Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Qaran Politicians - One More Week

Recommended Posts

Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Go’aamisay in Xabsiga Lagu Sii Hayo Masuuliyiinta Ururka Qaran

 

 

 

Hargeysa(Qaran)-Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa go’aamisay in muddo todoba cisho ah oo kale Xabsiga loogu sii hayo Hogaamiyeyaasha Urur Siyaasadeedka Qaran oo Jeelka Madheera loo taxaabay Sabtidii todobaadkii hore.

 

Garsoore Siciid Yuusuf Cabdi ayaa saxaafada Galabta u sheegay in Gudoomiyaha Qaran Dr Maxamed Cabdi Gaboose Iyo Labadiisa Ku xigeen Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim Maxkamadu ay guda geli doonto dacwadooda shan maalmood ka dib.Garsoorahaasi wax faahfaahin ah kama uu bixin sababta maanta loo horkeeni waayay Maxkamada.

 

Masuuliyiintan ayaa ku eedeaysan inay si sharci darro ah u furteen Urur Siyaasadeed aan sharci ahayn oo sida ay xukuumadu sheegtay ay ku khal-khalinayaan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo hore ugu mudaysnaa inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada Bisha December ee fooda inagu soo haysa.

 

Waxa kale oo lagu eedeeyay inay Gobolada wadanka ka bilaabeen Olale Siyaasadeed oo aanay ruqsad u haysan,halka ay iyaguna si adag u beeniyeen eedaymahaasi,waxana ay ku doodeen in shuruucda iyo Dastuurka Somaliland aanu ka horjoogsanayn inay muwaadiniintu xaq u leeyihiin inay isu abaabuli karaan Ururo Siyaasadeed oo shantii sanadoodba mar la furan karo si ay uga qeyb-galaan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.

Qareenka u doodaya Masuuliyiintaas oo magaciisa la yidhaahdo Ibraahim Iidle saleebaan ayaa Saxaafada Maxaliga ah u sheegay in dib udhiga Maxkamadu aanu ku fadhiyin sharciyad.

 

Xadhiga hoggaamiyeyaasha ururka diwaangelintiisa muranku ka taagan yahay ee Qaran,ayaa fikrado iska soo horjeeda ay ka bixiyeen ra’yul caamka Bulshada Somaliland iyo Xisbiyada Qarankuba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

don't get mad ,,, it is requested by the defendants to postpone until they collect all the necessary evidences and information.

 

RAyaale had nothing to do with it ,,,,,,,,

 

 

Salahudin, you better not talk about males ,,, we not in Mogadishu sxb

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-08-04 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Labada Qareen ee difaacayey gar-sugayaasha Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran,Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan iyo Qareen Cabdiraxmaan Ibraahim Caalin ayaa ku eedeeyey Maxkamada Gobolka inaanay shuruucda, Xeer iyo Dastuurka dalka u yaala ugu dhaqmayn sidii loogu tala-galay oo ay baal-mareyso, isla markaana waxay Xuseen sida uu dhigayo xeerku in Max-buusta kasta oo xidhan la horkeeno Maxkamada horteeda todobadii Cishaba mar taasina aanay dhicin.

Sida waxay Garyaqaanadu ku sheegeen Shirjaraa’id oo ay maanta ku qabteen Xarunta garyaqaanada Somaliland ee Magaalada Hargeysa.

.

Waxa kale oo ay shirkooda jaraa’id ku tilmaameen iyaga oo ah Qareenadii difaacayey loo diiday inay arkaan Masuuliyiintaasi, taas-na ay ku tilmaameen inay Meel ka dhac ku tahay Shuruucda iyo Dasduurka dalkaba oo cadaadis lagu saaaro xadhiga Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran in jeelka lagu hayo oo aanay garanayn waxa keenay inay dib uga dhacdo iyada oo ay maanta ku beegan tahay la horkeeno Maxkamada Horteeda...

 

Qareen Ibraahim Iidle oo ka mid ahaa Qareenada Difaacayey xadhiga Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran oo lagu waday in maanta Maxkamada Gobolka Hargeysa la horkeeno ayaa waxa uu sheegay inay dib-u-dhacday keenistii la horkeeni lahaa Sadexdaa Masuul [Dr. Gaboose, Maxamed Xaashi Cilmi, Jamaal caydiid] Maxkamada Horteeda.

 

“Sida uu sharcigu dhigayo qodobka 47aad faqradiisa 3aad xeerka habka ciqaabta in Todobadii Cishaba maalin la horkeeno [Maxbuuuska] ay haydna in maanta la horkeeno Maxkamaduna ay ku balan-qaaday in maanta la horkeeno, hasayeeshee ay dhacday inaan la horkeenin.” ayuu yidhi Qareen Ibraahim isaga oo sharaxaad ka bixinayey sida uu sharcigu dhigayo in Maxbuuska todobadii Cishaba maalin la horkeeno Maxkamada Horteeda.

 

Ibraahim Iid waxa uu sheegay inanay haynin wax cadeyna oo tilmaamaya waxa dib u dhaca ku keenay in Madaxda Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran la horkeeno Maxkamada. “Iyada oo aanuna haynin qoraal sababaysan oo tilmaamaya sababta keentay dib u dhaca, waayo waa arrin uu sharcigu waajibiyey, Cid alliyo cidda ay ka suurtowdo ama ay halkeeda ay ka timaado inay dib-u-dhacdo talaabo laga qaado, iska daa inay si kale u dhacdo” ayuu yidhi.

 

Qareen Ibraahin Iidle waxa uu tilmaamay inay xaq u leeyihiin maadaama ay yihiin difaacayaasha gar-sugayaasha Urur Siyaasadeedka Qaran in qoraal na-laga siiyo, taasina waxay tilmaamaysaa sida aan sharciga iyo Xeerka ku dhaqankiisa loo ixtiraamayn ee oo mar-walba loo garab marayo.

 

“Xaq ayey u leeyihiin [Madaxda Urur Qaran] in damaanad lagu siidaayo maadaama aanay ku kicin denbiyada oo aan loona haysan, loomana haysto denbiyada uu shacigu diiday in damaanad laga bixiyo” ayuu yidhi Ibraahim Iidle

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Anagoo halkaa ka duuleyna [Qareenada] ayaanu Maxkamada geynay qoraal aanu kaga codsanayno in Muwaadiniiintaa [ururka Qaran] Xoriyadooda damaanad lagu siiyo si ku meel-gaadha, maanta ayuu qoraalkii na soo gaadhay oo na loogu diiday oo la yidhi damaanad la siin maayo”

 

Qareen Cabdiraxmaan Ibraahin Caalin oo is-na ka mid ah difaacayaasha gar-sugayaasha ayaa waxa uu yidhi “Markii aanu ogaanay inaan Maxkamada la horkeenayn [Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran] waxaanu qornay qoraal aanu kaga dalbanayno inaanu aragno Maxaabiistii oo aanu jeelka ugu tagno, si aanu u soo xog-wareysano arrimaha lagu heysto, nasiib darro-se Maxkamadu waxay nagu tidhi uma tagi-kartaan, taasina waxay meelka dhac ayey ku tahay sharciga iyo dastuurka inoo yaala”

 

Waxaanu Cabdiraxmaan tilmaamay inay Maxkamadu u hogaansanaato shuruucda, waayo tiirarkii sadexaad ee dalka oo uu u madax-banaanaado oo aanay cid kale u yeedhin.“Halkaa waxa nooga Muuqanaysaa inay tahay Cadaadis lagu saarayo garsugayaashan sadexda ah [Gaboose, Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid] ee hogaankii Qaran, maadaama oo loo diiday qareenadoodii waxa cad cid kale oo loo ogolaanayo aanay jirinn” ayuu yidhi .

 

“Sidaa darteed waxaanu aad uga xunay Inay Maxkamadu ama Garsoorku ku dhaqmi waayo dastuurkii dalka” ayuu yidhi .Cabdiraxmaan.

 

Madaxda Urur Siyaasadeedka Qaran oo kala ah Gudomiyaha iyo labadiisa gudoomiye kuxigeen Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, MaxamD Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa maalintii sideedaad xadhig rumaan ah ugu xidhan Jeelka Mandheera ee Gobolka Saaxil., isla markaana iyada oo ay hore u sheegtay Maxkamadu in maanta la horkeenayo aan la horkeenin oo loo kordhiyey xadhigoodii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^ What a disgrace!

“Kur-sigan waxa lagu yimi, oo aad adigu [Rayaale] ku timi oo aan anigu ku imi doorasho, sidii taliskii Maxamed Siyaad Bare ku maad qabsan In-qilaab, hadaad in-qilaab ku qabsato waxaanu odhan lahayn Walaahi inqilaab ayuu ku qabsaday, xoog ayuu ku qabsaday kuu rabo ha tuujiyo, kuu rabo ha xidho kuu rabo ha ka riixo”

“Waxaan u maleynayaa [Rayaale] inaan anigu dad kuugu daranay Maadaama aan ku idhi Kel-madaasi” - Xildhinaan Ikraan Xaaji Daa’uud Warsame web page

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^ It's not just about the release, the trend of wrongful arrests has to stop. When Suldaan Cismaan Madar was arrested, the story was "if he's interested in politics he should form an Islamic party". Now the story is forming a fourth party is "illegal and unconstitutional". They can't have their cake and eat it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sul Cismaan was another story niyow .... and for him it is clear that he came against Somaliland and its people by announcing islamic court as he is living in Xamar

 

These guys are again wrong .... if the are sure of themselves they could join one of the existing parties and win the leadership

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this