Sign in to follow this  
General Duke

Djibouti: President of Puntland ends successful talks

Recommended Posts

Jabuuti: Madaxweynaha Puntland oo afmeeraya saacadaha nagu soo aadan socdaalkiisa.

23. marts 2009

 

Jabuuti(AllPuntland) - Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo aqalka Madaxtooyada ee Puntland, waxaa saacadaha nagu soo aadan soo afmeeraya booqasho qaadatay 7 in ka badan Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud oo uu ku mariyey dalalka Itoobiya & Jabuuti.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyey wada hadalo dalka Jabuuti kula lahaa madaxda dalkaasi oo uu kala hadlay xaaladaha amaanka, siyaasada, dhaqaalaha & wax-wada qabsiga dhinacyadan, waxaana lasheegay in ay dhamaanba qodobadaasi go'aamo ka gaareen.

 

Faroole wuxuu la kulmay wasiirada dalkaasi qaarkood oo uu kala xaajooday arimaha amaanka iyo burcad Badeeda dhibka ku haya biyaha Soomaaliya, markaasna saameynta weyn ku yeelatay xaalada ganacsi ee dalka Jabuuti, waxa ayna isku afgarteen in dagaal wadajir ah ay dhinacyadu qaadeen ayna bogaadiyaan talaabadii ay QM ciidamo ku keentay biyaha Soomaaliya.

 

Warar madax banaan oo ka soo baxaya Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in uu Maaxweyne Faroole soo xiray booqashadiisa,isla markaasna uu maalinta beri ah ku soo fool leeyahay caasumada Puntland ee Garowe, isagoo markaas ka dib lafilayo in uu la hadlo saxaafada ugana warbixiyo safar uu ku tagay dalka Itoobiya oo aan faahfaahin badan laga heyn.

 

AllPuntland warar si hoose loogu soo gudbiyey ayaa lasheegay in uu sidoo kale Madaxweyne Faroole kula kulmay dalka Jabuuti madax ka tirsan beesha caalamka oo uu kala hadlay xaalka Soomaaliya, waxa ayna si gaar ah iskula soo qaadeen siyaasada Soomaaliya ee markan markii Jabuuti lugu dhisay dawlad loogu magac daray Midnimada Qaran, taaso aan ka farxin dawlad gobaleedka Puntland.

 

" Madaxda uu la kulmay Madaxweynuhu waxa ay naga codsadeen in aan si cadaalad ah utaageerno dawladda Soomaaliya, anuguna mawqifkeena ayaan usheegnay, waxaana usheegnay in magaca dawladda Soomaaliya loo daayo oo laga tago waxa lugu sheegay Midnimo Qaran, waayo mahan Midnimo qaran" Ayuu yiri masuul sare oo la socda Madaxweyne Faroole.

 

Madaxweynaha Puntland maalmihii uu joogay Jabuuti wuxuu si toos ah uweeraray dawladda Soomaaliya, isagoo sheegay in hadii wax laga badalao axdiga udagsan dawladda Soomaaliya ay go'aan cad ka qaadan doonaan, wuxuuna ugu yeeray QM, Midowga Yurub & Midowga Africa in ay ka fiirsadaan talaabooyinka ay wadaan ee ku aadan arimahaasi, mar uu ka hadlay ku dhaqanka Shareecada Islaamkana wuxuu xaqiijiyey in Soomaaliya 100% islaam tahay ayna jirin cid cusub oo diinta la barayo.

 

Booqashada Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ku tagay dalalka Itoobiya & Jabuuti waa tii ugu horeysay, waxaana lafilayaa inuu dhawaan ku soo laabto Caasumada Puntland ee Garowe oo uu ka bilaabo howlaha horyaala dawladiisa.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this