Sign in to follow this  
Thankful

Puntland Speaker of Parliament house attacked in Garowe

Recommended Posts

Thankful   

Horseednet

 

Qarax Ka dhacay Magaalada Garoowe

December 20, 2009Waxaa caawa qarax lala beegsadey gaarihga Gudoomiayaha Baarlamaanka Puntland, qaraxa ayaa dhacay caawa fiidkii waxaana uu ka dhacay dhanka galbeedka ee magaalada, garoowe

 

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in dhaawac fudud uu ka soo gaarey Gudoomiyaha iyo laba askeri oo ka mid ahaa ilaaladiisi, ma jirto tafaasiil laga baxshey in cid ku dhimatey iyo in kale, warar aan si rasmi ah loo caddeyn ayaa tibaaxay in dareewalkii gaariga gudoomiyaha uu qaraxa ku dhintey. Qaraxa ayaa ahaa mid laga maqlaayey guud ahaan magaalada aadna u xoogbadan.

 

Waa qaraxii u horeeyay oo noociisa oo kale ah oo ka dhacay magaalada Garoowe, waxa ay arintaani qayb ka tahay qaraxyo sil silad ahaa ee lala beegsanaayey goobaha amaanka iyo ciidanka amaanka ee Puntland.

 

Waa masuulkii u sareeyey ee qarax caynkan oo kale ah lala beegsado, arintan ayaa ah fariintii u danbeysey ee ay dirayaan kooxaha amaandarada ka wada Puntland, taas oo ay ku muujinayaan sida ay u bartilmaameedsan karaan qofkey doonaan, waxaana la dhawrayaa talabaada ku aadan ee Dawladdu qaado

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

all puntland

 

WAR DEG DEG AH: Qarax ka dhacay Caasumada Puntland.

20. december 2009

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

WAR DEG DEG AH(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya caasumada Puntland ee Garowe ayaa xaqiijinaya in uu qarax ka dhacay magaaladaasi, isla markaasna lala beegsaday gaariga Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Md, C/rishiid Maxamed Xirsi.

 

Khasaaraha uu geystay qaraxa ayaan tafaasiilaad dheeri ah aan laga heynin, waxaana Saraakiisha amaanka iyo xildhibaanada baarlamaanku ay sheegayaan in aysan jirin cid wax ku noqotey, marka laga reebo shaqsiyaad ay ka soo gaareen dhaawacyo fudud.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka Md, C/rishiid Maxamed Xirsi oo ay isku dayday APL in ay la hadasho ayaysan suuragalin, iyadoo uu hawada ka maqan yahay Telfoonkiisii gacanta, waxaana Mudanayaasha aadka ugu dhaw gudoomiyaha ay xaqiijiyeen in uu bad qabo oo aysan waxba ka gaarin weerarkaasi lala beegsaday, waxaana socda baaritaano adag oo ay wadaan ciidamada amaanka, iyadoo aad loo adkeeyey amaanka guriga Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland.

 

Saraakiisha dawladda Puntland ee ciidamada ayaa sheegay in ay ciidamadoodu wadaan howlgalo ay ku ogaanayaan qaraxan waxyaabihii uu ka dhashay iyo cidii ka dambeysay sidii gacanta loogu dhigi lahaa.

 

Dad ka soo tagay magaalada oo ku soo dhawaaday goobta ayay ciidamadu isku dayayan in ay hakiyaan, isla markaasna ay ku celinayaan rasaas ay cirka uridayaan, iyadoo isla markiiba ciidan badan ladhigay gudaha goobta ay wax ka dhaceen.

 

Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Puntland ayaa usheegay APL in ay jiraan dhaawacyo sahlan oo soo gaaray shaqsiyaadka aad uga ag dhawaa goobta,warar kala gedisan ayaa ka soo baxaya cida wax ku noqotay qaraxa ayadoo wararku ay sheegayaan in ay wax noqday darawalka gaariga Gudoomiyaha baarlamaanka, inkastoo aan la xaqiijin wararkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this