Sign in to follow this  
General Duke

Puntland VP Gen A/Samad Ali Shire update on Galgala...

Recommended Posts

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee Galgala

 

Gen C/samada Cali Shire Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Caalamiga ee SBC waxaa uu ku sheegay in xaalada Deegaanka Galgala ay tahay mid aad u wanaagsan islamarkaasina Ciidamada ay gacanta ku hayaan guud ahaan Amaanka Galgala iyo deegaanada ku xeeran.

 

Madaxweyne ku xigeenka oo maanta ku laabtay markale Tuulada Galgala oo ka tirsan gobolka bari ayaa sheegay in isaga & saraakiil ka tirsan Ciidamada amaanka sababta ay ugu laaabteen ay tahay inay soo eegeen xaalada Ciidamada, kala badelida Ciidamada Jiida Hore joogay oo lagu badelay ciidamo soo nastay & sidoo kale inay deegaanka u magacaabeen Taliye ciidan oo qaabilsan Hogaanka Ciidamada Puntland ee Galgala Jooga

 

Gen. C/samad Cali shire waxaa uu waxba kama jiraan & been la dhoodhoobay ku tilmaamay Wararka qaar ee ay isla dhexmarayeen qaar ka mid ah dadka warxuma tashiilka ah kaasi oo ku aadanaa in ciidamo ka tirsan Puntland ay u goosteen dhinaca Sheekh Maxamed Siciid Atam waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku tilmaamay war aan sal & raad toona Lahayn

 

”Wax caqliga galaba mahan inta nin qaran & dowlad ka tago inuu u goosto argagaxiso, wax ciidankiisa ka suurta gala mahan dacaayadaasina waa mid raqiis ah mana ahan mid ay ciidamadeena istaahilaan waxa wararkaasi sameynayana waa kuwo argagaxisada la halmaala” sidaasi waxaa yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

 

Mar SBC International ay weydiisay madaxweyne ku xigeenka halka ay ku danbeeyeen kooxdii la dagaalameysay waxaa uu sheegay in kooxdaasi ay firxad ahaan ay uga baxeen guud ahaan deegaanadii ay ka dagaalayeen islamarkaasina ay bilaabeen inay weeraro gaadma ku soo qaadan ciidamada isaga oo sheegay in haatan ay xaalada gacanta ugu jirto ciidammada

 

Mar Warbaahinta SBC ay weydiisay Gen.c/samad Cali shire Madxaweyne ku xigeenka Puntland in dagaalka gaadmada ah uu ka qaasaaro badan yahay dagaalka tooska ah wuxuuna yiri haatan ma jirto qasaare weyn oo dowladu sheegi karto oo ka soo gaaaray dagaalka caynkaas ah ee ah (gorilla war) waxaana uu sheegay inay la atacaalayaan sidii kooxdaasi ay u tirtiri lahayeen.

 

Gen.C/samad Cali shire oo ay SBC weydiisay Bacdamaa Haatan dowladu Sheegatay guulo islamarkaasina ay sheegtay inay deegaanka gacanta ku hayso ayaan weydiinay waxa diidaya in dhinaca ka soo horjeeda la wareysto oo dhankooda la weydiiyo sida xaalka deegaanku yahay bacdamaa Wasaarada warfaafinta Puntland ay horey u mabnuucday wareysiga Kooxda taabacsan Sheekh Atam

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa yiri hadii ninkastaaa microfone iska qaato uu wuxuu doono warbaaahinta ka sheego ciduu doonana wareysto wax la aqbali karo mahan waana arin mabnuuca waxaana uu yiri hadii aad saxaafadiinu wadaniyiin tihiin taga deegaanka soo arka waxa meesha ka jira laakiin maxaa iska wareysaneysaan Adiga & nin Aragagaxisa ah ayuu hadalkiisa ku soo koobay madaxweyne ku xigeenka Puntland.

 

 

SBC International Monitoring

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galgala:Weeraro Galgala ka dhacay & Madax katirsan dawlada Puntland oo halkaas gaartay.

 

25. august 2010

 

Galgala:(Allpuntland)-Wararka lagahelayo Deegaanka Buuraleyda ah ee gobolka Bari gaar ahaan Galgala & agagarkeeda ayaa kusoo waramaya in Halkaas ay saacadihii lasoo dhaafay ka dheceen Weeraro kaladuwan oo loo geystay Qaarkamid ah Ciidamada dawlada Puntland ee halkaas kusugan.

 

Wararkii udanbeeyey ee halkaas laga helayo ayaa kusoo waramaya in midkamid ah gawaarida Tiknikada ah ee ciidamada Daraawiishta Puntland halkaas lagu weeraray islamarkaasna ay dhaawacyo fududi soo gaareen qaarkamid ah Ciidamada daraawiishta ee Puntland.

 

Sarkaal kamid ah Ciidamada Amaanka ee Puntland ayaa APL u xaqiijiyey in Lix kamid ah Ciidanka Daraawiishtu ay weerarkaas ku dhaawacmeen islamarkaasna dhamaantood ay dhaawacyadoodu fududyihiin laguna dabiibayo Isbitaalada & Rugaha Caafimaadka ee Magaalada Boosaaso,waxaana uu Sarkaalkani sidoo kale APL u sheegey in shalay la weeraray Midkamid ah Gaawarida ciidanka ee Galgala ka agdhow.

 

Labadan weerar ayaa kadhacay meelo aanan waxbadan kala fogayn,waxayna taasi keentay in Ciidamada Amaanku ay galaan Heegan ka daran midkii ay horey ugu jireen,sidoo kalena Saraakiisha Amaanka & warfaafinta ee dawlada Puntland ayaanan weli wax war ah kasoo saarin labadan weerar oo inta la’ogyahay uu hal Askari ku dhintay ayna kudhawaad 10-kale dhaawacyo fudud soo gaareen.

 

Dhinaca kale waxaa maanta markale Booqasho aanan horey looshaacin Galgala ku tagay madax katirsan dawlada Puntland oo uu horkacayo madaxweyne xigeenka dawlada Puntland ayna kamid yihiin Wasiirada Amaanka & Arimaha Gudaha,Sidoo kalena waxaa Wafdi madaxweyne xigeenka Puntland kamid ah Kusimaha Taliyaha Guud ee Daraawiishta Puntland Jen,Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) & Saraakiil Dhanka Milatariga ah oo aad looga yaqaano Puntland ayna kamid yihiin Gol,Deyr & Gol,Goronyo Cowl oo labadabu soo qabtay Xilalka ugu sareeya Daraawiishta Puntland.

 

Safarka Saraakiishan ayaanan weli Warbaahinta loosheegin,waxaase Warar hoose oo ay APL ka helayo Galgala ay kusoo waramayaan in Madaxdani ay caawa Galgala ku hoyan doonaan iyadoo ay suurtagal noqon karto inay bilaabaan Dagaalo horleh oo looga soo horjeedo Ciidanka Sheekh Atam,waxaana ay Wararku intaas kudarayaan in Taliyaha Cusub ee daraawiishta Puntland oo xilka la wareegi doono Dabadeedna uu Istaraatiijiyad cusub oo dhanka Dagaalka ah keeni doono.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhinaca kale waxaa maanta markale Booqasho aanan horey looshaacin Galgala ku tagay madax katirsan dawlada Puntland oo uu horkacayo madaxweyne xigeenka dawlada Puntland ayna kamid yihiin Wasiirada Amaanka & Arimaha Gudaha,Sidoo kalena waxaa Wafdi madaxweyne xigeenka Puntland kamid ah Kusimaha Taliyaha Guud ee Daraawiishta Puntland Jen,Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) & Saraakiil Dhanka Milatariga ah oo aad looga yaqaano Puntland ayna kamid yihiin Gol,Deyr & Gol,Goronyo Cowl oo labadabu soo qabtay Xilalka ugu sareeya Daraawiishta Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galgala:D/Puntland oo beenisay in Ciidamo katirsan kuwa Dawladu ay dhanka Atam u goosteen.

26. august 2010

 

Galgala:(Allpuntland)-Madaxweyne xigeenka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Jen,Cabdisamed Cali Shire ayaa beeniyey Warar maalmihii lasoo dhaafay la’isla dhexmarayey oo sheegayey in Tobonaan katirsan ciidamada Amaanka ee dawlada Puntland ay u goosteen xagga Malayshiyaad Hogaamiyaha ay Puntland ku eedayso inuu Xiriir dhow la leeyahay Alshabaab ee Atam,Waxaana uu madaxweyne xigeenku uu wararkaas ku tilmaamay kuwo been abuur ah oo lasoo dhoodhoobay.

 

Jen,Cabdisamed Cali Shire ayaa sheegey in Ciidamada Dawlada Puntland aysan marna ka suurtoobin falalka noocaas oo kale ah,waxaana uu sheegey in Ciidamadiisa ay ka go’antahay inay qaranka u shaqeeyaan islamarkaasna hortaagnaadaan cidkasta oo wada falal Amnixumo oo dalka khalkhal ku abuuraysa.

 

Madaxweyne xigeenka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegey in aysan waxba kajirin in ciidamo katirsan kuwa dawlada Puntland ay soo godoodeen,wuxuuna Madaxweyne ku xigeenka Puntland sheegey in Ciidamo badan ay weli jogaan halkii ay dhowr todobaad un kahor la wareegeen ee Galgala & shishadooda.

 

Hadalka Madaxweyne xigeenka Puntland ayaa imaanaya xili uu saacadihii lasoo dhaafay kusugnaa deegaanka Galgala ee gobolka Bari islamarkaasna ay safarka ku weheliyaan Tiro Wasiiro ah,Taliyeyaal sar sare & Khuburo dhanka Milatariga ah,waxaana uu weli kusuganyahay halkii uu gaaray shalay isagoo xalayna dhex seexdeen Xarumaha ciidamada ee jiidaha Dagaalka.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

madaxwane-cabdi-samad-300x225.jpgMadaxwayne ku xigeenka Dawlada Puntland Gen.C/samad Cali Shire ayaa ka hadlay xaalada Galgala iyo halkii ay ku danbeeyeen maleeshiyaadkii Duulaanka soo qaaday.

 

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegay in ay wiiqeen awooda kooxahii ka soo horjeeday ciidamada ay ku raadjoogaan dabaadigii ka soo haray taa oo ay doonayaan in Deegaanka ka dabarjaraan.

 

Gen.C/samad ayaa sheegay in kooxahii ka soo horjeeday awoodooda ku idlaatay Qaraxyo iyo weeraro gaadmaa oo ay ku qaadaan ciidamada ku sugan aaga dagaalka taa oo ay hadana ciidamada fiijignaan dheeriya ka muujiyeen.

 

Madaxwaynaha ayaa hadalkan jeediyay markii uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay aaga dagaalka kulana kula soo qaatay saraakiisha Dawlada Puntland ee ku sugan Galgala isaga oo ku booriyay in ay Dalka iyo Dadkaba difaacaan waxaana uu intaa ku daray in ay ciidamo dheeriya geeyeen Deegaanka Galgala.

 

C/samad Cali shire ayaa been abuur ku tilmaamay warar ay Buunbuuniyeen cadawga Puntland kuwaa oo ku aadan in ciidamo ka tirsan Dawlada Puntland ku biireen maleeshiyaadka uu hogaamiyo maxamed siciid Atam.

 

Ali Ahmed Abdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen C/samad Cali Shire oo booqasho ku tegay Galgala

Posted to the Web Aug 26, 13:12

 

Boosaaso:-Madaxweyne kuxigeenka Puntland Jen C/samad Cali Shire ayaa booqasho ku tagay degaanka Galgala isaga iyo wafdi uu horkacyo isaga oo xalay u hoyday Galgala.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jeneraal C/samad Cali Shire ayaa sheegay in hadda xaaladu ay tahay mid degan, isla markaasna kooxihii ka soo horjeeday ay sida uu sheegtay ay awoodoodii ay ku soo uruurtay qaraxyo.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen.C/samad Cali Shire ayaa sheegay in ay ciidamo kale la geeyey Galgala si loo soo afjaro dagaalka ay dowlada Puntland kula jirto Maxamed Siciid Atam oo iskagu lagu xagliyo Al-Shabaab waloow uu arinkaas iska fogeeyey.

 

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen.C/samad Cali Shire ayaa ku soo aaday xili la kala badalay saraakiishii ugu sareysay ciidanka Daraawiishta ee Puntland iyada oo wararka aan la hubin ay sheegayaan in Col.Saciid Dheere loo magacaabay taliyaha ciidanka Daraawiishta ee dowlada Puntland.

 

Wararka ka imaanaya GalGala ayaa sheegay in shalay uu isku horimaad ku dhex maray degaanka loo yaqaan Gaamaha oo ka tirsan degaanka Buuraleyda ah ee GalGala ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntlland iyo dhalinyaro hubaysan oo taageersan Maxamed Siciid Atam.

 

Iska horimaada ayaa waxaa ka soo baxay warara is khilaafsan cid dagaalka qaaday wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Puntlland ay weerareen goob saldhig u ahaa ciidamo raacsan Shiikh Atam walow warar qaar kalena ay sheegayaa in taageerayaasha atam ay weerar ku qaadeen ciidanka Puntlland oo saldhig ka samaystay degaanka loo yaqaan Gaamaha.

 

Ilaa hadda ma jiraan masuuliyiin ka hadlay dagaalka 2 dhinac waxaan aad u adag in la hello xog rasmi ah oo ku aadan khasaaraha kala gaaray 2 dhinac

 

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galgala:Madaxweyne Xigeenka Puntland & Saraakiil Weli kusugan Galgala lanahadashaday Ciidamada Halkaas jooga…(Warbixin).

26. august 2010

 

APL

 

Galgala:(Allpuntland)-Madaxweyne Xigeenka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Jen,Cabdisamed Cali Shire & Tiro kamid ah Wasiirada & Hay’adaha kaladuwan ee Quseeya Amaanka & Arimaha Ciidan ee Puntland ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay kusugnaa Jiida Dagaalka ee Galgala halkaas oo ay kulamo Xasaasi ah kula lahaayeen Waxgaradka deegaanadaas & Ciidamada kaladuwan ee Mudadii lasoo dhaafay kusugnaa Jiida Galgala.

 

Jen,Cabdisamed Cali Shire & madaxda kale ee safarka ku wehelisa ayaa xalay & Maantaba khubadbado kaladuwan oo xasaasi ah ujeedisay Ciidamada kaladuwan ee Jiida dagaalkas kusugan,waxaana ay ku gubaabiyeen inay ka qeybqaataan Amniga dalka islamarkaasna ay la dagaalamaan Kooxda Alshabaab ee kusugan weli meelo kamid ah Bariga fog ee Puntland.

 

Taliyaha Cusub ee Ciidamada Daraawiishta dawlada Puntland Jen,Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa khudbadii ugu xasaasisanayd saaka u jeediyey Boqolaal kamid ah Cuudabja daraawiishta ee dawlada Puntland,Waxaana uu Taliyuhu sheegey in uu doonayo in waxbadan laga qabto xaaladaha kaladuwan ee dalka islamarkaasna ay Ciidanku naftooda u huraan Sidii ay shacabkooda nabad ugu heli lahaayeen.

 

Sidoo kale Jen,Siciid Dheere ayaa sheegey in Ciidamada looga baahanyahay in aysan marna ka daalin Difaaca Dalka,Dadka & Diinta,Waxaana uu madaxda sarsare ee dawlada Puntland ka codsaday in Ciidamada kaladuwan ee Puntland lasiiyo dhamaan waxkasta oo ay xaq u leeyihiin islamarkaasna ay dawladu Mas’uuliyadeeda koowaad ka dhigto Daryeelka & Abaabulka ciidanka Puntland.

 

Dhinaca kale Wasiirada Amaanka & Arimaha Gudaha Iyo Khuburo kaladuwan oo dhanka Milatariga ah ayaa la hadlay ciidamada Puntland kuwaas oo ay ugu tageen Difaacyo kaladuwan oo ay ku leeyihiin Wadada isku xirta Galgala & Boosaaso,Waxaana maanta si rasmi ah Xilka Taliyaha Daraawiishta ee Puntland ula wareegay Jen,Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo kamid ah Saraakiishii muda dheer kusoo jirtay Howlaha Daraawiishta Puntland islamarkaasna mudo dheer ahaa Taliye Xigeenka daraawiishta ee Puntland.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntand

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this