Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf we will talk with everyone except Al-Shabaab

Recommended Posts

Madaxweyne Yuusuf “Alshabaab waa argagixiso wax wada hadal ahna lama galeyno”.

 

Madaxweeynaha Jamhuuriyada federalka Soomaaliyeed Mudane cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa caawa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya aanay qorshaha ugu jirin wada hadal in ay la gasho argagixisada caalamiga ah ee AL shabaab,waxaase uu sheegay in albaabka wada hadalku uu u furanyahay dhinacyada kale oo dhan.

 

Madaxweeynaha Jamhuuriyada federalka Soomaaliyeed Mudane cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa caawa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya aanay qorshaha ugu jirin wada hadal in ay la gasho argagixisada caalamiga ah ee AL shabaab,waxaase uu sheegay in albaabka wada hadalku uu u furanyahay dhinacyada kale oo dhan.

 

“Al Shabaab waa argagixiso caalami ah dowladuna wax wada hadal ah lama galeyso,sababtoo ah AL shabab waa urur argagixiso oo caalami ah”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Yuusuf oo caawa wareysi siiyay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga.

 

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa sheegay in sadexa jago ee ugu sareysa dowladda Soomaaliya aanay ku jirin xilalka ay suura galka tahay in la siiyo xubnaha mucaradka hadii ay ogolaadaan dowladda in ay kusoo biiraan.

 

“Madaxweynuhu waxaa uu ku yimid doorasho,guddoomiyaha baarlamankuna sidoo kale,ra’isul wasaaruhuna waxaa uu ku bireysanyahay madaxweynaha,sidaa daraadeed sadexdaa jago waa lama taabtaan”ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in dowladdu aanay sadexdaa jago ku koobnayn oo meelo kale loo helayo.

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yusuf oo gaarey New York

15 Apr 15, 2008 - 11:26:34 AM

 

Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf Axmad iyo wafti uu hogamaaniyo ayaa socdaal ku tagey magaalada New York ee wadanka Mareykanka.

 

Xarunta QM ee New York ayaa waxaa ka dhacaya Labo kulan oo balaaran kaas oo kan hore oo maalinta berri ah furmaya looga hadli doono sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka u dhexeeya qaarada Africa iyo golaha amaanka.

 

Shirka Labaad oo [17 April,2008] la qabanayo ayaa waxaa looga hadli doonaa wadamada dhibaatooyinka ka taagan yihiin sida Sudan, Chad iyo Somalia.

 

Dowlada South Africa oo shir gudoomin doonta shirarkaan ayaa ku dadaaleysa sidii wax looga qaban lahaa colaadaha daahdey ee wadamada Africa gaar ahaan Somalia.

 

South Africa ayaa hordhigi doonta golaha amaanka hindise ah in Somalia la geeyo ciidamo gaaraya 28,000 iyo in hay'adaha samafalka ah ee ku sugan Nairobi la soo dajiyo wadanka dagaalada ragaadiyeen.

 

Dhinaca kale Madaxweyne Yusuf oo wariye ka tirsan Idaacada BBC wax ka waydiisay wadahadalada u dhexeeya DFKMG ah iyo kooxaha mucaaradka ah gaar ahaan jaanibka Asmara ayaa sheegey wadaxaajood la galaa aysan ku jirin xilka Madaxweynaha. Ra'isal Wasaaraha iyo tan Gudoomiyaha Barlamanka.

 

Madaxweynaha Somalia ayaa mar kale ku celiyey in aan wax hadal ah lala gali doonin kooxaha Al-shabaab kuwaas oo uu ku tilmaamey xag jiriin.

 

Garowe Online+Wakaaladaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Al Shabaab waa argagixiso caalami ah dowladuna wax wada hadal ah lama galeyso,sababtoo ah AL shabab waa urur argagixiso oo caalami ah”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Yuusuf oo caawa wareysi siiyay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga.

maxaa argagaxiso laga wadaa?(gangsta in somali?)

 

Adeerka talks as thought hadalkiisa actually matters. He should be thankful when/if anyone wants to get into a dialog with him and his phony government, instead of beheading him or blowing his aging body to pieces. ;););)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Terrorist dear. These clowns just murdered school teachers in Beledweyne.

 

Al-Shabaab are clowns more clever than the clan war cheifs in Asmara and Ahmed Diriye group but never the less part of the clown courts movement.

Share this post


Link to post
Share on other sites

New York: Madaxweyne Yuusuf oo ka hadlay Dibu heshiisiinta & La hadalka Al-Shabaab.

16. april 2008

 

New York(AllPuntland)- Madaxweynaha Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed oo ka hadlayay Magaalada New York ayaa sheegay in ay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya wada hadalo Dibu heshiisiineed la yeelan doonto Kooxaha Mucaaradkaa ee ka soo horjeeda.

 

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in ay Mucaaradku wajiyo badan leeyihiin ,isagoo farta ku fiiqay Kooxaha Jooga Magaalada Asmara oo uu sheegay in ay dawladda Soomaaliya la hadli karto.

 

Md. Yuusuf oo la weydiiyey la xaajoodka Kooxda Al-Shabaab ayuu sheegay in aysan wanaagsaneyn in ay Kooxdaasi la hadlaan ,wuxuuna ku tilmaamay koox aduunka looga aqoonsan yahay Al-Qaacidada Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay in Isaga & Raysalwasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen udhaxeeyo Khilaaf ku aadan arimaha Dibu heshiisiinta ,isagoo ku nuux-nuuxsaday aysanba jirin wax khilaaf gabi ahaanba.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa cadeeyey in uu doonayo Soomaaliya oo nabad ka dhacda ,ayna dawladda Soomaaliyaba Magaceedu yahay dawladda Dibu heshiisiinta Soomaaliyeed sida ku qoran Axdiga dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Mudane Yuusuf ayaa sheegay in aysan ,waxyaabaha laga wada hadlayo oo ay ka wada xaajoonayaan Mucaaradka & Dawladdu ku jirin Xilalka dawladda Soomaaliya ee ugu sareeya gaar ahaana Madaxweynaha ,Raysalwasaaraha & Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Warkan ka soo yeeray Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya ayadoo Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya ,ay ka soo dageen Mawqifyo fog oo ay joogeen ayna ka tanaasuleen Sharuud ahayd in aysan wada hadal yeeleyn ilaa Itoobiya ka baxdo Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. They do, those who once attacked him and then ran to Asmara recently housed in Djibouti, he is ready for serious talks. But wont climb down to clan factions and terror groups.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Those school teachers where spreading Christianity so they where fighting in the name of there lord qaatiiluna fii sabilalahi bi an wala hum bi an fuzakum

Share this post


Link to post
Share on other sites

tfg and their clan cheerleaders...so cluless!! dontchya remember that the condition that u gotta sit with them is to first throw amxaaros n the tfg traitors!!

 

listen carefully. they might be the small axe.. bu they can cut down the big tree.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this