Jacaylbaro Posted June 26, 2007 OODWEYNE OO DHISME SARIIBAD CASRI AH LAGA FURAY. Oodweyne (QARAN) Duqa Degmada Odweyne Maxamed Cabdi ayaa Maanta Xadhiga jaray Dhisme Sariibad Casri ah oo loogu talagalay Bulshada Ganacsatada yaryar ee ka ganacsada Khudaarta,Hilibka,Caanaha iyo Bagaashleyda. Furitaankii Sariibadaa Casriga oo uu hadalo kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Sariibadani inay ahayd mid dadweynaha Odweyne baahi weyn u qabay,oo aanay jirin meel ganacsatada yaryar ee muhiimka ahi ay wax ku iibayaan oo ay bacadka fadhiisan jireen. “Waxaan rajaynayaa in ay baahidii aanu qabnay ay dabooli doonto Sariibadani”Ayuu Yidhi Maxamed Cabdi. Maxamed Cabdi waxa uu balanqaaday inay joogteyndoonaan ilaalinta nadaafadeed iyo daryeelkeedaba,Balse Hayada waxaan ka dalbanaynaa in ay balanqaado waxa naga dhiman dhamaystirkeeda.Waxa uu hadalkiisii ku soobay Isagoo u mahadceliyay Hayda Drc iyo Un-Habitat,kuna amaanay hawlaha waxtarka leh ay ka fuliyeen Degmada Odweyne. Katja Schafer oo ka tirsam Masuuliyiinta Hayada Un-Habitat oo iyagu ah Hayda Maalgalisay Dibudhiska iyo Dayactirka Sariibadaa oo halkaa ka hadashay ayaa sheegtay in Magaalada Burco ay ka wadaan hawlo dibloogu hagaajinayo laba sariibadood oo loona dhisayo si casriya,Anaguna hawlas aanu khibrad iyo waayo aragnimo u leenahay. Waxay intaas ku dartay in dhulka jarmalka oo aan udhashay meel kasta ay nadiif tahay,idinkana sidaas oo kale ayaan idinka rabnaa. Miss.Katja waxay intaas ku dartay in Sariibadaha Burco markay dhismaheeda bilaabayeen ay dadkii u rareen goobcusub oo nadiifa balse laba todobaad ka dib ay u ekaatay meel labaatan sanadood la deganaa, “Sidaas Darteed” Waxaan idinkula dardaarmayaa inaydin sidaas oo kale noqon.waxay kaloo xustay in Dhaqaalaha lagu maalgaliyay dhismahan ay ka soo Qaadeen Ururka Midowga Yurub,Dhismaha fulintiisana ay samaysay Hayada DRC. Waxay ugu dambayntii ku baraarujisay dadweynaha Reer Odweyne inay xil weyn iska saaraan Ilaalinta Nadaafada iyo joogteynta Sariibadan lana kaashadaan D/hoose “Haweenka ganacsatada ah waa inay sida ay uga fikiraan nadiifinta guryahooda ay uga fikiraan sariibada nadiifinteeda”Ayay ku soo koobtay Miss.Katja. Xasan Maxamed Aadna iyo Saynab Caydiid oo ka tirsan Masuuliyiinta Hayada Drc,oo iyaguna ka hadlay Munaasibadii Furitaanka Sariibadaa ayaa Bulshada Odweyne kula dardaar may inay ka faaiidaystaan Sariibadan Cusub ee casriga ah,oo aad ogaataan inaad idinku leedihiin,oo kaalintii laydinka baahnaa aad buuxiseen,islamarkaana Gudiga loo sameeyo Sariibada aad ku kalsoonaataan “Baahida Markiiba waa la arkaa,laakiin sii joogteynteeda waa la ilaawaa”.waxay intaas ku dareen Dumarow indinkaa u badan dadka ka faaiidaysanaya ee ilaaliya nadaafadeeda oo ahaada kuwo ku manaafacsada.Haseyeshee waxaanu hayada ka codsanaynaa inay naga caawiso wixii dhiman ha noqoto dhinaca qalabka nadaafada iyo kordhinta qaybaha dhiman. Caasha X.jaamac oo u hadashay Dadweynaha Odweyne ayaa balanqaaday inay si wanaagsan ugu manaafacsandoonaan waxaanan u arki doonaa sidii gurigayagii ookale. Waxay intaas ku dartay inay haween ahaan ismaqlaan dardaaran iyo tusaaleba waxaad nagu tidhaahdeen aanu ku dhaqmi doono. Sidoo kale Cabdi Jaamac oo ka socda Hayadii wadaniga ah ee SCC,ee iyagu ku guulaysta Qandaraaskii Dhismaha Sariibadan ee dhisay ayaa isaguna hadalo kooban halkaa ka jeediyay. Mashruucan Dibudhiska iyo Qalabeynta ee Sariibadan Casriga ee oodweyne ayaa qayb ka ah Barmaamij ayka wado Hayada Un-Habitat gobolada dalka dalka kaasi oo lagu horumarinayo Magaalooyinka Somaliland,Islamarkaana waxay hada gacanta ku haysaa laba sariibood oo si casriya loo ga wado dhismaheeda magaalada Burco. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted June 26, 2007 ^What is Sariibad? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 26, 2007 looooool ..... suuq wax lagu kala iibsado ,,, weliba khudaarta Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted June 26, 2007 Thanks for the clarification, Sariibad waligay ma maqlin looooooool waa suuqa khudaaarta dheh Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted June 26, 2007 Shimbirna haday nawaaxiga Berbera ku dhuusto waan kaa sugayaa inaad nala socod siisid Jacalbarow. Intaas waa iga kaftan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 27, 2007 ,,,,, See you in the Islamic Section sxb Quote Share this post Link to post Share on other sites