Sign in to follow this  
General Duke

TFG spokesmen rubishes Aydeed Jr comments.

Recommended Posts

BAYDHABO: Afhayeenka Dowladda C/raxmaan Diinaari oo sheegay in siyaasadda Dowladda uusan ku qotomin hadalkii....

Posted to the Web Jan 03, 07:02

 

 

Baydhabo (PP) - Afhayeenka dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa daboolka ka qaaday saakay in hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Arrrimaha Gudaha Xuseen Caydiid uusan ahayn mid ku qotoma siyaasadda Dowladd.

 

Afhayeenku wuxuu sheegay in hadalkaas ka soo baxay Xusee Caydiid shalay ee ahaa in dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia la isku darayo ay tahay mid ku eg fikirkiisa, balse aanu ahayn mid ay qabto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

"Hadalka Wasiirka Gudaha ee Soomaaliya Xuseen Caydiid uu shalay ka sheegay Muqdisho ma ahan mid ku qotoma siyaasadda Dowldda, balse waa hadal uu iskii isaga yiri, waxaana caddeynayaa in dowladdu aysan siyaasad ahaan xilligaan ahayn mid doonaysa in la isku daro Soomaaliya iyo Ethiopia" ayuu yiri C/raxmaan DIinaari oo hadal dheer siiyay BBC-da qaybta Afka Ingiriiska.

 

C/raxmaan Diinaari ayaa hadalkiisa sii daba dhigay: "Dowladda Federaalka Soomaaliya siyaasadeedu waa mid ku qotonta fikradaha labada gole, mana ahan in dunidu ay ka dhigo hadal fikir ah mid siyaasadda dowladda ku qotoma". sidoo kale Afhayeenka Dowladda wuxuu sheegay in Xuseen Caydiid uu yahay xubin ka tirsan Dowladda uuna fikirkiisa sheegi karo balse aanay ahayn fikradda ay qabto Dowladda Federaalka.

 

"Dowladda Federaalka fikradaheeda waxay ku soo bandhigtaa si sharciyeysan, waxaana marka hore ansixin looga dalbaa labada gole ee Dowladda dabadeedna waxaa laga sii daayaa warbaahinta" ayuu hadalkiisa ku yiri Afhayeenka Dowladda C/raxmaan Nuur Maxmaed (Diinaari) oo warbixintaas ka bixiyay xarunta dowladda ee Baydhabo.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Even Shabbele is on the act.. Hussains gaffe is a big one.

 

Afhayeenka DFS oo fikir shaqsiyadeed ku tilmaamay hadalkii Xuseen ceydiid

 

Baydhabo 03, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Afhayeenka dowladda KMG ah ee Somalia, C/raxmaan Diinaari ayaa hadaladii uu RW K/xigeenka dowladda Somalia ku sheegay in ay mid noqonayaan dowladaha Somalia iyo Ethiopia ku tilmaamay fikir isaga u gaar ah oo uu qabo.

 

C/raxmaan Diinaari ayaa waxa uu sheegay in arinka ku aadan in labada dalka ee Somalia iyo ethiopia in mid laga dhigo ay ka go'an tahay shacabka Soomaaliyeed.

 

Isagoo la hadlayay idaacadda Shabelle, ayaa Diinaari waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray Xuseen Ceydiid uu yahay mid isaga u gaar ah, isla markaana aan la joogin waqti laga hadlo barnaamijyo nuucaasi oo kale ah.

 

Hadalka ka soo yeeray RW K/xigeenka ama wasiirka arimaha gudaha Xuseen Ceydiid ayaa caro badan ka dhex dhaliyay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dadku intiisa badan ay wali hadal hayaan wararka ka soo yeeray Xuseen Ceydiid.

 

Xuseen Ceydiid oo shalay kulan la qaatay odayaal dhaqameedyo Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in ay qorsheynayaan in ay baabi'iyaan xuduuda u dhaxeysa Somalia iyo Ethiopia, isla markaana la qaato hal baasaboor, lana sameeyo hal dhaqaale iyo hal ciidan oo isku dhaf ah.

 

 

Shabelle Media Network Baay

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

The man lacks the art of speaking all together. It is a set back for him personally.

The TFG will have to do more to calm the people down. Even staunch supporters can not accept this type of comments.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Duke, i see you're in damage control. Don't labour so hard. The TFG leadership as a whole have lost the plot.

 

Interesting you mention the 'art of speaking'. Lack of this 'art' is conspicuous within the TFG. Aideed is not alone. Salaad Jeele and Abdirahman Dinari are just two examples. I've listened to these two guys in both Somali and English and have found them to be most incoherent at the spoken word. Dinari, the so-called government spokesman, has a bad habit of oftly-repeating neo-con buzz words. Pay attention to his next quotation and you'll find that such phrases feature prominently. Geedi doesn't fare much better. It's almost as if the TFG has a talent for recruiting the worst to their leadership.

 

Somalis are famous for their clarity and decisiveness at the spoken word. We all remember the captivating speeches of Sheekh Shariif Sheekh Axmed. The TFG are about to do irreparable damage to this reputation.

 

Somalia deserves better leadership. The leadership of the TFG are incompetent to the core. Even if they manage to pacify the country, they will not be its best advocate abroad. They will sell the economic interests of our country for peanuts, simply due to sheer incompetence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib, I am not in the bussiness of defending this man, its his responsability to keep his job.

 

Xussen Caydiid oo sheegay in hadaladiisa si Khaldan ay saxaafada u fasirtay

Last Updated::2007-01-03 14:33:30

 

Muqdisho:- Xussen Maxamed Farax Caydiid oo isku haya xilalka Ra'iisul Wasaare kuxigeenka iyo Wasiirka

Arrimaha gudaha ayaa ka hadlay hadalo uu yiri oo ay xiisad ka dhalatay.

 

Xussen Caydiid oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadaladii ay shalay saxaafada ka faafiyeen si khaldan loo fasiray.

 

Xussen Caydiid ayaa sheegay inuusan marnaba ku dhawaaqin in dalka Soomaaliya la hoos geeyo dalka Itoobiya.

 

Wuxuuna sheegay waxa uu ka hadlay in ay ahayd in labada dal ay wada shaqeeyaan isla markaana xuduudaha u dhaxeeya uusan ka wadin in la burburiyo balse laga dhigo kuwo isku furan.

 

Xussen Caydiid ayaa ka digay in xiisad aan loo baahneyn in la abuuro, asagoo sheegay in marnaba uusan meel uga dhici karin Qaranimada dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday in dalka Soomaaliya uu dowlad iyo maamul u gaar ah leeyahay, balse adduunka uu maanta u gudbay heer la wada shaqeeyo taasi ay dhici karto mustaqbalka.

 

Wuxuuna meesha ka saaray inuu soo jeedinayo in dalka Soomaaliya la hoos geeyo maamul kale, balse wuxuu sheegay in labada dal hadii loo baahdo si siman ay wax u qeybsan karaan ama u wada shaqeyn karaan dhinaca Ganacsiga iyo sugida amniga.

 

Xussen Caydiid ayaa jawaab ka bixiyey hadaladii shalay ay saxaafada soo bandhigtay, ayadoo ay dadka qaarkiis si weyn uga xumaadeen in Wasiirka uu ku dhawaaqo in la tirtiro xuduudaha u dhaxeeya dalalka Somaliya iyo Kenya.

 

Dhinaca Dowlada Federaalka ayaa hadaladii Xussen Caydiid iska fogeysay, ayadoo Afhayeenka DFKMG C/raxmaan Diinaari ku tilmaamay fikir shaqsi inuu ahaa hadaladii Xussen Caydiid.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenka DFKMG oo hadalo shaqsi ku tilmaamay warkii kasoo dhacay Xussen Caydiid

Last Updated::2007-01-03 13:19:33

 

Muqdisho:- Afhayeenka Dowlada Federaalka Somaliya, C/raxmaan Diinaari ayaa mar uu saxaafada la hadlay daboolka ka qaaday in aysan dowlada qabin hadaladii Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

24kii saac ee lasoo dhaafay ayey shacabka Soomaaliyeed si weyn u hadal hayeen hadalo kasoo dhacay Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Ra'iisul Wasaare kuxigeena Mr.Xusen Maxamed Caydiid oo sheegay in la isku darayo dalalka Somaliya iyo Itoobiya.

 

Xussen Caydiid ayaa mar uu shalay la kulmayey Oday dhaqameedyo ku sugan Muqdisho sheegay in dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya yihiin kuwo walaalo ah isla markaana uu ka dhaxeeyo xuduud dheer, taasi oo uu sheegay in ay hada doonayaan in ay baabi'iyaan, si ay labada dal u yeeshaan hal Baasaboor, hal dhaqaale iyo ciidan.

 

Hadaladan ayaa buuq weyn abuuray ayadoo shacabka Soomaaliyeed intiisa badan ay warkan ku tilmaameen mid aan u cuntami karin.

 

Balse Dowlada Federaalka ayaa hada u muuqata mid iska fogeynaysa hadalada Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Md.Xussen Caydiid.

 

Xussen Caydiid laf ahaantiisa ayaan weli arrintan ka hadlin iyo buuqkii ka dhashay hadaladiisa.

 

Waxaan ayaguna arrinkan weli ka hadlin Madaxweynaha Somaliya oo hada safar ku jooga dalka Kenya, iyo waliba Ra'iisul Wasaaraha Somaliya oo asagu ku sugan caasimada Muqdisho.

 

Afhayeenka Dowlada Federaalka C/raxmaan Diinaari oo u waramay qaar kamid ah saxaafada magaalada Muqdisho ayaa saaka sheegay in warkaasi kasoo baxay Xussen Caydiid uu yahay mid u gaar ah asaga shaqsiyan oo aysan Dowlada Federaalka arrintaasi qabin.

 

Wuxuuna afhayeenka sheegay in wakhtigan aan la joogin xili dalal la isku daro, asagoo sheegay in hawsha u taal ay tahay sidii dowladnimadii somaliya dib loogu soo celin lahaa, balse wuxuu sheegay go'aanada noocaas ah ay u taal shacabka Soomaaliyeed.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diinaari"Xuseen Caydiid figrad isaga u gaar ah ayuu ka hadlay mana ah in xiligaan oo kala laga hadlo arimo Noocaan oo kale ah

Posted to the MOL January 3, 2007, 7:17 am

 

 

Baydhabo:- Afhayeenka dowladda KMG ah ee Somalia C/raxmaan Diinaari ayaa maanta ka jawaabay hadaladii uu RW K/xigeenka dowladda Somaliya ku sheegay in ay mid noqonayaan dowladaha Somaliya iyo itoobiya isagoo hadalkii xuseen Caydiid ku tilmaamay fikir shaqsi oo isaga u gaar ah.

 

C/raxmaan Diinaari ayaa waxa uu sheegay in arinka ku aadan in labada dal ee Somalia iyo ethiopia in la isku daro oo midoobaan ay arin u taal shacabka Somaliyeed ee aysan ahayn siyaasad ay wadato dawlada KMG ahi. Diinaari oo warkaas siiyay idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray Xuseen Ceydiid uu yahay mid isaga u gaar ah dawlada KMG ahna aysan la qabin aragtidiisa qorshahana ugu jirin dawlada KMG inay la midoobaan dawlada Itoobiya.

 

 

Hadalka shalay ka soo yeeray RW K/xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Ceydiid ayaa caro badan ka dhex dhaliyay shacabka Soomaaliyeed oo iyagu dhib badan u soo maray xornimadooda aysan marnaba suurogalayn inay ku darsamaan dal kale.

 

Xuseen Ceydiid oo isagu ah nin dhalin yaro ah oo ku soo koray cariga maraykanka ayaa u arka wax wanaagsan in geeska Afrika yeelato hal wadan sida dawladaha yurub u midoobeen oo kale, aragtidaas oo aan waafaqsanayn tan dadka Somaliyeed oo iyagu baahi weyn u qaba inay mar uun hantaan dawlad xasiloon oo iyagu u madax banaan yihiin.

 

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diinaari"Xuseen Caydiid figrad isaga u gaar ah ayuu ka hadlay mana ah in xiligaan oo kala laga hadlo arimo Noocaan oo kale ah

Posted to the MOL January 3, 2007, 7:17 am

 

 

Baydhabo:- Afhayeenka dowladda KMG ah ee Somalia C/raxmaan Diinaari ayaa maanta ka jawaabay hadaladii uu RW K/xigeenka dowladda Somaliya ku sheegay in ay mid noqonayaan dowladaha Somaliya iyo itoobiya isagoo hadalkii xuseen Caydiid ku tilmaamay fikir shaqsi oo isaga u gaar ah.

 

C/raxmaan Diinaari ayaa waxa uu sheegay in arinka ku aadan in labada dal ee Somalia iyo ethiopia in la isku daro oo midoobaan ay arin u taal shacabka Somaliyeed ee aysan ahayn siyaasad ay wadato dawlada KMG ahi. Diinaari oo warkaas siiyay idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray Xuseen Ceydiid uu yahay mid isaga u gaar ah dawlada KMG ahna aysan la qabin aragtidiisa qorshahana ugu jirin dawlada KMG inay la midoobaan dawlada Itoobiya.

 

 

Hadalka shalay ka soo yeeray RW K/xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Ceydiid ayaa caro badan ka dhex dhaliyay shacabka Soomaaliyeed oo iyagu dhib badan u soo maray xornimadooda aysan marnaba suurogalayn inay ku darsamaan dal kale.

 

Xuseen Ceydiid oo isagu ah nin dhalin yaro ah oo ku soo koray cariga maraykanka ayaa u arka wax wanaagsan in geeska Afrika yeelato hal wadan sida dawladaha yurub u midoobeen oo kale, aragtidaas oo aan waafaqsanayn tan dadka Somaliyeed oo iyagu baahi weyn u qaba inay mar uun hantaan dawlad xasiloon oo iyagu u madax banaan yihiin.

 

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Supporting website Waagacusub.com gives his side of the story.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia,Inj Xuseen Max'ed Ceydiid oo Maanta sheegay in si Qaldan loo fahmay hadalkiisii Xalay.

 

 

Muqdisho ,Arbaco ,January, 03, 2007 Waaga Cusub

 

 

Ra'isulwasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia ayaa Sheegay in hadalkii shalay uusan aheyn sida ay Dad badan u fahmeen.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda KMG ah ee Somalia, Inj Xuseen Max'ed Ceydiid ayaa Maanta sheegay in si Qaldan loo fahmay hadalkii uu sheegay Shalay ee ahaa in la Baabi'iyo Xuduudaha Somalia iyo Ethiopia, midna laga dhigo Baasaboorada labada dal. Hadalkaan ayuu Maanta ka sheegay kulan uu ku qabtey Magaalada Muqidsho.

 

Isagoo ka Hadlay kulan ay ka Qeyb qaateen Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda ayaa waxa uu tilmaamay in Xuduuda la Baabi'inayo uusan ula jeedin in Somalia lagu darayo Ethiopia, balse uu ula jeeday in la Abuuro kalsooni cusub oo dhex marta labada Shacab ee Somalia iyo Ethiopia.

 

Dhinaca Baasaboorka ayuu sheegay in aysan aheyn in la qaadanayo baasaboor Ethiopian ah, laakiin ay tahay in la yeelan karo mid mideysan sida Dalalka Yurub.

 

Waxa uu ku eedeeyay saxaafadda in ay u fasirteen hadalkiisa si qaldan, isagoo ugu baaqay in ay ilaaliyaan wax kasta oo keeni kara khilaaf.

 

Waxa uu Wasiirku Qeexay in aysan Isaga Marnaba ka Suuroobin in uu Yiraahdo Soomaaliya Gumeysi Halagu Celiyo Taa Qofkii ku Fakirana Waa Maan Gaab ayuu Yiri Inj Xuseen.

 

Dhinaca kale hadalkaan ayaa waxaa Kahadlay qaybo kala duwan Ee Bulshada Iyadoo Maantay Kulan ay Qabteen Bulshada Rayidkaa ay sheegen in ay tahay wax laga xumaado tahay war Nuucaas ah In uu ka soo yeero Masuul Katirsan Dowladda FKMGS.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuseen Ceydiid oo si weyn uga gilgishay hadal uu shalay jeediyey oo ahaa in la baabi’inayo xuduudaha Somalia iyo Itoobiya

 

R/wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha gudaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Ing Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ka noqday warkii uu shalay bixiyey ee Saxaafadu qaadatay.

Warkaas waxa uu Xuseen Ceydiid ku tilmaamay in uu ahaa mid si qaldan loo tarjumay ama loo dhigay, isagana uusan ujeedo weyn ka laheyn, waxa uuna ku celceliyey in uu ka xun yahay hadalkaasi uu shalay jeediyey iyo sida loo dhigay, waxa uuna ka bixiyey cudur daar.

 

Hadalkan beeninta ah ee ka soo baxay Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid ayaa ku soo beegmay xili dad badan ay caro xoog leh ay ka qaadeen khudbad uu shalay jeediyey ee la xiriirtay in la baabi’in doono Xuudada u dhaxeysa Somalia iyo Itoobiya, isla markaana Hal maamul iyo hal amaan la sameynayo, maadaama sida uu sheegay, labada shacab ay yihiin kuwo walaalo ah isla markaana ay ka dhaxeyso waxyaabo badan.

 

Xuseen Ceydiid ayaa tusaale u soo qaatay Cadowtinimada ka dhaxeysay jarmal iyo Faransiiska, haatana ku bahoobay Midowga Yurub, waxa uuna sheegay Itoobiya in ay walaalo la yihiin Umada soomaaliyeed loona baahan yahay in lala shaqeeyo ciidamadooda dalka soo galay.

 

Hadalkan ayaa sidoo kale ku beegmay xili ciidamada dalkaasi Itoobiya ay si cad ugu jiraan gudaha Dalka Soomaaliya , dadbadana ay soo dhaweeyeen kuwo kale oo ka sii badana ay ka xumaadeen isla markaana si weyn uga carooday, iyada oo hadalkii xalay illaa saakay warbaahintu baahineysayna ay xasaasiyad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this