Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland The house of the Minister was not attacked it was an accident

Recommended Posts

“Ma Jiro Weerar La Weeraray Guriga Wasiirka Xananada Xoolaha” Sarkaal Ciidanka Boliska

September 17th, 2010 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org) Waxa caawa fiidniimadii markay saacadu ahayd 7dii fiidnimo qarax laga maqlayay guriga uu magaalada Hargeysa ka degan yahay wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Md Axmed Xaashi Oday. Ciidanka Booliska Somaliland ayaa marki ay tageen goobta qaraxa laga maqlayay waxay sheegeen in qaraxaasi ka dhashay ‘Boiler’ kii ama haanta biyaha kululaysa ee guriga ku xidhnaa oo qarxay.

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa wakhtigan safar ugu maqan dalka Kenya, safarkaas oo ay ku weheliyan afar Wasiir oo xukuumada ka tirsan. Hase yeeshe, marwada wasiirka iyo caruurtiisi oo guriga ku sugnaa ayaa waxba ku noqon qaraxaas. Marwo Layla Cismaan oo ah marwada wasiirka ayaa mar wax laga waydiiyay qaraxaas sheegtay in qolka Bathka ee boilerku ku xidhnaa ay inyar ka hor inta qaraxu dhicin ay ka baxday. Waxay inta ku dartay in yada iyo caruurtiba ay ka badbaaden qaraxas oo cidna wax ku noqon.

 

Dhinaca kale saxaafadda qaar taabacda xukuumaddi dhacday ee UDUB sida qarannews iyo waaheen ayaa soo qoray in guriga wasiirka la wareeray iyada oo ay sheegeen in guriga wasiirka la weerary oo u dhow guriga Madaxweynaha, ujeedadu ahayd in la weerarayo Madaxweynaha.

 

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo guriga wasiirka ku sugnaa cawa fiidki aya sheegay in saxaafad iyo shakhsiyaad faafinaya warar been abuur ah jiraan, taaso ay rabaan inay ku waxyeeleyan qaranimada Somaliland. Isla markaana sheegay in la hubsado warka inta aanay faafin.

 

Gebegabadii, dhaawaca qaraxaas geystay ayaa la sheegay in ay tahay qolkii Bathka ee uu ku yaalay Boilerku iyo saqafki qolkaas saarna oo gubtay, hase yeeshe guriga intiisi kale waxba soo gaadhin.

 

Somaliland.Org Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

yeeshe, marwada wasiirka iyo caruurtiisi oo guriga ku sugnaa ayaa waxba ku noqon qaraxaas. Marwo Layla Cismaan oo ah marwada wasiirka ayaa mar wax laga waydiiyay qaraxaas sheegtay in qolka Bathka ee boilerku ku xidhnaa ay inyar ka hor inta qaraxu dhicin ay ka baxday. Waxay inta ku dartay in yada iyo caruurtiba ay ka badbaaden qaraxas oo cidna wax ku noqon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

qaraxii la sheegay inu ka dhacay guriga wasiirka xanaanada xolaha ee JSL oo noqday haanta biyaha kulaylisa oo qaraxday.

 

 

Shir jara'iid oo ay wadajir u qabteen taliyaha ciidaanka policeka somaliland iyo

 

Badhitaanka ka dib ayaa waxa la ogaaday in aanay ahayn weerer lagu soo qaday guriga wasiirka .

 

Shir jara'iid oo ay wadajir u qabteen taliyaha ciidaanka policeka somaliland iyo badhasabka gobolka hargeysa ayaa

waxay ku sheegeen in aanu ahayn weerer uu ahaa qaraxaasi Haanta kulaylisa biyaha qolka lagu maydho

 

Masuuliiyiinta wada qabtay shirka jaraaid ayaa meesha ka saaray in qarax lagu weeraray guriga wasiirka

 

Gabileynews Desk

Hargaysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this