Sign in to follow this  
Paragon

3 dead: Xerada Manaas ee TFGda iyo Maanta Dagaal Ka Dhacay

Recommended Posts

Paragon   

Somaliwide.Net

Xerada Ciidanka Dowlada KMG Ah Ee Manaas Oo La Sheegayo In Uu Maanta Dagaal Ka Dhacay, Malayshiyadii Joogtayna Ay Kala Yaacday...

 

Baydhaba, 10/29/2006 - Wararka ka imanaya Baydhabo ayaa sheegayo in maanta lagu kala cararay xerada ciidanka dowlada KMG ah ee Manaas oo ku taalay duleedka magaalada Baydhabo.

 

Kala cararka xerada ay ku kala carareen maleeshiyaadkii dowlada KMG ah ayaa waxaa sababay kadib markii maleeshiyaadkii ay ula baxeen qaab qabiil iyadoo halkaasi ay isku rasaaseeyeen maleeshiyadii ka socotay dhanka madaxweynaha iyo kuwa beelaha Digil iyo Mirifle oo ku wada sugnaa xeradan.

 

Isku dhacan ayaa sababay geeri iyo dhaawac, iyadoo maleeshiyaadkii beesha madaxweynaha ay isaga soo baxeen xerada Manaas iyagoo soo gaaray magaalada Baydhabo, halka kuwii Digil iyo Mirifle ay xerada guleedkeeda dufaac ka galeen.

 

Madaxda sarsare ee dowlada KMG ah ayaa hada ku mashquulsan sidii loo xalin lahaa dhibaatada ka dhacday xeradan oo laga baqayo inay faraha ka baxdo, waxaana lagu wadaa in la is hor fariisiyo labada taliye ee kala hogaaminayey maleeshiyaadkan.

 

Magaalada Baydhabo ayaa waxey ku jiraa fowdo aanan lagaran karin meesha ay ku danbeyneyso, iyadoo walina ay socdaan dhaqdhaqaaqii ciidanka Itoobiyaanka ee magaaladan.

 

Xasan Cali Wehliye

Wabishabeele

Muqdisho

qoraa@hotmail.com

 

Xigasho: wabishabeele.com

 

 

 

Publish Date: 10/29/2006

Last Updated: 10/29/2006

Source: Somaliwide +

 

Shabelle Somalia: Three people die in Baidoa as Sheik Sharif speaks in Bur Hakaba

 

Aweys Osman Yusuf

Mogadishu 29, Oct.06 ( Sh.M.Network) Three people were dead after an exchange of gunshots between Somalia’s federal government forces and residential militias in Manas military camp, on the edge of Baidoa, the government’s temporary base.

 

The exchange of fire happened following a dispute between the government forces and Manas residential militias over “Khat”, narcotic leaves commonly used in Somalia that was brought to the area.

 

Two of the dead were members of militias and the third was a government soldier.

 

About ten battlewagons and number of the government troops have immediately deserted the camp in fear of vengeance attacks from the militias in the residence.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Baydhabo is a no stay zone for the TFG, I will advice them to leave, just for their own safety.

 

Saransoor iyo Xaabsade waa teey isaga baxeen magaalada kaddib markii laga dhaga-fureestay ashtakooyinkoodi ku saabsanaa xasuuqii garoonka ka dhacey.

 

Marka labadan nin waa mintidiin, goortey doonaan ayey weerar ku soo qaadi karaan magaalada, habeen qudcur madoow unbaa ugu daran in Abuunaa Yeey lagala dhax baxo daashkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saxib, no one is leaving Baidoa, everyone seems to have this Idea if we wsih our enemied to lose they will lose.

 

The TFG is going about things as business as usual. Nothing has changed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleshiyaad ku dhintey Manaas

29 Oct 29, 2006, 13:07

 

Xerada Manaas ee duleeka Magaalada Baydhabo ku taala ayna ku xereysan yihiin Ciidamo ka tirsan Dowlada Federalka Somalia ayaa lagu soo waramayaa iney halkaasi isku rasaaseeyeen Maleeshiyo Deegaanka ka soo jeeda.

 

Labada Maleeshiyo ayaa la sheegayaa iney isku qabsadeen Qaad halkaasi la keenay taasina sababtay in 4 ka mid ah Maleshiyaadka Deegaanka ay halkasi ku dhinteen halka qaar kale oo laba garab ka kala tirsan dhaawac culusi uu ka soo gaaray israsaaseyntaasi.

 

Xerada Manaas oo ay ku xareysnaayeen inta badan Maleeshiyaadka Dowlada Federaalka Somalia ee tabarka la siinayo ayaa haatan u muuqata mid faaruq ah oo ay ku xareysan yihiin in ka yar 300 oo Maleeshiyo.

 

Ciidamadii Dowlada Federaalka ee Xerada Manaas ku xereysanayaa ayaa la geeyay Baydhabo si ay uga qayb qataan difaaca magaalada.

 

Cabdi Fatax Axmad, Baydhabo

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

Labada Maleeshiyo ayaa la sheegayaa iney isku qabsadeen Qaad halkaasi la keenay taasina sababtay in 4 ka mid ah Maleshiyaadka Deegaanka ay halkasi ku dhinteen halka qaar kale oo laba garab ka kala tirsan dhaawac culusi uu ka soo gaaray israsaaseyntaasi.

Kuwan ma wax ka suge widayo. Jenerale ada cirka roob ku og saxiibo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this