Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Banaadir: Islamic Administration brokers peace agreement ending 16 year clan feud

Recommended Posts

Al-shabaab oo Beelaha Wacbuudhan Abgáal & Murursade heshiis dhex dhigay

 

Kulan Wilaayada Gobolka Banaadir ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin soo agaasimtay kana dhacey shaley Magaalada Muqdisho ayaa heshiis rasmiya lagu kala dhex dhigay labo Beelood oo walaalo oo horey diriri u dhex martey.

Beelaha Wacbuudhan Abgáal iyo Murursade ayaa shaley Xarakada Al-shabaab, heshiis rasmiya dhex dhigtay kuwaas oo horey dagaalo dhibaatooyin badan ka dhasheen dhex mareen, waxayna dirirtoodu soo jiitamaysay muddo 16 sano ah.

Shirka balaaran oo labadan beelood lagu heshiinayay, waxaa ka soo qeyb galey Mas’uuliyiin ka mida Xarakada Al-shabaab oo ay ka mid yihiin, Waaliga Gobolka Banaadir, Sh Cali Maxamed Xuseen & Afhayeenka Xarakada Sh Cali Dheere.

Waaliga Al-shabaab ee Gobolka Banaadir, Sh Cali oo goobta ka Hadley waxa uu sheegay, Ujeedka Maamulkoodu u taagan yahey inay qeyb ka tahey dhex-dhexaadinta dadka Walaalaha ee is haya, si nabad iyo degenaansho taama ugu naaloodaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay horey heshiisyo dhowra u soo kala dhex dhigeen beelo walaalo ah oo horey sidan oo kale diriri u dhex taaley, halkaasna ay ka sii wadayaan.

Sh Cali ayaa labadan beelood kula dardaarey inay xajiyaan heshiiska ay isla gaareen, ogaadaan waxay ku heshiiyeen inay tahey fulinta Shareecada Islaamka, iyaguna dhankooda u taagan yihiin ilaalinteeda iyo fulinteeda.

Wax garad badan oo ka mida labada beelood ee Walaalaha ah ee heshiiska la dhex dhigay ayaa sidoo kale goobta ku sugnaa kuwaas oo sheegay inay aad u soo dhaweynayaan heshiiskan, sidoo kalena dadajinayaan dhaqan gelintiisa.

Waxay sidoo kale sheegeen in wixiii isugu dhiman loo saarey gudiyo soo dhameeya, lana shaqeynayaan si howlaha u yaala ugu fududaadaan.

Maaha markii ugu horeysay oo Xoogaga Islaamiyiinta ah ee inta badan Gobolada Koonfureed gacanta ku hayaan sidan oo kale heshiisyo rasmiya u dhex dhigaan Beelo Walaalo ah oo horey diriri ugu dhaxeysay, oo ay ka dhashaan wada degenaansho iyo Nabad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this