Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu : Huge weapons find in Italian grave yard

Recommended Posts

Muqdisho: Qabuuraha Talyaaniga oo laga soo faagay hub fara badan.

10. June 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Howlgal ballaaran oo mudo todobaad ah ka soconayey magaalada Muqdisho ayaa maanta howgalkii ugu danbeeyay ciidamada dowladda KMG ay ku soo faageen hub fara badan oo ku aasnaa Qabuuraha Talyaaniga oo maxkamadihii Islaamiga ay burburiyeen kana dhiseen Masjid ka sameysan jiingado, iyadoo qeyb ka mid ah qabuurahaasi tababar lagu siin jiray maliishiyooyinkii Islaamiga ahaa ee Maxkamaddaha.

 

Howlgalkan maanta laga fuliyay xaafadda SOS ayaa waxaa ay ciidamadu galeen qabuuraha Talyaaniga iyadoo ay ka soo faageen hubka noocyadiisa kala duwan iyo miinooyinka qaraxa sameeya, waxaana howlgalkaasi maanta laga fuliyay Qabuuraha Talyaaniga goob joog ahaa Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Qeybdiid, Taliye ku xigeenka ciidamada nabadsugida Nuur Shirbow, Aggaasimaha nabadgelyada gobolka Banaadir Nuur Daqle, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Col. Cali Saciid iyo xubno kale.

 

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay in hubkan laga soo faagay masjid ku dhex yiilay qabuuraha Talyaaniga oo maxkamaduhu dhiseen iyadoo hubkana uu qeyb ka yahay hubkii Maxaakiimtii laga awood roonaaday, wuxuuna sheegay in howlgaladooda ay sii wadi doonaan inta nabadgelyada gobolka ay ka xasileyso.

 

Howlgalada ciidamada dowladda ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku gacan siinaya ciidamada Itoobiya iyadoo mudo todobaad ka badan magaalada laga wado baaritaano guryaha iyo goobaha kale ee laga shaki qabo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this