Sign in to follow this  
Fiqikhayre

President Faroole holds Press conference on his trip, security issue and IDP's

Recommended Posts

Puntland government Official Press Conference:

 

Shirkii Jaraa’id ee Madaxweynaha Dowladda Puntland.

 

Saturday, 21-Nov 2009

 

Garowe,Puntland:Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maalinimadii khamiista ahayd kulan la yeeshay golaha xukuumadda Puntland,kaasi oo sida caadiga ah ay khamiis walba kulan yeeshaan.

Madaxweynaha ayaa kulankaasi shir jaraa’id oo uu ku qabtay kaga warbixiyey safarkii uu ku tegay Dalka Kenya gaar ahaana Magaalada Nayroobi isaga iyo wefti uu hogaaminayey.

 

Wuxuuna sheegay in ay waxayaabo badan u soo qabsoomeen,wuxuuna Madaxweynuhu intaasi raaciyey khilaafkii soo kala dhexgalay iyaga iyo Dowladda Federaalka ahwuxuuna yidhi,waxaan la kulanay Ra’iisal wasaaraha DFKMG ah Mudane Cabdirshiid Cali Sharmaake oo ahaa bud dhigihii xiriirka Federaalka iyo Puntland ayna ka wada hadleen hirgelintii heshiiskii lagu gaaray.

 

Gaalkacyo,wuxuuna sheegay Madaxweynuhu in ay isla soo qaadeen sidii loogu dari lahaa heshiiskaasi qodobo ka dhimanaa,balse uu ku degdegsanaa howlo ugu harsanaa Magaalada Muqdisho.

 

Nasiib wanaag waxaanu la kulanay madaxweynaha DFKMG ah Mudane Sheekh Shariif,waxaana ugu tagnay halkii uu deganaa si wanaagsan ayaanu u wada hadalnay markii uhu horraysay,waxaana isku raacnay in aan maalinimada saxeexno heshiiska ay soo qoraan wasiirada labada dhinac,dhinaca Puntland Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose Jeneraal Cabdillaahi Axmed Jaamac oo ka mid ah weftiga aan hoggaaminayey iyo dhinaca Federaalka,markii la doonayey in heshiiska la saxeexo ayaa sheikh shariif waxa uu la yimid qorshe ka bedelan kii laga wada hadlay habeenimadii.

 

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud ayaa sheegay amaba cadeeyey in aaanay marnaba ka tanaasuli doonin horumarka Puntland,isagoo cadeeyey in aanay marnaba ka tageyn Dastuurka Puntland waxyaabaha uu qorayo isagoo si gaar ah u sheegay horumarka Puntland in aanay ka tegayn.

 

Nin kuu diidan Horumar muxuu kuu ogolanayaa,waxay ila tahay in Puntland qaadi doonto talaabo kasta oo dhinaca Horumarka ah.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay ku nool yihiin dad badan oo ka soo cararay dagaalada ka socda koonfur ayna mas’uuliyadeeda leeyihiin DFKMG ah iyo kuwa ka soo horjeeda isla markaana ay dowladda Soomaaliya ka biyo diidsan tahay mashaariicda laga fulinayo Puntland,dadkaasi soo cararay waxa ay dhibaato ku hayaa degaanada Puntland.

 

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu ka hadlay la kulankii ay la kulmeen deeq bixiyayaasha Caalamka sidii taageero wanaagsan loo siin lahaa Puntland,wayna balanqaadeen in ay siin doonaan taageero fiican,wuxuuna madaxweynuhu sheegay in ay wax badan isku soo afgarteen deeq bixiyayaasha Caalamka.

 

Dalal deeqaha bixiya ayaa balan qaaday in ay bixin doonaan deeq baaxad weyn,wuxuuna Madaxweynuhu u sheegay Taliyayaasha amniga in ay xoojiyaa ammaanka Puntland waxna ka qabtaan.

Shirkan jaraa’id ee uu qabtay Madaxweynuhu ayaa waxa uu kaga hadlay qodobo kale oo ka mid ah ammaanka Puntland iyo waxyaabihii dhowaan ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland,wuxuu kaloo soo hadal qaaday barakacayaasha.

 

Madaxweynaha ayaa maalinimadii arbacada ahayd soo gaaray caasimada Puntland ee Garowe isagoo ka soo degay Garoonka Konoko,halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin isugu jirtay Wasiiro xildhibaano,shacab iyo cusub ka tirsan Ciidanka Daraawiishta oo markuu uu Madaxweynuhu soo degay uu ka qaatay Salaan sharaf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this