yihiin, sidaas darteed suuragal ma aha in ay dadka u dhaxeeyaan ama ka dhex baxaan mushkiladdii Soomaalida meesha ay taallo dhigtay, marka kalena waa Wadaado mabda’ diimeed isku raacay, wayna adag tahay sida dad Soomaali ah mabda’ noocuu doono ha noqdee inta isku raacaan ay meel ku gaaraan, walow taas wax badan dawo u noqon lahayd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wuxuu marar badan ku celceliyay in qabqablayaasha wasiiradiisa ka mid ah aanay wax badan gacanta ugu jirin caasimadda ay ku doodayaan Muqdisho, iyadoo ay iska caddeyd inuu ula jeeday hadalkaasi maxkamadaha islaamiga ah ee Muqdisho ay uga awood badan yihiin caasimadda, taasoo laga yaabo inay sababtay imaansho la’aantiisa magaalada Muqdisho, laakiin C/llaahi Yuusuf kuma gaar aha fikradda ceynkaas ah ee dad badan ayaa la qaba.

 

Ra’iisul wasaaraha ruug--caddaaga ah ee Soomaaliya hore u soo maray C/risaaq Xaaji Xuseen mid ka mid ah waraysi ay la yeelatay idaacadaha magaalada Muqdisho ku yaalla wuxuu ku dhaartay in qabqablayaasha maanta hortaagan shacabka ee dadka mooda doqommo in maalin ay ahaataba meel aysan fileyn looga soo bixi doono oo daadku qaadi doono.

 

Digniintaas odayeed waxaad moodaa in durba la taagan yahay laakiin aan is waydiinee muuqaal noocee ah ayaan u yeeli karnaa awoodaan naloo buun buuninayo, maxeyse noqon karaan haddiiba ay dhacdo in ay awoodooda hadda sii ballaarsadaan, ama aan khiyaali u hadalno ay caasimadda qabsadaan?!!!!!!!!!!!

 

Muuqaal ma leh, oo waa kuwaa cimaamadaha ku duuban, madax ma leh oo lama hayo mas’uuliyiin aan qarsoodi ahayn, mashruuc ma leh oo lama oga wax ka baxsan mabda’ weyn ee ah in shareecada islaamka dalka lagu xukumo, wax kasta waa majhuul waxaase ka sii mashaqo badan oo meelna looga gudbi karin in aysan laheyn awood ka baxsan beel.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aan soo qaadano maxkamadaha iminka jira waxay u qeybsamaan saddex nooc:

 

- Maxkamado awood weyn leh oo hoggaanka haya sida:

- Ifka Xalan ...[clan name]

- Shiirkole (clan name)

iyo kuwo kale oo ku daba jira sida :

Warshadda Caanaha (clan name)

 

Maxkamado magac ahaan loogu qaraabto sida:

Siisii oo uu metelo guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha hadda ku magacaaban.

 

Qeybta sddexaad waa Maxkamado iska caadi ah oo ay ugu magac dheer tahay:

 

Xararyeele waxayna ka haraan Midowga marka xaaladdu runta tagto maadaama aanay gacanta ugu jirin wadaadda la fikirka ah kuwa safka hore.

 

Marka aad intaas ogaato waxaad u baahan tahay in aad fahamto cidda gaarta ama leh go’aanada dagaalka, nabadda, howlgalka iyo wixii u baahan waxqabad adag?, lama garanayo ama dadka intooda badan ma oga, sababtoo waxaa la ogyahay kaliya in maxkamaduhu codkooda uu ku hadlo guddoomiyaha Midowga iyo ku xigeenkiisa. Laakiin waxaa la sheegaa inuu jiro Gole sare oo shuuro ah, kaasoo aanay maqlin dadka intiisa badan.

 

Golahaas ciddii doonta ha ku jirtee waxaa cad inuu go’aanadan isagu qaato, waxaad mar waliba maqashaa wadaadka Sheekh Xasan Daahir Aweys inkastoo uu caan yahay, haddana wax xil ah kama hayo maxkamadaha sidaasoo ay tahay waxaa dadka loo fahamsiiyaa inuu yahay ninka madaxda u ah maxkamadaha oo dhan, wareysi uu dhowaan la yeeshay Telefishanka Carbeed ee Aljazeera waxaa loogu yeeray hoggaamiyaha ruuxiga ah ee maxkamadaha!!.

 

Waxaa kaloo la sheegaa Abuukar Cumar Caddaan oo ah Ganacsade ka mida wadaaadda saxwada loo yaqaan inuu qeyb weyn ka ayahay Shuuradaasi qarsoon, iyadoo aanay meesha ka marneyn Sheekh Yuusuf Indha-cadde iyo xubno kale aad si weyn loo aqoonin, laakiin akhristow sow la yaab ma leh, inaysan dadku xitaa garaneynin qorshaha maxkamadaha iyo cidda dhab ahaan hoggaamisa?!!!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh.Shariif oo Lacaktii ku Wareejiyay C/Qaadir Abuukar cadaani=todays news...onkod.net

 

lacag_gudoon.JPG

 

Waxaa kaloo la sheegaa Abuukar Cumar Caddaan oo ah Ganacsade ka mida wadaaadda saxwada loo yaqaan inuu qeyb weyn ka ayahay Shuuradaasi qarsoon, iyadoo aanay meesha ka marneyn Sheekh Yuusuf Indha-cadde iyo xubno kale aad si weyn loo aqoonin, laakiin akhristow sow la yaab ma leh, inaysan dadku xitaa garaneynin qorshaha maxkamadaha iyo cidda dhab ahaan hoggaamisa?!!!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wuxuu marar badan ku celceliyay in qabqablayaasha........

 

I bear witness that you are the best example of loyalty in the wrong way, for the wrong purpose, and to the brutest creature!

 

Ceydiid xitaa aragnay taageerayaashiisa, kan mid la mid ah waligeey ima soo marin! Kulahaa Madaxweyne, anagoo og inuu yahay Qabqable dagaal-ooge ah oo dalka iyo dadkaba danbiyo ka galay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Anigu wadaadadu waxba ka sheegi maayo, Allahu Aclam ka been ah iyo kan run ah laakiin Cadaani teknikada Kismaayo kusoo duushay badaneed isagaa lahaa, Dekadena isagaa isla mar ahaantaane gacanta loo saaray.

 

Waa wax laga warqabo.

 

 

p.s. Those pictures really do show the changing face of Somali politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No one is talking about wadaads, the religious leaders are the top branch in my opinion in our society. My bone here is this group, Cadaani, IndacADE, Xasan Dahir and so on.

Everyone knows the BANDIR Co, The occupation of lower Shabbele and even what is happening now which is blatent clan action cloaked in Islam.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Time and space are the two variables that shape the way one thinks or the position one takes at a time,even though the encounters of Aweys, Qanyare and Yalaxow are historical points of interest. However,this can't overshadow the performance of the UIC courts so far.

 

The way I see it, the UIC encompasses varied groups, namely islamists, clanists, nationalists and the fourth group which is the public at large who became fed up the lawlessness of the country, who doesn't care who rules them as long as the semblance of governance executed. Therefore, UIC deserves, a time be given, and if the president of TFG does not abandon and come clear out the alliance of Ethiopia, the somali masses will rally behind the courts.

 

Moreover, if he and his advisors discontinue their policy of "Stay the course" the courts power sharing will precipitate, and the clanists, will go out of the window and the righteous will steadfast. All in all, the ball is the TFG's court.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^you suffer from the worest mental confinement eve, since you only can see things from the brism of your tribe and the very criminal uncle of yours in Baydhabo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this