Sign in to follow this  
Gabbal

Shir Nabadeed Maanta Lagu Soo Gabo-Gabeeyay Magaalada Caabudwaaq

Recommended Posts

Gabbal   

shircab5.jpg

 

shircab3.jpg

 

shircab2.jpg

 

Heshiis.jpg

 

 

Shir Nabadeed Maanta Lagu Soo Gabo-Gabeeyay Magaalada Caabudwaaq

 

Waxaa maanta magaalada caabudwaaq lagu soo gabo-gabeeyay shir nabadeed lagu dhex-dhexaadinayay beelo walaalo ah oo xoogaa shaqaaqo ah ku dhexmareen gudaha magaalada Caabudwaaq.

 

Shirkaan ayaa waxaa laga dhursugaayay go’aamada ka soo baxa ilaa labadii asbuuc ee ugu danbaysay, kadib markii ay beelaha Sade u xilsaareen inay dhameeyaan Gudi ka kooban Beelaha Daaroodka.

 

Shirkaan maanta dhacay ayaa waxaa lagu qabtay Dhismo uu leeyahay Dugsiga Hoose Dhexe ee Hirda.

Ugu horayn shirka waxaa lagu furay wacdi guud oo looga hadlaayay dhibaatada uu leeyahay khilaafka dadka muslimka iyo halaaga ka yimaada in ay dadka islaamka ah is khilaafaan oo kala tagaan.

 

Intaa ka dib waxaa soo bandhigay goos-goos majaajilo ah koox arday ah oo ka mid ah Iskuulka Hirda waxaana ay ku cabirayeen majaajilada ay dhigeen xumaanta qabyaaladda iyo dhibaatada dawlad la’aantuba ay leeyihiin.

 

Markii intaasi ay dhacday ayaa waxaa shirka la wareegay Hogaankiisa Xog-hayntii shirka waxaana ay gudo-galeen soo jeedinta go’aamaddii ay ka sugaayeen beelihii wax kala tabanayay iyo dhamaan beelaha kale Ee Sade bari.

 

Waxaana uu ku dhawaaqay Hog-haynta Shirku “C/wali C/laahi Warsame†inuu soo bandhigay Go’aamaddii ay usoo kala xukumeen beelaha wax kala tabanayay. Waxaana go’aamadda ka mid ahaa inay jifo kasta bixinayso Magta ragii ka dhintay jifadda kale. Magta ay kala qaadanayaan jifooyinkuna ay tahay 100 halaad iyo duugta nin kasta, waxaa kale oo go’aamada ka mid ah inuu dil yahay qofkii qof kale kas udila sida shareecadda Islaamku qabto.

 

Markii ay go’aankii xukunka ahaa uu jeediyay Hog-haynta shirka ayaa waxaa ay bilaabeen inay uyeeraan mid mid ah Nabadoonada beelihii ay wax ukala xukumeen. Ugu horayn waxaa ay uyeereen Nabadoon “ Axmed jaamac (ilmadow) waxaana uu ilmadow ku dhawaaqay inay qaateen go’aanka loo soo jeediyay isaga oo ku hadlay magaca beesha uu matalayay, ayna diyaar uyihiin wax kasta oo xal ah.

 

Sidoo kale waxaa mar labaad loo yeeray oo hadlay Nabadoon kale oo lagu Magacaabo “ Xassan Yarre†waxaa sidii oo kale Xasan yare uu ku dhawaaqay inay ku qanceen qaateena Go’aanka gudigu gaaray.

 

Waxaa Isagana hadlay Nabadoon “ C/laahi Caanood (Ilbir) Isaguna waxaa uu sii qaatay hadalkii Aqbalaada ahaa ee ay ragii ka horeeyay ku dhawaaqeen iyo sida ay ugu qanacsan yihiin Go’aanka Gudiga.

 

Waxaa intaa ka dib ka hadlay dad badan oo ka mid ah qaybaha kala gedisan ee bulshada waxaana ay kawada hadleen sidii loo sii ambaqaadi lahaa Horumarinta go’aamadii ka soo baxay shirka.

 

Waxaa dhamaan dadkii ka hadlay shirka ay ku wada dhawaaqeen in la taageero dowladii Federal-ka ah ee soomaaliya waxaana ay sheegeen inaan soomaaliya ku sii jiri Karin dhibaatada Dawlad la’aaneed ee soo martay 15-kii sano ee la soo dhaafay.

 

Ugu danbayn waxaa xiray Shirka ku simaha Ugaaska Beesha Sade Bari “ Ugaas “Axmed Barre Cali†waxaana uu u mahad celiyay Gudigii ******* ee arintaan loo xilsaaray iyo sida ay uga soo baxeen Mas’uuliyaddii la saaray waxaa kale oo uu ugu baaqay dhamaan qof kasta oo wax-garad ah inuu qaybtiisa ka qaato Horumarinta Bulshadda.

 

Markii la xiray Shirka ayaa waxaa Dhamaan Nabadoonadii Beelihii arintooda lagu xalinaayay iyo dhamaan dadweynihii ka soo qayb galay shirkuba ay udhaqaaqeen Dibad baxyo ay ku marayaan wadooyinka magaalada iyaga oo ku dhawaaqaya Erayo midnimo iyo walaaltinimo ku dheehan tahay.

 

Said Mohamed Ali

Gedonet-Caabudwaaq

Qodax@gedonet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this