Sign in to follow this  
Nur

Barakada ( 80/20 Rule, Pareto's Principle)

Recommended Posts

Nur   

Pareto an Italian Economist/Engineer, discovered that success is not symmetrical like 50/50, rather he noticed that in life a little thing can cause a big result, this principle is now known as the 80/20 rule mostly used in economics and business people like e-Nuri Group of businesses.

 

20 % of the Nomads on SOL post 80 % of articles

20% of Somalis caused 80 % of our misery

20 % of your activities make 80 % of good results

20 % of products in store, make 80 % of profits

 

 

and so on

 

The idea here is, is this New?

 

No.

 

I have recognized this as the barakah Factor, about which I have written the following article in Somali.

 

So, call your ayyeeyo Indho Deyroleey, and share the wisdom with your family and friends.

 

 

Walaalayaal

 

 

Mahad oo dhan waxaa mudan Allah, Kan uuma, u taliya, koriya, gargaara, ka warhayaa uunkoo dhan. Hana ahaato nabad iyo salaad Nabigeenna dushiisa, iyo reekiisa, asaxaabtiisa iyo inta ku raacday wanaag ilaa iyo maalinka xisaabta.

 

Dabadeed

 

Barakadu waa in khairka ilaaheey uu ku sugnaado waxaad hesysato. Maxaa yeelay haddey barakadu wax yar gasho, wey badisaa, haddey wax badan gashana, wey anfacdaa. Miraha barakadan waxaa ugu weyn in wax walboo nala siiyey aan u adeegsanno inaan Allah ku adeecno.

 

Hadaba qofkii usii fiirsada wexey ku sugan yihiin saalixiinta iyo culimada akhayaarta ah, iyo ardayda cilmiga sharciga ah bart, iyo addoonta Allah wuxuu arkaa in noloshooda ay ka muuqato barako. Waxaad arki kartaa mid ayaga ka mid ah oo lacagtiisu yartahay ama la mid ah dadka, haseyeeshee wixiisu waa isu gaaraan, waxna dadbuu wax ka taraa. Gaadhigiisu ma jabid badna, dhibaatooyin ku ma dhacaan keenta in lacag looga qaado, hammi iyo tacab uu daawooyin hurdo ku iibsado uma baahdo, maxaa yeelay Allah xasuustiisa ayaa caafimaad gelisa, nolshiisa, iyo reerkiisa iyo shaqadiisa waa la isugu hagaajiyaa waana ay u barakoobaan.

 

Ma arkeysid ninkaasoo deyn loo heysto, mana culeysiso marti u timid, oo bashaashad buu ku soo dhaweeyaa.

 

Barakada meelo badan bey gashaa:

 

Markey ubadka gasho waxaad arki nin hal gabadh oo qudha dhalay oo ay uga nafci badato toban wiil, gabadhaas oo daacadda Allah ku sugan, ninkeedana uu aad u qaddariyo aabaheed una noqdo wiilkii uusan dhalin. Gabadhaas aabbaheed wexey u tahay barako.

 

Barakadu markeuy waqtiga gasho waxaad aragtaa in waqti yar aad arrimo badan ku dhameysato, waxna ayan kaa haabsaamin, waxna ayan kaa qaldamin.

 

Barakadu wexey gashaa xaaska, markaad ka maqantahay, wanaag iyo daacadda Allah ayey ku sugan tahay, markaad la joogtana, farxad iyo wanaag baad ku wada joogtaan, dhikerka Allah ayey ku xasuusin markaad illowdo , Howlahaaga ayey ku xasuusin markaad shuqloontid. Ubadka ayey xannaaneyn. Markaad guursatay kuma kallifin, markey oryo noqotayna waxaaga ayey kuu dhaqaaleysaa, mar walbana wexey ku fakartaa aayaha reerka, ubadka iyo Allah raalligelintiisa.

 

Barakadu wexey gashaa Cilmiga: Allah markuu cilmiga kuu barakeeyo, wuxuu kaa tusaa halka aayad ama xadiith boqol waji ood uga faaiideysato, cilmigaas Allah wuxuu ka dhigaa mid adduunkana kugu haya daacadiisa, aakhirana mid kaa badbaadiya cadaabtiisa.

 

Guud ahaan, barakadu wexey gashaa maalka, ubadka, waqtiga, shaqada, cilmiga, xaaska, dacwada, gaadhiga, caafimaadka, saaxiibka, sidaa darteed waxaa waajib ah inuu qofku raadiyo in Allah uu barakeeyo wixii la siiyey.

 

Maxaa yeelay, wixii barkada laga qaado waa cadaab.

 

Caafimaad barakada laga qaaday waxaa lagu gutaa macsiyo badan oo qofka halaagta.

 

Cilmi badan o barakada laga qaaday waxaa laga dhaxlaa kibir, iyo ka fogaasho Allah.

 

 

Sidee baa Barakada lagu Helaa:

 

1. Taqwada Allah: Taqwa macneheedu waa inaad cadhada Allah iska xijiso raallinimadiisa ood ku gaashaamato daacadiisa. " Haddii magaalooyinka dadkooda ay aamini lahaayeen iskana keen jiri lahaayeen (ittaquu) waxaannu u furi leheyn barakooyin ka yimid cirka iyo dhulka" Acraaf 96

 

2. Quraanka akhriskiisa: maxaa yeelay waa kitaab barakeysan, oo caafimaadka jirrooyinka qalbiga uu ku jiro iyo caafimaadka xubnaha " Waa kitab aannu kugu soo dajinney, oo barakeysan, si ay aayadahiisa ay u dhadhansadaan, kuwa maskaxda nadiifka ah lehna ay u xasuustaan"

 

3. Ducada: Rasuulka SAWS wuxuu Allah ka baryi jirey barakada, gaar ahaan waxaan ogaannay inuu ku odhan jirey arooska " Allah kuu barakeeyo, korkaagan ha barakeeyo, hana idinku kulmiyo kheyr. (Tirmidhi) Iyo ducada qofkii cunno na siiya " Allow u barakee waxaad ku arzaaqday, una dambi dhaaf, una naxariiso"

 

4. In la iska dhowro lexo jeceylka:

 

Waxaa laga soo wariyey SAWS asagoo la hadlayaa nin odhan jirey Xakiim ibn Huzaam in yidhi " Xakiimow, Maalkani waa cagaaran yahay (quruxda dhirta) waana macaan yahay, qofkii ku qaata deeqsinnimo waa loo barakeeya, qofkii ku qaata lexo jeclina looma barakeeyo sida qofka wax cunaya oon dhergeyn. ( Muslim)

 

5. Runta oo la lagu hadlo marka wax lakala iibsado:

 

Wuxuu yidhi SAWS " Kala iibsashadu waa la is doorrisiiyaa, haddey labada wax kala iibsanaya ay run isu sheegaan. ooy wax walba isu caddeyaan waa loo barakeeyaa, haddey wax isu qariyaan, beenna isu sheegaanna barakada waa laga tirtiraa iibkooda" (Bukhari)

 

6. Howlaha oo loo dhaqaaqo aroorta hore:

Wuxuu yidhi SAWS " Allaahumma u barakee ummaddeyda aroorahooda" ( Axmed)

Marka arrimaha aad ka raadineyso in laguu baraeeyo ky beeg arrooraha, ha noqoto ganacsi, guur doon, ama cilmi kororsasho.

 

 

7. Raacidda raadka rasuulka SAWS iyo sunnadiisa uu ku dhaqmi jirey.

 

Waxaa laga soo wariyey inuu yidhi SAWS " Barakadu wexey ka soo dagtaa cunnada bartamaheeda, hadaba ka cuna hareeraha hana ka cunina bartamaha" Bukhaari

Wuxuuna soo wariyey Jaabir ibn Cabdullah RA, wuxuu yidhi wuxuu amray rasuulka SAWS in faraha la leefo wuxuuna yidhi " Ma garaneysaan cunnadiinna qaybta ay barakada ku jirto"

 

8. Allah oo la wakiisho:

 

Wuxuu yidhi SAWS " Haddad u wakiilan leheydeen Allah si u qalanta Allah, wuxuu idiin arzaaqi lahaa sidaa uu arzaaqo shimbiraha, wexey aroortii yaacdaa atadoo baahan wexeyn habeenkii soo laabataa ayadoo dheregsan" (Axmed)

 

9. Allah oo loo talo dhiibto (ISTIKHAARA)

Mar walbood arrin muhim aha aad ku dhaqaaqesyo, sidii SAWS na faray labao rakco tuko, markaas ku duceyso ducada istikharada.

 

10. In laga fogaado in dadka la baryo:

 

Wuxuu yidhi SAWS xadiith macnihiisu yahay " Qofkii wax u baahda oo markaas ka dalbada dadka, loom sahlo xaajadiisa, qofkii Allah xaajadiisa warsadana, SAllah wuxuu siiyaa rizqi degdeg ah ama geeri daahsan" ( Axmed)

 

11. Sadaqada:

 

Allah wuxuu yidhi " Waxaad bixisaan, asagaa diiin celinaya" Suurat Sabaa 39

 

12. Maalka xaaraanta ah oo laga fogaado:

 

" Allah wuxuu burburiyaa Ribada wuxuuna kordhiyaa sadaqooyinka" Baqara 276

 

13. Salaadda faradka ah oo la oogo:

 

Allah wuxuu yidhi " Reerkaaga far salaadda, kuna sabir (fariddaas) kuma aan warsaneyno quudin, annagaa ku quudinna, cidhibta dambena waxaa leh taqwada (ehelkeeda)" Taahaa 132

 

14. Mahad naqa Allah loo mahad naqo nicmada uu na siiyay:

Allah wuxuu yidhi " Haddad ii mahad celisaan, waan idiin kordhin hubaal ahaan" Ibraahim 7

 

15. Istiqfaarka oo la badiyo:

 

" Rabbigiinna warsada dambi dhaaf, (maxaa yeelay) wuxuu ahaa kii dambiga dhaafayey, wuxuuna diin so deyn doonaa roobka cirka asagoo badan, wuxuuna idin siin doonaa hanti iyo carruur wuxuuna idiin yeeli doonaa beero, wuxuuna idii yeeli doonaa webiyaal" Nuux 10-12

 

Allow noo barakee waxaad na siisay, kana yeel waxaannu u adeegsanno hoggaansanaantaada, wa sallalaahu wa sallim calaa nabiyinaa wa aalihi wa saxbihi wa ajmaciin.

 

 

Nur

-------------------------------------------------

Kuwa iga Da' weyn waa iga ajar badan yihiin, kuwa iga yarna waa iga dambi yaryihiin.

 

e-Nuri Softwaano series ( Somali service)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

Jazakallah Khair; Akhi Nur

 

Allow noo barakee waxaad na siisay, kana yeel waxaannu u adeegsanno hoggaansanaantaada,

Amiin q__|___| |_.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nomads

 

Time to brush up on your Somali, its Ramadan, why not share this piece with your folks, they would love your for it, and it can spark a great discussion around the iftaar table, or mat.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
S.O.S   

Brother Nur, Illaahay ha kaa abaalmariyo qoraalkan aad u' qiimaha badan ee kor ku xusan.

 

Waxaa jira dhib wayn oo naga sumaynhaya aas-aaskii barakooyinka Illaahay inooga dhalin lahaa, taasoo ku saabsan qodobka 12aad ee qoraalkaaga, ahaana:

 

"12. Maalka xaaraanta ah oo laga fogaado:"

 

Hadaan "Pareto's principles" yara jacburinno, kana sooqaadno in "Pareto Optimality" aysan u' taagnayn miizaan bulshadeed-kiisa, ay laakiinn u' taagantahay ficilkastaba xalaalnimadiisa u' asalka ah, waxaa inaga maqan Pareto optimalitigii ficilkeena barakayn lahaa.

 

Marka sidaa darteed, siday calool xaaraan quuday, ubad xaaraan lagu koriyay, giri xaaraan lagu dhisay iyo waqti xaaran lagu beerdarayeyba baraka looga fili karaa?

 

Illaa man raximallaah mooyee; kulligeen way inoo dhamaatay! (shaydaankaa xitaa og)

 

Ducadaadiina, AAMIIN baynu niri.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Shamsudiin bro.

 

waxaads qortay:

 

Marka sidaa darteed, siday calool xaaraan quuday, ubad xaaraan lagu koriyay, giri xaaraan lagu dhisay iyo waqti xaaran lagu beerdarayeyba baraka looga fili karaa?

 

Walaal, runtii waxaa mushkiladan garan kara qof ka shaqeeya ganacsiga, wallahi walaal waa lagu halaagsamay xaaraan cunidda, Banuu Israail waxaa Allah ku lacnaday waxaa ugu weynaa " Akl amwaala naasi bil baadil" iney ku cunaan maalka dadak xaaraan, iyo cunidda SUXTiga oo ah laaluushka.

 

Hadaba, markaan dib u eegno waddankaanna dunuubta lagu halaagay haatanna uu u dagi layhay waxaa ugu weyn in xaaranta la xalaaleystay, taasoo xataa iyo ka baxsan waayeen kuwa ay ka muuqato calaamadaha diinta. Allah ayaan warsaneynaa inuu naga caafiyo wax dada badan ay ku baloobeen, aamin.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

S.O.S.

 

Runtii, waxaad tilmaantay oo ah baraka darrada ku saabsan cunidda xaaranta waa mid aan aad loogu foojigneyn, waxaanan isleeyahay, ummaddeenna Somalida ah , gaar ahaan halkee laga heystaa?

 

Waxaad mooddaa in xaaraan cunidda ay noqotay hab nololeed oo dad badan ku nool yihiin, hadaba ma laga yaabaa, inta aan sidaa ku sugan nahay in Allah barakeeyo waxa na la siiyay?

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
S.O.S   

Runtii, waxaad tilmaantay oo ah baraka darrada ku saabsan cunidda xaaranta waa mid aan aad loogu foojigneyn, waxaanan isleeyahay, ummaddeenna Somalida ah , gaar ahaan halkee laga heystaa?

 

Waxaad mooddaa in xaaraan cunidda ay noqotay hab nololeed oo dad badan ku nool yihiin, hadaba ma laga yaabaa, inta aan sidaa ku sugan nahay in Allah barakeeyo waxa na la siiyay?

Nur walaal, haddaan si fudud dib isugu laabanno, waxaan is waydiin karnaa xaaladda ina haysata hab aad u' sahlan.

 

(1) Barko darrada waxaad mooddaa in ay ka timid (2) xaaraanta, iyaduna assal u’ yahay (3) iimaan yarida. Isla baabkaa (of the same coin) waxaa kaloo la xidid ah –in kastoo uu aad ooga caansan yahay bahda hore- (1) fitan (fisqi, qas, boob, dhac, iwm), kaas oo la xiriira (2) jahli, colaad iyo dagaal, iyaduna assal u’ yahay (3) iimaan darrada. Sidaan isugu xijjyay muhiim ma’ahan!

 

Waxaa hubaal ah in ay intuba is saameeyaan, sababtoo ah dhibkuba mar haday wadaagaan (iimaan yarida), xalkuna waa in ay wadaagaan (iimaan kordhinta). Qoraalkaaga, Nuurow, waxaa ku cad in 15ka qodabood ee liis-ahaanta u’ xusan, aad tiri barakaday kordhiyaan, sidoo kalena waxay kordhiyaan iimaanka!

 

Haddaad u’ fiirsato mar alle markii layiraahdo waxaa islaayay Qurac iyo Qansax waxaad arki kartaa:

 

1) dhibka hor’umar la’aanta iyo hunguriga dabkiisa (sources of survival/income)

 

ama/iyo

 

2) calooshood u’ shaqaystayaal Qurac iyo Qansax ku kala qaraabsado (warlord)

 

kadibna

 

1) Geeddi warkiisa waa “bee-buu-bug†(extremely biased to say the least)

 

ama/iyo

 

2) sarqaanka qabyaaladda (collective tribal drunkenness)

 

Halkan iyaduna waxaa ka cad in labada dhibaato ee hore ay wadaagaan: (1) hor’umar darro (dhaqaale, waxbarasho, qaab-nololeed, qaab-dhaqameed, iwm) iyo (2) qabyaalad (isticmaalka ama isticmaarka, ma’aha qabiil). Marka sidaa darted dhibaatada 2aad (qabyaaladda) waxay ka dhalataa danta hadba lagu fushanayo marwalbana ku lug-leh dhibaatada 1aad (hor’umar la’aanta).

 

Hadabo hadaan dib oogu soo laabano qoraalkan furitaankiisii oo ku saabsanaa xididadda iyo bahaha dhibaatooyinka, ma la’oran karaa:

 

-iimaanka waxaa xal u’ ah dacwada oo aad loogu dadaalo

-hor’umarka waxaa xal u’ ah dhaqaalaha oo dib loo dhiso

 

Mise, dacwada kaliyaa nagu filan, sababtoo ah Qur’aankuu Ilaahay inoogu cadeeyay in u’ laaboshadiisa, aaminaaddiisa iyo isku-halayntiisuba (a) irzaaqadda furfurto (b) hor’umarkana fududayso, maxaa yeelay muslimiinta ayay midaysaa?

 

Illaahay oo loo laabto waxay keentaa...:

 

وَأَلَّÙÙŽ بَيْنَ Ù‚ÙÙ„ÙوبÙÙ‡Ùمْ لَوْ Ø£ÙŽÙ†Ùَقْتَ مَا ÙÙÙ‰ الاٌّرْض٠جَمÙيعاً مَّآ أَلَّÙْتَ بَيْنَ Ù‚ÙÙ„ÙوبÙÙ‡Ùمْ وَلَـكÙنَّ اللَّهَ أَلَّÙÙŽ بَيْنَهÙمْ Ø¥Ùنَّه٠عَزÙيزٌ Ø­ÙŽÙƒÙيمٌ

 

(Qur'aan 8:63)

 

وَاذْكÙرÙواْ Ù†Ùعْمَةَ اللَّه٠عَلَيْكÙمْ Ø¥Ùذْ ÙƒÙنتÙÙ… أَعْدَآءً ÙَأَلَّÙÙŽ بَيْنَ Ù‚ÙÙ„ÙوبÙÙƒÙمْ ÙَأَصْبَحْتÙÙ… بÙÙ†ÙعْمَتÙه٠إÙخْوَاناً ÙˆÙŽÙƒÙنتÙمْ عَلَى Ø´ÙŽÙَا Ø­ÙÙْرَة٠مّÙÙ†ÙŽ النَّار٠ÙَأَنقَذَكÙمْ مّÙنْهَا كَذلÙÙƒÙŽ ÙŠÙبَيّÙن٠اللَّه٠لَكÙمْ ءَايَـتÙه٠لَعَلَّكÙمْ تَهْتَدÙونَ

 

(Qur'aan 3:103)

 

iyo,

 

وَيَقَوْم٠اسْتَغْÙÙرÙواْ رَبَّكÙمْ Ø«Ùمَّ تÙوبÙواْ Ø¥Ùلَيْه٠يÙرْسÙل٠السَّمَآءَ عَلَيْكÙمْ مّÙدْرَاراً وَيَزÙدْكÙمْ Ù‚Ùوَّةً Ø¥ÙÙ„ÙŽÙ‰ Ù‚ÙوَّتÙÙƒÙمْ وَلاَ تَتَوَلَّوْاْ Ù…ÙجْرÙÙ…Ùينَ

 

(Qur'aan 11:52)

 

marna,

 

اللَّه٠لَطÙÙŠÙÙŒ بÙعÙبَادÙه٠يَرْزÙÙ‚Ù Ù…ÙŽÙ† يَشَآء٠وَهÙÙˆÙŽ الْقَوÙىّ٠الْعَزÙيزÙ. Ù…ÙŽÙ† كَانَ ÙŠÙرÙيد٠حَرْثَ الاٌّخÙرَة٠نَزÙدْ Ù„ÙŽÙ‡Ù ÙÙÙ‰ حَرْثÙÙ‡Ù ÙˆÙŽÙ…ÙŽÙ† كَانَ ÙŠÙرÙيد٠حَرْثَ الدّÙنْيَا Ù†ÙؤْتÙÙ‡Ù Ù…Ùنْهَا وَمَا Ù„ÙŽÙ‡Ù ÙÙÙ‰ الاٌّخÙرَة٠مÙÙ† نَّصÙيبÙ

 

(42:19-20)

 

Qur'aanka wuxuu ka yiri mar kale aan dib oogu laabanno...waxaan arkaa in aad nasuus fara badan kor ku soo tilmaantay...anna qaar kale ayaan soo raadin doonaa insha'Allaah.

 

w/c

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this