Cowke Posted October 5, 2009 Soo Dhaweyntii Wafdigii Dowladda Federaalka Soomaaliya Ee Gobolka Minnesota (Daawo Sawirada xafladda) Minneapolis:- Xaflad aad u balaaran oo lagu soo dhaweynayay wafdigii dowladda federaalka Soomaaliyeed oo u hogaaminayay madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta lagu qabtay hoolka weyn ee Jaamacadda Minnesota. Xafladan oo ahayd xafladaha lagu qabto magaalooyinka mataanaha tii ugu weyneyd oo kumanaan dad ah oo ka kala yimi daafaha gobolka Minnesota ka soo qeyb galeen. Xafladan oo mudooyinkan laga hadal hayay guud ahaan magaalooyinka Mataanaha, ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweynta ka qeyb qaatay Senatorka Gobolkan Minnesota Al Franken, Afhayeenadda aqalka Minnesota Margaret Anderson Kelliher, iyo Duqa Magaalada Saint Paul Chris Coleman. Ugu horeyntiiba waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Senator Al Franken oo halkas hadal diiran oo ku soo dhaweynayo madaxweyne sh. Shariif ka jeediyay kuna booriyay Madaxweynaha in uu xaaladda cakiran ee Soomaaliya wax ka qabto sida ugu dhaqsaha una balan qaaday in uu ka dowlad ahaan garab taaganyihiin, waxaa xiga afhayeenadda aqalka Minnesota Margeret oo iyaduna soo dhaweyn diiran u fidisay madaxda DF, waxa markii danbe ka hadlay meesha Duqa magaalada St. Paul chris Coleman oo qudban qiimo leh meesha ka jeediyay. Quote Share this post Link to post Share on other sites