Suldaanka Posted July 18, 2008 Ganacsatada Xoolaha Somaliland ah oo Shixnaddii u Horreysay u Dhoofiyey Sucuudiga Berbera (Jam)- Markab sida shixnaddii ugu horreysay ee ah xoolo nool oo ganacsatada waddaniga ahi si madaxbannaan ugu dhoofiyaan dalalka Khaliijka tan iyo markii xukuumadda Somaliland heshiiska dhoofka xoolaha la gashay ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri, ayaa ka xalay ka shiraacday Dekedda Berbera, isagoo u sii jeeda dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Shixnadda xoolaha nool ee xalay ka dhoofay Dekedda Berbera oo isugu jira adhi dhan 7 kun oo neef iyo boqollaal oo lo’ ah, isla markaana ay leeyihiin ganacsatada waddaniga ah, ayaanay ilaa hadda xukuumadda Somaliland ka soo saarin wax war ah oo ku saabsan fasaxa xoolahaas. Haseyeeshee, xubno ka mid ah ganacsatada Somaliland oo Jamhuuriya ugu warramayey khadka telefoonka xalay iyagoo jooga magaalada Berbera, ayaa sheegay in ay dhoofka xoolaha fasax uga heleen dhinaca xukuumadda, isla markaana sifo sharci ah loogu cashuuray xoolaha ay direen. Waxa kale oo ganacsatadu sheegeen in uu dekedda Berbera caawa ka bixi doono markab kale oo qaadi doona shixnaddii labaad ee xoolaha nool oo ay u dhoofinayaan dalka Sucuudiga. Geesta kale, waxa xubnaha ganacsatada ah Jamhuuriya u sheegeen in Khamiista berri ay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin la yeelan doonaan kulan lagaga arrinsanayo xal-u-helidda khilaafka dabada dheeraaday ee ka dhashay heshiiska xukuumaddu kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha ee dalka ganacsade Al-jaabiri, isla markaana ay rajaynayaan in kulankaasi soo afjaro muranka arrintaas ka dhashay. Ganacsade Saleebeen Al-jaabiri oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa caasimadda Hargeysa, isla markaana Madaxweyne Rayaale la yeeshay kulamo aan ilaa hadda la ogayn waxyaabaha lagaga wadahadlay iyo arrimaha ay isla meel-dhigeen labada dhinac oo ku saabsan muranka cakiran ee ka dhashay dhoofka xoolaha nool ee Somaliland, kaas oo khilaaf xooggan ka dhex abuuray ganacsatada waddaniga ah iyo xukuumadda Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted July 18, 2008 Good news. Hope it continues. I will look for good old Somali goat in the aisles :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted July 18, 2008 ^Good news indeed. Horta waa ido waxa la dhoofiyo soo ma aha? Ari cad meat would really be something to eat . Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted July 18, 2008 I'm down the supermarket first thing mate :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted July 18, 2008 ^Horta ma dhaba, that Somali meat tastes best? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted July 18, 2008 ^Not really, it's just their usually faan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted July 18, 2008 Originally posted by Suldaanka: ^Horta ma dhaba, that Somali meat tastes best? Yes,actually. It has everything to do with the kind of vegetation they feed on. Not all shoats(sheep/goats)are equal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Malika Posted July 18, 2008 Now Suldanka,is it somali meat or somaliland meat?.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted July 18, 2008 ^ shouldnt we get a collective name ... like the desi people .. you know somaliland, somalia, puntland , jabuuti, somali galbeed , somali sijui all share the same lingo Quote Share this post Link to post Share on other sites