Sign in to follow this  
General Duke

New PM will talk to anyone who will listen+ update

Recommended Posts

Ra’isul wasaare Nuur Cadde “waxaan doonaynaa in aan qancino qof kasta oo Soomaliyeed,mucaaradkana waa la xaajooneynaa”

 

Ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur xasan Xuseen “Cadde”ayaa shaaca ka qaaday in xukuumada uu soo dhisayo ay wax qabadkeeda siyaasdeed daah fur uga dhigi doonto soo jiidashada shacabka Soomaaliyeed iyo la wada xaajoodka dhamaan dhinacyada diidan dowladda federalka Soomaaliya.

 

“waxaan doonaynaa in aan qancino qof kasta oo Soomaaliyeed, mucaaradkana waa la xaajooneynaa,mel kasta oo ay joogaana waa ugu tagaynaa”ayuu yiri ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Cadde oo caawa la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

 

“Anigu waxaan isku sifeynayaa adeege bulshadeed,sidaa daraadeedna waxaan diyaar u ahay in bulshda aan ugu adeego si ay ku qancaan”ayuu mar kale yiri ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Cadde.

 

Waxaa ra’isul wasaaruhu uu sheegay in uu dadaal aad u weyn ku bixin doono sugida guud ahaan amaanka dalka Soomaaliya si gaar ahna uu wax uga qaban doono xaaladaha cakiran ee Muqdisho ka taagan.

 

“Nabadu waa muhiim,wada xaajoodka nabaduna wa lagama maarmaan,sababtoo ah hadaan la heshiin nabad iyo amaan lama helayo,hadaanu amaan jirina horumar lama gaarayo,sidaa daraadeed ka shaqeynta nabada meel kasta waa u mareynaa”ayuu yirir ra’isulwasaaraha Soomaaliya.

 

 

“Dowladda Soomaaliya waa dowlad dib u heshiisiineed,oo ka tarjumeys ujeedooyinka sahcabka,dib u heshiisiintana waa lagama maarmaan in wax kasta laguy bixiyo”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Cadde oo intaana kusii daray in uu ka shaqeynayo sidii loo heli lahaa xukuumad,baarlamaan iyo sahcab Soomaliyeed oo isku duuban,islamarkaana uu u tagan yahay sidii yoolkaa loo gaari lahaa.

 

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuur Cadde oo kulamo la qaatay xalay m/weynaha & xildhibano

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 23-November-2007

 

Wasiirka koowaad ee golaha wasiirada dowlada KMG ah ee shalay la magacaabay ayaa habeenkii xalay magaalada Baydhaba kulamo kula qaatay madaxweynaha dowlada KMG ah C/laahi Yuusuf iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaalya .

 

Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde) Ra`iusl wasaaraha cusub ee Soomlaiya ayaa ilo ku dhaw kulankii uu la qaatay Yuuusuf waxa ay sheegayaan in madaxweynaha uu kala hadlay dhismaha xukuumada cusub ee laga sugayo Nuur Cadde .

 

Ilo wareedyo aynu ka helnay xubno ku dhaw ka qeyb galayaashii kulanka ayaa bogga Calanka u xaqiijiyay in mudane Yuusuf uu ku adkeeyay Nuur Cadde xulashada rag howlkar ah kana soo bixi kara howsha iyadoo la siiyay talooyin wax ku ool ah .

 

Waxaa kale uu Ra`isul wasaaraha cusub la kulmay xubno ka tirsan baarlamaanka iyadoo kulanka uu la xariiray is barsho kaliya .

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in codka kalsoonida u qaadaan mas`uulkaani oo ay hor yaalaan arimo badan oo u baahan wax ka qabasho xoogan .

 

Maryama Xuseen Axmes

seymuun@hotmail.com

Xafiiska Calanka Ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra`isul Wasaaraha Cusub Oo Xalay Kulamo La Qaatay Madaxweyne Yuusuf

Posted to the MOL November 23, 2007, 5:24 am

 

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in xalay xarunta Madaxtooyada ay kulan wadatashi ah ku yeesheen Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde.

 

Kulanka xalay ayaa warar ku dhow dhow waxay sheegayaan in looga hadlayey howsha ugu horeysa ee hortaala ra'iisal wasaaraha cusub taasi oo ah in uu soo magacaabo dawlad cusub. Madaxweynaha ayaa ra'iisal wasaaraha siiyay talooyin ku aadan dawlada uu soo magacaabi doono. Isagoo sheegay inay wanaagsanaan lahayd in la helo rag leh karti ay ku fulin karaan howlaha dawlada.

 

Ra'iisal wasaaraha cusub ayaa sidoo kale la kulmay xubno ka tirsan baarlamaanka si ay isku bartaan. Waxaana la filayaa in kulanadaas sii socda.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuur Cade oo la kulmaya mucaradka

23 Nov 23, 2007 - 6:21:18 AM

 

DHAGEYSO: Waresiga Ra'isal Wasaaraha cusub

 

Kadib markii Ra'isal Wasarahii hore DFKMG ahee Somalia Cali Maxaamd Geedi iska casiley xilkiisa sadex todobaad ka hor ayaa Madaxweynaha DFKMG ah u magacaabey Nuur Xasan Xuseen"Nuur Cade" in uu noqdo Wasiirka Kowaad ee Somalia.

 

Ra'isal Wasaarha cusub oo Idaacada VOA waydiisay dareenkiisa ayaa sheegey in ku faraxsan yahay magacaabista balse ay tahay mas'uliyad culus isla markaana wadanka Somalia yahay wadan dagaalo sokeeye aafeeyeen taas oo kalsoonida ka qaadey dadka Somalida.

 

 

Ra'isal Wasaaraha cusub

Nuur Cadde oo la waydiiyey mar hadii uu ogyahay in xaaladu adagtahay waxa ku khasbey in xilkan qabto ayaa sheegey in mas'uliyad ka saran tahay wax ka qabashada dhibaatada Somalia.

 

Ra'isal Wasaaraha cusub ayaa sheegey in dowlada KMG ah tahay dowlad dib u heshiisiineed isla markana loo baahan yahay in la so celiyo kalsoonida dadweynaha.

 

"Waxaan ku tirsanaan doona kalsoonida shacabka, dadka mucaaradka ahna waxaan isku dayayaa in aan la kulmo kana qanciyo dhaliisha ay u hayaan dowlada" ayuu yiri Nuur Cadde oo ka hadlayey dib u heshiisiinta.

 

Ra'isal Wasaaraha cusub ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in jawi is aaminaad la abuuro isla markaana ciidamada Ethiopia ay baxayaan kadib markii la helo ciidamo Somaliyed oo hanan kara amaanka dalka.

 

Nuur Cadde ayaa sheegey in rabshadaha ka socda Muqdisho lagu xaliyo wadahadal balse hadii ay taasi suurtoobi weydo meel looga soo wada jeesan doono kuwas rabshada wada.

 

Wasiirka Kowaad ayaa sheegey in uu la kulamayo kooxda Asmara isla markana kala hadli doono waxa la tirsanayo isaga oo sheegey in mucaradka kala qaybsan yahay iyada ay jiraan kuwa awood waybsi raba.

 

Dhinaca kale Mucaaradka Asmara oo wax laga weydiiyey kulanka uu Ra'isal Wasaraha Somalia u soo bandhigey ayaa sheegay in wadanku isticmaar ku jiro islamarkaana ay ka xun yihiin in nuur Cadde uu aqbalo xilka loo magacaabey.

 

Mucaardka Asmara ayaa xusey in albaabkooda ka xireyn wadahadal lakiin raacshay in Ra'isal Wasaaraha cusub lugaha la galey dambiyo dagaal isaga oo aan horey ugu shaqo laheyn waa sida ay hadlka u dhigeen.

 

Kooxda Asmara ayaa xustey in Idaacadaha aan laga wadahadlin balse ay jirto si loo wada xiriiro iyada oo albaabku wadahadal furan yahay.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yusuf iyo ra'isal wasaare Cadde oo ka wada xaajooday arrimaha horyaala dawlada cusub[/bb]

Last Updated::2007-11-23 11:12:38

 

Baydhabo:-Madaxweynaha Somaliya cabdulahi Yusuf Axmed iyo ra'isal wasaraha cusub Nuur Xasan Xuseen"Nuur Cade' ayaa habeenimadii xalay kulan ku dhex maray qasriga madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu soo warramaya in ay diirada ku saareen ---

arrimaha ugu waaweeyn ee la rabo in dawlada cusub ay si dar dar ah ugu talaabsto ,

 

Arrimahan ayaa waxaa la rumaysan yahay in ay ka mid yihiin sidii ay dawlada cusubi ugu guulaysan lahayd in ay waan waan nabadeed ula geli lahayd kooxaha ku kacsan xukuumada

 

Arrintan oo raysal wasaaraha cusubi uu ka san qariyay inuu mudnaanta kowaad siin doono

 

kulankana ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay afhayeenka barlamaanka ,gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo xildhibaano ka tirsan DFKMS

 

C/hi Caaqil

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Kulan xalay Baydhabo ku dhex maray Madaxweynaha, R/Wasaaraha iyo xubno kale

23. November 2007

 

Baydhabo(AllPuntland)- Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in xalay xarunta Madaxtooyada ay kulan wadatashi ah ku yeesheen Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, Xubno ka tirsan labada gole iyo maamulka Gobolka Banaadir.

 

Kulanka xalay ayaa warar ku dhow dhow waxay sheegayaan in looga hadlayey howsha ugu horeysa ee hortaala mas'uuliyiinta Dowladda iyadoo la filayo ayna suurtagal tahay in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu u ambabaxo dalka Ugandha oo uu kaga qeybgalo shirka wadamada Barwaaqo sooranka.

 

Dhinaca kale Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa isna la filayaa inuu aado magaalada Nairobi si uu kulamo ula yeesho Diblumaasiyiinta beesha caalamka oo uu kala soo tashto howlaha u qorsheysan ee ah soo dhisita Golaha Wasiirada iyo codsi uu u jeedinayo in beesha caalamku ay gacan ka geysato wax u qabashada dalka iyo dadka.

 

Kulankan xalay ayaa sidoo kale looga hadlay dhismaha gole cusub oo wax tar leh sida uu sheegay Madaxweyne Yuusuf iyadoo ay dhici karto in qaar ka tirsan golaha wasiirada laga soo magacaabo meel ka baxsan Baarlamaanka.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

RW Cusub oo kulumo Baydhabo ka billaabey

Shabelle airs news in English

Mogadishu 23, Nov. 07 ( Sh.M.Network)-R/Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Somaliya Nuur Xasan Xuseen Cadde ayaa xalay kulamo kula qaatay magaalada Baydhabo madaxweynaha dawladda Federaalka C/laahi Yuusuf Axmed iyo qaar kamid ah xubnaha Golaha baarlamanka Somaliya.

 

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Baydhabo, R/Wasaare Nuur Cadde ayaa kala xaajooday madaxweynaha qaabka uu usoo dhisi doono Xukuumadda Cusub ee iyo sida ay tahay in uu u kala xusho Wasiirada.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa Rw cusub ugu baaqey in uu soo dhiso xukuumad wax tar leh oo ka gudabta waqtiga adag ee haatan lagu jiro.

 

R/Wasaaraha waxaa uu kulamo la yeeshay qaar kamid ah xubnaha Baarlamanka Somaliya iyadoo la tilmaamey in uu kala xaajooday qaabka ay isku baran karaan xildhibaanada Baarlamanka maadaama isaga uu ka yimid banaanka Baarlamanka Somaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo sheegay in uu wada hadal la furayo Mucaaradka Dowladdiisa

 

Jimco, November 23, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo wareysigii ugu horeeyay siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka (VOA) ayaa wuxuu ku sheegay in ay Xukuumaddiisa wada hadal la furi doonto Mucaaradka ka soo horjeeda Dowladdiisa.

 

“Waxaan aad ugu dadaali doonaa in aan Dadka Dowladda Mucaaradka ku ah ka qanciyo waxyaabaha ay Dowladda ku mucaaradsan yihiin, aniga oo baadi-goobaya waxa ay tabanayaan, haddii ay ahaan lahayd in ay dhaliilsan yihiin waxqabadka Dowladda, haddii ay ahaan lahayd in la dhegeysan waayay fikradahooda iyo haddii ay ahaan lahayd in ay awood qeybsi aawgiis wax u mucaaradsan yihiin”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

 

Nuur Cadde waxaa uu sheegay in inta uusan tallaabo qaadin uu doonayo in uu helo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in uu aad u jecel yahay in uu ku tiirsanaado Shacabka Soomaaliyeed.

 

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in uu jagada Ra’iisal Wasaarenimada isu soo sharacay kadib markii uu arkay xaaladda uu dalka Soomaaliya ku sugan yahay, wuxuuna caddeeyay in uu u bareeray qabashada xilkan oo uu gudashadiisa ku tilmaamay waddo qodxo leh oo la marayo, "Haddii qof kasta yiraahdo dhibkan uma bareeri karo oo qof kasta sugo xaalad degan oo yacni muxuu ahaa xasiloon, hadde xaalad noocaas ah ma imaan karto haddii aan dadaal badan loo hurin oo aan loo bareerin dhibaatada jirta"ayuuna yiri Ra'iisal Wasaaraha oo sheegay in uu gudashada xilkiisa u marayo Waddo Nabadgeed.

 

Wuxuu ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan iyo goorta laga maarmi doono, wuxuuna sheegay in cid kasta oo Muqdisho ku sugan looga baahan yahay in ay xalka wax ka raadiso, “Ciidamada Itoobiyaanka waxaa laga maarmi doonaa markii nabadgelyo la abuuro oo Umaddeena is-fahamto oo markaasina Ciidamo aan leenahay aan sameysanno”ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

 

Wareysiga uu VOA-da siiyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu shalay ka sheegay magaalada Baydhabo wax yar kadib markii la magacaabay in marka uu Xukuumaddiisa soo dhiso uu xoogga saari doono Nabadgelyada, Dib-u-heshiisiinta iyo Fududeynta Gargaarka Bani’aadannimada, “Waxaan xoogga saari doonaa Nabadgelyada, Dib-u-heshiisiinta iyo Fududeynta Gargaarka Bani’aadannimada” ayuuna yiri Ra’iisal Wasaaraha.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Nuur Cadde waa Ra’iisal Wasaarihii labaad oo ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya oo seddex sano jirsatay, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisal Wasaarahan uu ka yimid Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya, halka Ra’iisal Wasaarihii hore ee is-casilay Prof. Cali Maxamed Geeddi laga soo magacaabay gudaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this