Cowke Posted August 1, 2010 Waxgaradka G/Mudug oo soo dhaweeyay dadaalka Madaxwaynaha G/Mudug ee ku wajahan midaynta Maamulada Xiim iyo xeeb iyo G/Mudug (Garowe) RBC: Waxgaradka ku dhaqan Magalaada Gaalkacyo gaara ahan dhinaca uu ka arimiyo Mamulka G/Mudug ayaa soo dhaweeyay tilaabada uu qorshaynayo Madaxwayanaha MAamulka G/Mudug Max’ed Axmed Caalin,taa oo ku aadan midaynta Maamulada Ximin iyo xeeb iyo G/Mudug. Waxa ay sheegeen in ay soo dhwayanayaan tilabadaa islamarkaana ay tahay mid loo baahnaa in la qaado iyagoo Mr caalin ku bogoodiyay sida looga baahan yahay in uu ku dadaalo sidii deegankiisa hormarkiisa gacan uga gaysan lahaa. Maalintii shalay ayuu shaciyay Madaxwayanah Mamulka G/Mudug Max’ed Axmed Caalin in uu billowday qorshe ay iskugu biirinayaan 2da Maamul ee Gal-mudug iyo Ximin iyo Xeeb. Waxuuna hadlkana ka danbeeyay kidib markii shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Gaal-kacyo, kaga sheegay in booqasho uu dhawaan ku tagay magaalada Cadaado la isku afgartay dhismaha guddi farsamo oo ka shaqeeya sidii la iskugu keeni lahaa aragtiyada labada maamul Max’ed Axmed Caalin, ayaa sheegay in maamulka Gal-mudug uu magacaabay xubnaha guddiga Farsamada,halka dhinaca Ximin iyo Xeebna laga sugayo in ay soo magacaabaan xubnahooda, si degdegana loo billaabo howlaha farsamada ee isku keenida labada Maamul. Max’ed Axmed Caalin ayaa xili uu ka hadlayay dhinaca Maamulka Puntland waxa uu sheegay in Punt-land iyo Gal-mudug aysan dooneyn falal horseedi kara in ay dib u soo laabato amni daradii iyo is-aamin la’aantii dhax taalay labada dhinac. Waxa ay noqonaysaa tilabadii ugu horaysay ee Maamulka G/mudug iyo Xiim iyo Xeeb qadaan hadii ay dhacdo in ay ku guulaystaan isku keenida labad Maamul waxaana haatan socda qorsha la doonayo in lugu mideeyo. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase Quote Share this post Link to post Share on other sites