Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Same old game, some MP's to unilaterily vote in PM

Recommended Posts

245 xildhibaan oo sheegay inay beri ansixinayaan Ra’iisul wasaaraha cusub.

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya oo kor u dhaafaya 245 xildhibaan ayaa sheegay in maalinta beri ah ay ansixinayaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda KMG Max’ed Cabdullaahi Max’ed.

 

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen xildhibaano ka tirsan Barlamanka oo gaaraya 245 mudane ayaa kulankooda waxaa ay ku go’aamiyeen in maalinta beri ah tagi doonaan xarunta Barlamanka KMG Soomaaliya halkaasi oo ay sheegeen inay ku ansixin doonaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Madaxweynaha dowladda KMG.

 

Xildhibaan Ismaaciil Abuukar oo ka hadlayay kulanka ay isugu yimaadeen xildhibaanadaasi ayaa waxaa uu sheegay in uu jiro qodob u ogolaanaya Barlamanka inay kulan yeeshaan islamarkaana ay ka doodi karaan wax walba oo horyaala Barlamanka hadii uu ka dhaga adeego ama uu meer meeriyo gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya.

 

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in iska dabajiitan uu ku saameeyay gudoomiyaha Barlamanka sidii loo ansixin lahaa Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in maalinta beri ah marka ay tagaan xarunta golaha shacabka hadii uu ka soo qeyb gali waayo fadhigaasi gudoonka Barlamanka ay iska dhex dooran doonaan shir gudoomiye kadibna ay ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub.

 

Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi oo ka mid ah mudanayaashii halkaasi ka hadlayay ayaa arin sharci daro ah ku tilmaamay warsaxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha Barlamanka, oo ku aadana in maalinta arbacada ah ee soo socota fadhiga Barlamanka uu qabsoomi doono, waxaana uu sheegay xildhibaanku in Shariif Xasan uusan aqood u laheyn sida uu tilmaamay in uu xili iclaamiyo balse awood uu u leeyahay wixii ay go’aamiyaan barlamanka in uu soo jeediyo.

 

Waxaa uu sidoo kale xildhibaanku sharci daro ku tilmaamay in gudoomiyaha Barlamanka beesha Caalamka uu ugu baaqo inay saraakiil u soo dirsadaan fadhiga Barlamanka, waxuuna taasi badalkeeda sheegay in awooda ay u leeyihiin madaxweynaha dowladda KMG iyo Ra’iisul wasaaraha.

 

Lama oga sida xildhibaanadaani ay ku ansixin karaan ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya iyadoo uu ka maqanyahay gudoomiyaha Barlamanka oo ay ku eedeeyeen in uu ka caga jiidayo ansixinta Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Originally posted by General Duke:

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in iska dabajiitan uu ku saameeyay gudoomiyaha Barlamanka sidii loo ansixin lahaa Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in maalinta beri ah marka ay tagaan xarunta golaha shacabka hadii uu ka soo qeyb gali waayo fadhigaasi gudoonka Barlamanka ay iska dhex dooran doonaan shir gudoomiye kadibna ay ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub.

Sheekh Shariif dowladiisii waxay noqotay mid fadhiid ah. In ay socoto iska daa ee waa taa xitaa Gurguurashadii awoodi wayday.

 

Bal waynu arkidoonaa, Labada Shariif kii reerka u soo hadha!!! sida warka ku cad, Shariifyadu mar danbe in ay isla shaqayn doonaan uma eka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Originally posted by Abwaan:

Toloow TV-yada ma u oggolaan doonaany inay goobjoog u ahaadaan, waxaan shaki ku jirin in kuraasta caagagga ah la isla dhici doono oo ay u debbaal-degi doonaan amase dhici doona qaybtii labaad ee rabshadii:

2005-kii ayaan soo xasuustey oo video-gan ayaanba soo wadey, laakiinse waa iga hor martey abti. smile.gif

 

Rabshadan dhici karta waxay uga duwanaan doonta tii hore, in la is rasaaseeyo, ama isqarxis ka dhaco gudaha ama dibada baarlamaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Taleexi:

Abwaan
: Kuraasta caagaga ah in laysla dhaco waa horumar, war qoriga kalashnikov-ka ha laynaga ilaaliyo.

Waa runtaa waa horumar balse kuwii xalka laga sugayey hadday kuraas isla dhacaan, shacabkana maxaad ka fili...? Horta maanta malla isla dhacay kuraas war maka haysaa? :D Waxaan akhrinayey dagaal baa ka dhex-dhacay Baarlamaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

same old fools that are the destruction of country for there own needs not understanding today it should be the country and people that are the first agenda , and how stability should be organized but of course they are the in frustrates of the country , a country that has a culture and religion . these are agendas whom need to be addressed by the people who care about the suffering of civilians children ,

 

this aint the time to vote secretly or not ..... we need a new parliament one that works for Somali people not clan or alshaabab interest or other foreigners. Do they not want peace and stability was this the reason why they where chosen for or what? To become obstacle to the goverment when the country is in turmoil .

 

 

I suggest then Government suspends the parliament for there intolerant acts and disrespect for the oath they have taken.

 

i Also suggest the goverment should put the country under marshal law since we are at war against foreigners agents whether they are member of the parliament or alshaabab , xisbul islam.

 

We need to take stand or Allah would ask us what have you done For your brothers and sisters that share same religion same culture that are suffering - because of people with there own agendas .

Share this post


Link to post
Share on other sites

In kuraas la isla dhacaa waa caadi oo aduunka oo dhan way ka dhacdaa laakiin ma joogaan meeshii kuraasta la isla dhacayay ??? ,,, 2kms bay ku xeraysan yihiin oo weliba ajnabi ku ilaalinayaa ee inay taas ka fekeraan bay ahayd.

 

Let's just hope inay khayr ku dhamaato

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this