Kamalu Diin Posted August 27, 2008 Muqdisho 27 Aug 2008 (Allceeldheer) Hal Askari oo ka tirsan ciidamada Alshabaab ayaa ku dhaawacmay iska hor'imaad galabta ka dhacay degmada Ceeldheer kaas oo u dhaxeeyay xoogaga maxkamadaha Islaamiga ah iyo kuwa Alshabaab. Iska hor'imadkan ayaa sida ay ku waramayaan dadka deegaanku waxa uu ka dhashay gacan ku heeynta Xabsiga degmadaasi oo ay hore u joogeen isaga iyo Sladhiga Booliiskaba Xoogaga maxkamadaha,iyo Alshabaab oo doonaya in ay la wareegaan Xabsiga magaaladaasi. Israsaseeyn socotay daqiiqado kooban oo dhexmartaya labadaasi Ciidan ayaa waxaa ku dhaawacmay mid ka mid ah Ciidamada Alshabaab kaas oo haatan dhaawaciisa lagu daweynayo Cisbitaalka Guud ee Magaaladaasi. Odayaal iyo waxgarad ka tirsan deegaanka ayaa ku howlan sidii loo xalin lahaa khilaafka sababay gacan ka hadalka ee u dhaxeeya labadaasi ciidan,wixii ka danbeeyay markii ay halkaasi ka baxeen maamulkii degmadaasi ayaa waxaa degmada Ceeldheer ku wada sugnaa ciidamo kala taabacsan Alshabab iyo Maxkamadaha Islaamiga ah kuwaasoo magaalada ka deganaa laba dhinac. Xafiiska wararka Allceeldheer.com admin@allceeldheer.com Quote Share this post Link to post Share on other sites