Siciid1986 Posted October 2, 2009 Hargeysa (Somaliland.Org)- Saddex Farsamo-yaqaan oo reer Somaliland ah, ayaa markii u horeysay hindisay farsamo guud ahaan ku cusub dalka. Farsamoyaqaanadan oo magacyadoodu kala yihiin; Maxamuud Cabdi Barkhadle, Siciid Cabdi Jiidhe iyo Cabdi Faarax Iidaan, waxay ikhtiraaceen inay Diyaarad sameeyaan, taasoo ay haatan ku sameeyaan guri Hargeysa ku yaala. Haddaba, Wargeyska Ogaal ayaa mid ka mid ah saddexda nin ee hindisay qorshahan oo ah kii u horrreeyay ee fikirkan keenay, laguna magacaabo Siciid Cabdi Jiidhe, wax ka waydiiyay arrimahan. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan; S: Arrintani goorma ayay idinku dhalatay? J: Arrintani waa ikhtiraacii u horeeyay ee noociisa ah ee ka hirgala dalka Jamhuuriyadda Somaliland, hindisihiisuna wuxuu ahaa 10/11/2006, waqtigaas oo ahaa hawlgalkii u horeeyay. Sidaa darteed, waxaan jeclahay in aan yara guudmaro maraaxilkii iyo waayihii ay hawshani soo martay, iyadoo lahayd ujeedo iyo go’aan adag oo aanu u qaadanay, una samraynay duruufihii iyo waayihii nagaga imanayay mushtamacii aanu ku dhex noolayn laftiisa, taasoo ku talogalkeeda iyo mustaqbal ahaan himilada aanu higsanayno iyo waxa aanu doonayno inay noqoto haddii Illaahay noo qadaro. Waxa weeye; ikhtiraacan waxaan ugu talogalay inuu noqdo Dab-demiska magaalada, sababtoo ah waad ogtahayoo haatan guryuhu (Hargeysa) aad bay u gubtaan, taasoo aanaan kaga baayac-mushtaraynayn . S: Markaa Diyaaraddan waxaad ugu talogasheen inay Dab-demis u noqoto Hargeysa miyaa? J: Haa. Waa Helikobter (Helicopter waa diyaaraddaha qumaatiga u kaca), waxaananu ugu talogalay Dab-demis ahaan, sababtuna waa gubashadan magaaladeenan hada ku badan. S: Haddaad sii faahfaahiso, maxaad is leedahay dhibaatada Dabku ku hayo Hargeysa way ka qaban kartaa, haddiiba qorshihiinani idiin hirgalo? J: Waxay ka qaban kartaa adeegii bay fududaynaysaa. Haddii maanta la helo gaadiid Dab-demis ah oo tusaale ahaan la dhigo Saldhigyada oo kale, dee xaafaddaha ka durugsan gaadhigu hore uma gaadhi karayo, Dabkiina wuxuu u baahayaa si dhib yar oo waqti daqiiqado ah buu ku baahayaa, iyadoo uu galaafan karoba qoysas dhan. S: Idinka hawshan yaa gacan idinka siiyay ee wax idinkala qabtay? J: Dhaqaalaha ku baxay cid wax nagala qabatay ma jirto. Waxa weeye; dhaqaalaha annaguun baa isu gaynay oo yabyabaynay hadday Bir tahay, kharash wuxuu ku baxayo tahay iyo haddii Toorno waxay ku baxayso tahayba waqtiyadaa hore. Waqtigaa hore ilaa maantana dhaqaaluhu aad buu u badan galay (hawsha galay), marka loo eego duruuftayada, waayahayaga iyo annaga shaqadayada. Culayskaa dhaqaaluhuna wuxuu ku dhacay anigoo Siciid Cabdi Jiidhe, Cabdi Faarax Iidaan oo muhindiskii labaad ah iyo Maxamuud Cabdi. S: Ikhtiraaciina Diyaaraddan dawladda mala socod siiseen? J: Dawladda waanu ogaysiinay, waxaanan u tegay Warancadde – Wasiirka Duulista Hawada oo ah qof aad u dadnimo badan. Waxaan u tegay 17/7/2008, waqtigaa aan u tegayna umaan kaxaysan cid muctarif ah ama aad is odhan karto Siciid way ka miisaan wayn tahayoo, ay isaga (Wasiirka) is fahmi karayaan ama ay aqoon isu leeyihiin oo isku kaayo xidhi karta. Laakiin, waqtigaa waxaan sitay oo keliya warqad keliya oo uu plan-ka (qorshaha) uu ku sawiran yahay ikhtiraacani, dabadeedna markii aan ula tegay wuxu i waydiistay, ‘ma soo arki karaa’. Runtii su’aashaasi waxay igu ahayd wax aad u qiimo wayn, waayo sannadahaa aan soo socday cid keliya oo ka garawda ikhtiraacani may jirin, isaguna (Cali M. Warancadde) si dhib yar ayuu ii yidhi, ‘ma soo arki karaa’. Markaa, Mudane Warancadde uu I raacay subaxaas, waxaanan dul keenay ikhtiraacan, wuxuuna ii balanqaaday inuu wax igala qaban doono. Waqtigaa ujeedadaydu may ahayn hanti iyo dhaqaale ku baxaya inaan ka codsado, balse waxaan ka codsaday oo keliya waraaqdii ogolaanshaha ikhtiraacan, si aanay dawladda ama mushtaca wadanka ku nooli si kale ugu arkin. S: Dhinaca bulshda maxaa idinkaga yimi? J: Horta, bulshadu way wanaagsan tahayoo inta badan way ducaynaysay, laakiin kuwa wax nagaga yimaadeen waa kuwa aanu Birta wadaagno oo intooda badan aad noo dhaliilayay oo lahaa, ‘waa niman waallan’, iyadoo aanaan garawshiiyo iyo garasho midna aanaan ka haysan. S: Bahashan aad hindisteen ee aad ag fadhidaan ma istaadhantaa, waxaan ku arkayaa Mishiin dhex yaala’e? J: Haa – imika way istaadhmi karaysaa oo way istaadhantaa, waananu istaadhnaa. Imika waxa weeye, jewigii koowaad ee hawsha ee ahaa istaadhkeeda, miisaankeeda iyo qaybta wareega baalasheeda ayaa soo gebogaboobay. S: Markaa maxaa ka dhiman? J: Imika waxa ka dhiman oo keliya adkaynteedii iyo dhamaystirka Tower-keedii oo aanu is leenahay haddii ALLE qadaro todobaadkan aad gudogashaan. S: Siciid, maxay tahay rejada aad ka qabtaan inaad ikhtiraaciinan ku guulaysataan oo ay noqoto diyaarad caadi ah? J: Rejadu aad bay u wanaagsan tahay, yididiilo wanaagsana waanu ku qabnaa. S: Saddexdiinuba ma Farsamo-yaqaaniin reer Hargeysa ah baad tihiin? J: Haa, saddexdayaduba Farsamo-yaqaaniin reer Hargeysa ah baanu nahay. S: Ugu dambayntii, ma jirtaa cid aad wax ka codsan lahaydeen? J: Waxaad arki karaysaa goobtani inay tahay xaafad aad cidhiidhi u ah, iyadoo aanu karayno in aanu hay’addaha arrintan la kaashano, haddana waxaanu ka doorbidnay in hoygii ay lahayd Illaahay idamkii aanu ku hoyn doono, iyadoo uu weliba wadahadalku noo socdo Wasiirka. Laakiin, imika fursadan waxaan uga faa’iidaysanayaa oo keliya, mushtamacan xaafadda ku soo xoomaya inta badan ee goobtan imanayaa inay rabshada naga yareeyaan, sababtoo dad badan oo aan xaafaddahanba degenayn baa meelo kale ka yimi oo nagu soo ururay, markii qof arkana wuxuu soo kaxaynayaa ilaa shan qof oo kale. Taasina waxay carqalad ku noqotay shaqadii oo aanaan ka wadi karayn dadka buuqoodii iyo su’aashoodii oo aad u tiro badan. Sidaa darteed, waxaan ka codsanayaa inay culayska naga daayaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted October 2, 2009 war ninku tie dheeraa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdulladiif Al-Fiqih Posted October 2, 2009 ^Bog-cawro aa kaagga daran. Sidaasey reer awoowgey ilbaxnimo kusheegtaan lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted October 2, 2009 Iga walle tani waa tii "border"ka lagu soo xidhi lahaa. Lockheed Martin got nothing on these guys!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted October 2, 2009 Puntland feejignoow cirkaa la idinka duqeeni Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 3, 2009 Garabaatiga i dilay. Waaba xataa gadis gadis. Indho adeygnimo iyo Soomaali... Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted October 3, 2009 loooooooooooool...qo sol badanaa naftaa last minute ayuu tie isku xidhay. Laakin keep up the good work guys. I hope they finish what they started. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Poker Posted October 3, 2009 Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiy aar: Garabaatiga i dilay. Waaba xataa gadis gadis. Indho adeygnimo iyo Soomaali... Unlike you..wax bay hindiseen. Maxaa Indha adayga keenay markaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 3, 2009 And taas yaa diiday? Haddee hindiseen iyo haddee hindishoodeenba qof u diidan maleh. Garabaatiga in xoog xoog la iskugu xiro ma'aha, taasna ka hadlaaye. That is my opinion. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Poker Posted October 3, 2009 I heard you man. But can i ask you something? What is garabaati? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted October 3, 2009 looooooooooooooooooo oooooool@tie-dheeraa and bog-cawro! Abdilatif got it! waa saa uun reer-abtigaa! As to their work, waa Abu-musbaar from Awadaay invention. Mirqaankaa tusay! Abdilatif, do you know this gabay from dhagaxbuur? "Mirqaan nacay hadii uu Siciid Miig ku kicin waayey" Finally, someone is about to do just that! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 3, 2009 ^Looool@miig ku kicin waayey. 3dii kicin lahayd wa kuwaa. Waxaan ku sii qosley bog-cowro iyo xiin's 'war ninku tie dheeree'. hard to go back to look again. Xiin inuu anti-Somaliland yahay, horumarka muu arko intuu tie-ga noo tilmaamayo? Quote Share this post Link to post Share on other sites
djibsomali Posted October 3, 2009 Wallahi this made me laugh all night last night. but then felt sorry for the guys hard work. Again today i cannot withhold my amusement about that tie and the mirqaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted October 3, 2009 Come'on guys, don't be haters, it doesn't take long to build a helicopter once you have the necessary equipments, in this case, second hand equiupments from cars and trucks, which is fine. But would have being better if they have a prototype, again, this may not be da case for them, as they say, they only have the plan in theory, so they may not have the prototype version. And the men are muhandisiin, as in engineers, so they know their physics and maths requirements in this field, otherwise, they wouldn't have gone into this field. It is possible to build a helicopter, in this case, they are starting from scratch, but you can buy the components from world markets and build one helicopter in less than a month. Quote Share this post Link to post Share on other sites