Sign in to follow this  
Cowke

Minister of Planning and International Co-operation Meets UK Diaspora. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

xiriirka-caalamiga-ah-300x225.jpg

 

Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cabdulqadir Haashi oo London kula kulmey Wasaarada Arimaha Dibada UK iyo Jaaliyada Puntland

Posted by admin on July 18th, 2010

 

London(Puntlandi.com) Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Qorshaynta Puntland Mudane Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatey jaaliyada Puntland ee UK,Wasiirku wuxuu kulankaa xogwaran u gudbiyey Jaaliyada.

Shirkaa xog waranka ah ka hor wuxuu wasiirku oo ay weheliyaan Mudane Maxamed xasan barre iyo professor Cabdulqaadir Faarax jibriil oo ah xubno ka tirsan qurba joota Puntland ee UK ay kulan looga hadlayey arimaha Puntland ay la qaateen Wasaarada Arimaha Dibada Ingiriiska qaybteeda Xiriirka Caalamiga ah u qaabilsan soomaaliya iyo puntland, halkaas oo lagu lafa guray arimo badan oo muhiim ah, kaas oo ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan iyo is afgarad.

 

Kulankii Soo dhaweynta ahaa ee Wasiirku la qaatey jaaliyada ka dib waxaa cashasharaf loogu sameeyey wasiirka Makhaayad ku taal London, halkaasoo Wasiirku warbixin guud ku siiyey xubno ka tirsan jaaliyada Puntland ee UK, waxayaabihii uu wasiirku ka war bixiyeyna waxaa kamid ahaa xaalada nabadgelyada, horuumarka, midnimada iyo sidii loo hormarinlahaa Dhulkii(Puntland).

Wuxuuna u sheegay in qurbajoogta ay banaan tahay kaalin toodii loona baahanyahay inay wax weyn kaqabtaan dhulka ayna kamidoobaan danta guud, waxaa halkaas goob joog ka ahaa jaaliyadaha Birmingham, Leicester iyo reer London.

Intii lagu guda jirey Cashada waxaa ka hadlay goobtii gudoomiyaha kumeelgaarka ee Puntland Diaspora Forum (PDF) Cabdiweli maxamed gurey iyo Prof.Cabdulqaadir faarx jibriil Waxaa kaloo isna ka hadley iskuxidhaha qurbajoogta UK Maxamed Xasan Barre iyo Cabdixakiin jooje oo metelayey reer Leicester

 

waxaa iyana goobjoog ahaa Liibaan Cali Xirsi iyo Ahmed Cabdalla Tigaana oo kasocdey ururka Horuumarinta Isboortiga iyo Dhaqanka puntland ee UK.

 

Hoos ka daawo Sawirada oo dhan

PICS

 

Puntlandi.com

London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this