Sign in to follow this  
General Duke

London: President Yusuf holds a private meeting with Lord Malloch-Brown;PICS

Recommended Posts

Kulan Maanta ku dhexmaray Magaalada London Madaxweynaha Somaliya Md C/llaahi Yusuf Axmed iyo Lord Malloch-Brown Wasiirka arimaha Africa ee Dawladda Ingiriiska.Daawo Sawirada

 

Madaxweynaha Somalia Mudane Abdullahi Yusuf Ahmed iyo wasiirka Amuuraha Africa ee dawladda Ingiriiska Lord Malloch-Brown ayaa maanta kulan ku dhexmaray magaaladda London.

 

Madaxweynaha iyo wasiirku waxay kawada hadleen xariirka wanaagsan ee labada dal iyo kan caalamka.

 

 

 

Madaxweynuhu wuxuu ka warbixiyey xaaladda guud ee Somalia iyo dadaalka dawladda ku meel gaarka ahi ugu jirto sidii xasilooni waarta loogu soo celin lahaa dalka somaliya.

Madaxweynuhu wuxuu cadeeyey in muwaadin kasta ee Soomaaliyeed oo aan dagaal wax ku dooneyn in dawladdu la xaajooneyso ayna meel waliba ay joogan kula kulmi doonto.

 

 

Wasiirku wuxuu sheegay in dawladda Ingiriisku taageerayso dawladda Soomaaliya iyo midnimadda dalka Soomaliya ayna lagarab istaagayso taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba'.

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirku waxay isku raaceen in la dadajiyo dhamaystirka ciidamada Africa loona helo dhaqaale iyo qalabayn.

Madaxwynaha ayaa wuxuu ka bilaabey magaalada london ee wadanka Ingriiska kulamo uu la yeelanayo dowlada ingriiska wasiiro ka socda iyo hey'adaha caalimaga ah ee saldhigyadoodu yahay wadanka Ingriiska gaar ahaan magaalada London.

 

 

Masuul sare oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo ka gaabsaday magiciisa in la shaaciyo sababo la xiriira in aan loo fasixin saxaafada in uu la hadlo ayaa u sheegay carmooyin.com xafiiskeeda London in wada hadalo ay saacadaha inasoo aadan uu Madaxweynahu la yeelan doono saraakiil dowladda Mareykanka ka tirsan,iyadoo uu madaxweynuhu hada dagan yahay Hotel ku yaala Waqooyiga Magaalada London.

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lafilayaa in maalmaha inasoo aadan uu kulamo la qaato Ra'isul wasaaraha dalka Braitan oo ay ka wada hadlayaan xaaladaha Siyaasadeed ee Geeska Africa iyo sida ugu haboon ee dowlada Ingiriisku taageero usiin karto dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,si ay Xukunkeeda u gaarsiiso guud ahaan Soomaaliya,loogana taqalluuso haraadiga argagixisada ee wali rabshadaha ka wada dalka Soomaaliya.

 

Dhowr xaquuqda Sawirada waxaa iskaleh shabakada carmooyin.com

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com London England

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this