Sign in to follow this  
Xoogsade

Warlord Inc, The TFG, Admit Defeat

Recommended Posts

Xoogsade   

Dowlada KMG ah oo qiratey in khasaarooyin ka soo gaareen weeraradii ugu danbeeyay ee ay la beegsadeen Xoogaga ka soo horjeeda.

 

Beerdhiga 14.04.2008 14:43

 

Dowlada KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ayaa intii muddo ah markii ugu horeysay waxa ay qiratey in weeraradii iyo qaraxyadii ugu danbeeyay ee xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed la beegsadaan fariisimada ciidamdooda ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa sheegtey in ay ka soo gaareen khasaarooyin badan oo naf iyo maalba leh

 

Sida uu maanta ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtey magaalada Muqdisho afahayeenka ciidanka booliska DKMG ah, C/Laahi Ibraahim Shaac Shaac, waxa uu qirey in ay jiraan khasaarooyin kala duwan oo soo gaarey ciidamadooda, ka dib markii sida uu sheegay ay kordheen weerarada ka dhanka ah ciidamadooda ee Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed la beegsadaan saldhigyada iyo fariisimada ciidankoodu ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada.

 

Waxa uu intaa ku darey C/Laahi Shaac Shaac, in ay jiraan fariisimo badan oo ciidankooda la gala wareegay intii isbuucan gudihiisa, sidoo kalena la gala wareegay gaadiid dagaal iyo hanti kale oo badan.isaga oo intaa ku darey in Xoogaga ka soo horjeeda joogitaanka ciidanka Gumeysiga Itoobiya iyo siyaadada DKMG ah ay sii xoogeysanayaan dhaq dhaqaaqyada kala duwan ee ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

 

shirka jaraa’id ee maanta uu magaalada Muqdisho ku qabtey Shaac Shaac, waxa uu sidoo kale ka sheegay in khasaarooyin badan ay ka soo gaareen ciidankooda, weeraradii ugu danbeeyay ee xaley iyo saaka lala beegsadey, Saldhiga Galbeed ee magaalada Muqdisho, Gal Galato oo ah saldhig ciidankoodu ku leeyihiin duleedka magaalada Muqdisho oo looga qaatey ciidankooda gaadiid dagaal, Saldhiga Booliska ee Baladweyne iyo guriga uu magaalada Baladweyne ka degan yihiin Yuusuf Dabageed oo uu sheegay in qaar koodna lagu gubey gaadiid dagaal sidoo kalena qaar kale oo gaadiidka dagaalka la gala wareegay iyada oo sidoo kale laga qaatey hanti lacageed.

 

Shirka jaraa’id ee maanta uu C/Laahi Shaac Shaac ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya iyada oo shaley iyo xaley ay ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka weeraro iyo qaraxyo miino oo lala beegsadey ciidanka Gumeysiga Itoobiya, iyo kuwa dowlada KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya, kuwaas oo ay ka soo gaareen khasaarooyin badan oo naf iyo maalba leh.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this