Sign in to follow this  
General Duke

Riyadh: Saudi king continues support of TFG

Recommended Posts

Riyadh: Boqorka Sucuudi Careebiya oo dhaqaale ku taageeray dawladda Faderaalka ee Soomaaliya,ka dib kulan ka dhacay Magaalada Riyadh.

30. marts 2008

 

Riyadh(AllPuntland)- Boqorka dalka Sucuudiga Careebiya Boqor Cabdalla Inbu Cabdicasiis Al-Sacuudi oo la kulmayay Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in ay dawladda Sucuud Careebiya ku qanacsan tahay dadaalka ay wado dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Boqorka Sucuudiga ayaa mahad celin balaaran udirey Madaxweynaha Soomaaliya & Raysalwasaare Nuur Cadde ,oo uu sheegay in ay yihiin rag siweyn udoonaya in ay Soomaalidu heshiiso.

 

Wakaalada Wararka ee Sucuudiga ayaa sheegtay in dhaqaale lixaad leh ay dawladda Sucuudi Careebiya ugu deeqday dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,kaasoo wax looga qabanayo isku keenida dadka Soomaaliyeed.

 

Raysalwasaare Nuur Cadde ayaa usheegay Wakaalada Wararka ee Sucuudi Careebiya in ay dawladdiisu wado dadaalo ay ku dooneyso in ay Soomaaliya ka dhigto meel nabdoon ,ayna doonayaan in ay la hadlaan cid walboo ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Lama sheegin cadadka dhaqaale ee ay Boqortooyada Sucuudi Careebiya ugu deeqday dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,balse mahan markii ugu horeysay oo ay dawladda Sucuudigu dhaqaale ugu deeqdo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Afhayeenka dawladda Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay in ay udhamaatey Booqashadii Raysalwasaaraha ee Sucuudi Careebiya uuna dhawaan usocdaalayo wadamo kale oo uu kala hadlayo arimaha Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this