Sign in to follow this  
Jacaylbaro

OODWEYNE OO DHISME SARIIBAD CASRI AH LAGA FURAY.

Recommended Posts

OODWEYNE OO DHISME SARIIBAD CASRI AH LAGA FURAY.

 

odweynesariibad69b334iy7.jpg

 

Oodweyne (QARAN) Duqa Degmada Odweyne Maxamed Cabdi ayaa Maanta Xadhiga jaray Dhisme Sariibad Casri

ah oo loogu talagalay Bulshada Ganacsatada yaryar ee ka ganacsada

Khudaarta,Hilibka,Caanaha iyo Bagaashleyda.

 

Furitaankii Sariibadaa Casriga oo uu hadalo kooban ka jeediyay ayaa sheegay in

Sariibadani inay ahayd mid dadweynaha Odweyne baahi weyn u qabay,oo aanay jirin

meel ganacsatada yaryar ee muhiimka ahi ay wax ku iibayaan oo ay bacadka fadhiisan

jireen. “Waxaan rajaynayaa in ay baahidii aanu qabnay ay dabooli doonto

Sariibadani”Ayuu Yidhi Maxamed Cabdi.

 

Maxamed Cabdi waxa uu balanqaaday inay joogteyndoonaan ilaalinta nadaafadeed iyo

daryeelkeedaba,Balse Hayada waxaan ka dalbanaynaa in ay balanqaado waxa naga

dhiman dhamaystirkeeda.Waxa uu hadalkiisii ku soobay Isagoo u mahadceliyay Hayda

Drc iyo Un-Habitat,kuna amaanay hawlaha waxtarka leh ay ka fuliyeen Degmada

Odweyne.

 

Katja Schafer oo ka tirsam Masuuliyiinta Hayada Un-Habitat oo iyagu ah Hayda

Maalgalisay Dibudhiska iyo Dayactirka Sariibadaa oo halkaa ka hadashay ayaa

sheegtay in Magaalada Burco ay ka wadaan hawlo dibloogu hagaajinayo laba

sariibadood oo loona dhisayo si casriya,Anaguna hawlas aanu khibrad iyo waayo

aragnimo u leenahay.

Waxay intaas ku dartay in dhulka jarmalka oo aan udhashay meel kasta ay nadiif

tahay,idinkana sidaas oo kale ayaan idinka rabnaa.

 

Miss.Katja waxay intaas ku dartay in Sariibadaha Burco markay dhismaheeda

bilaabayeen ay dadkii u rareen goobcusub oo nadiifa balse laba todobaad ka dib ay

u ekaatay meel labaatan sanadood la deganaa, “Sidaas Darteed” Waxaan idinkula

dardaarmayaa inaydin sidaas oo kale noqon.waxay kaloo xustay in Dhaqaalaha lagu

maalgaliyay dhismahan ay ka soo Qaadeen Ururka Midowga Yurub,Dhismaha fulintiisana

ay samaysay Hayada DRC.

Waxay ugu dambayntii ku baraarujisay dadweynaha Reer Odweyne inay xil weyn iska

saaraan Ilaalinta Nadaafada iyo joogteynta Sariibadan lana kaashadaan D/hoose

“Haweenka ganacsatada ah waa inay sida ay uga fikiraan nadiifinta guryahooda ay

uga fikiraan sariibada nadiifinteeda”Ayay ku soo koobtay Miss.Katja.

 

Xasan Maxamed Aadna iyo Saynab Caydiid oo ka tirsan Masuuliyiinta Hayada Drc,oo

iyaguna ka hadlay Munaasibadii Furitaanka Sariibadaa ayaa Bulshada Odweyne kula

dardaar may inay ka faaiidaystaan Sariibadan Cusub ee casriga ah,oo aad ogaataan

inaad idinku leedihiin,oo kaalintii laydinka baahnaa aad buuxiseen,islamarkaana

Gudiga loo sameeyo Sariibada aad ku kalsoonaataan “Baahida Markiiba waa la

arkaa,laakiin sii joogteynteeda waa la ilaawaa”.waxay intaas ku dareen Dumarow

indinkaa u badan dadka ka faaiidaysanaya ee ilaaliya nadaafadeeda oo ahaada kuwo

ku manaafacsada.Haseyeshee waxaanu hayada ka codsanaynaa inay naga caawiso wixii

dhiman ha noqoto dhinaca qalabka nadaafada iyo kordhinta qaybaha dhiman.

 

Caasha X.jaamac oo u hadashay Dadweynaha Odweyne ayaa balanqaaday inay si

wanaagsan ugu manaafacsandoonaan waxaanan u arki doonaa sidii gurigayagii ookale.

Waxay intaas ku dartay inay haween ahaan ismaqlaan dardaaran iyo tusaaleba waxaad

nagu tidhaahdeen aanu ku dhaqmi doono.

 

Sidoo kale Cabdi Jaamac oo ka socda Hayadii wadaniga ah ee SCC,ee iyagu ku

guulaysta Qandaraaskii Dhismaha Sariibadan ee dhisay ayaa isaguna hadalo kooban

halkaa ka jeediyay.

 

Mashruucan Dibudhiska iyo Qalabeynta ee Sariibadan Casriga ee oodweyne ayaa qayb

ka ah Barmaamij ayka wado Hayada Un-Habitat gobolada dalka dalka kaasi oo lagu

horumarinayo Magaalooyinka Somaliland,Islamarkaana waxay hada gacanta ku haysaa

 

odweyne0769a3a3pj9.jpg

 

laba sariibood oo si casriya loo ga wado dhismaheeda magaalada Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Shimbirna haday nawaaxiga Berbera ku dhuusto waan kaa sugayaa inaad nala socod siisid Jacalbarow. :D

 

Intaas waa iga kaftan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this