Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Al Shabaab militia no match for National Somali forces

Recommended Posts

Afhayeenka ciidamada xooga dalka oo sheegay inay qasaaro ba’an gaarsiiyeen kooxo shalay soo weeraray iyo afhayeenka kooxda alshabaab oo arintaas dafiray

Posted to the MOL July 28, 2008, 8:53 am

 

Afhayeenka Ciidamada Mileteriga Dowladda KMG ah ee lagu soo tababaray dalka Itoobiya G/lle Daahir Maxamed Xirsi ayaa sheegay in kooxaha kacdoonka ka wada magaalada muqdishu oo diidan nabad lagu soo dabaalo dalka ay shalay weerar ku soo qaadeen Fariisimo ay Ciidamada Dowladda Federaalka xaruntii Warshadda Baastada. Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in ay kooxdaas weerarka soo qaadeen ciidamada xooga dalku ka dileen 12 nin oo maleeshiyo ah halka ay seddex kalena dhaawac ku qabteen oo ay hadda ku daweynayaan cisbitaal ku yaal isla xeradaas.

 

 

Sarkaalkaan ayaa sheegay in dhincooda uu ka dhaawacmay hal askari oo dhaawiciisu fududyahay. Waxaa warkaas sarkaalkaasi sheegay waxba kama jiraan ku tilmaamay nin u hadlay kooxda Alshabaab oo lagu C/raxiin Ciise Caddow isagoo sheegay inaan cidna dagaalkaasi uga dhiman. Wuxuu qiray in dagaalkaas ay ku dhinteen dad shacab ah.

 

 

Waxaa inta badan caadi u ah kooxda Alshabaab inay iska dhigaan dad shacab ah ayna inkiraan markii qasaare soo gaartay iyagoo inta badan ku eedeeya ciidamada dowlada inay laayeen dad shacab ah.

 

 

Wararka ka imaanaya Muqdishu ayaa sheegaya in ciidamada cusub ee dowlada KMG ah ee Muqdishu dhawaan soo gaaray ay durba wax weyn ka badaleen deganaashaha magaalada. Waxaa la xaqiijiyay dhowr dagaal oo kooxda Alshabaab iyo kooxo kale o ka tirsan mucaaradka dowlada ay ku qaadeen ciidamadaan cusub inay kala kulmeen jab. Waxaana hadda socda qorshe qaar ka mida ciidamadaas loogu kala dirayo gobolada ay ku xoogan yihiin kooxda Alshabaab.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dad maanta laga qab qabtay Maqaayad kutaala degmada Hodan

 

(Muqdisho, Axad,27,Julaay,2008,(Hornafrik Media)

 

Maqaayad kutaala degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah waxa ay ka wateen dhamaan dadkii maqaayadaasi wax ka cunayay kadib markii shaqaaqo dad ku dhaawacmeen ay halkaasi ka dhacday.

 

Amiin Yuusuf Khasaaro oo ka mid ah suxufiyiinta soomaaliyeed oo xiligaasi ku jiray mayaaqada Ciidamada dowladda xooga ku galeen ayaa waxa uu sheegay in dad isagu uu ka mid yahay lagala baxay maqaayada deetana aad loo handaday.

 

Wariyhu waxa uu sheegay in isaga markii la gartay inuu saxafi yahay la sii daayay balse dadkii kale ay wateen ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya lamana oga sababta Ciidamadu dadkaasi u wateen,balse wax yar ka hor intii aysan Ciidamadu falkaasi sameyn ayaa waxa israsaaseyn daqiiqado socotay ay dhexmartay Ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan waxana ku dhaawacmay halkaasi labo qof oo rayid ah.

 

Isgoyska KM4 waxa saldhiyo ka sameystay Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah iyo kuwa midowga afrika waxana halkaasi ka dhacay dhowr weerar ay kooxaha hubeysan ku qaadeen fariisimada ciidamadaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiisha Milatariga dawladda oo shaaciyay in ay mudo todobaad ah wax kaga qaban doonaan amanka magaalada Muqdisho

 

Jule 28, 2008 Markacadeey

 

Saraakiisha Ciidamada Milatariga ee xukuumadda Federalka Somaliya ugu soo tababarta dalka Itoobiya aya sheegay in ay ka bilaabeen magaalada Muqdisho howlgallo baaxad leh oo ay ku sugayan amanka magaalada.

 

Afhayeenka ciidamada dhawaan dalka soo gaaray ee kusoo tababartay Itoobiya Gaashaanle Daahir Xirsi aya adkeeyay in cidankooda ay awood buuxa u leeyihiin xakameynta amaanka iyo nabad kusoo dabaalida Muqdisho.

 

Waxaa uu wacad ku maray in mudo todobaad gudihiisa ay ku wiiqi doonaan awoodaha xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda dawladda ayna ku baacsan doonaan dhamaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

 

Waxaa uu intaasi raaciyay sarkaalkaasi haatanba in ay wax ka bilaaban yihiin howlgallada ciidamadooda ayna dhawaan sii ballaarin doonaan si shacabka Muqdisho ay u helaan waxa uu ku sheegay xasilooni buuxda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Militeriga DFKMG ee dhowaan Itoobiya ka yimid ayy saakay socod dheer oo ay ku muujinayaan cududooda militeri ku maray qeybo ka mid ah waddooyinka Muqdisho.

 

Ciidamada xoogga dalka ee DFKMG ee dhowaan tababrada ciidan ku soo dhameysatay xerooyin ciidan oo ku yaal gudaha dalka Itoobiya ayaa maanta markii ugu horeysay ka soo baxay xeradooda ku taal ex taliskii ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo ku taal duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan ayaa saakay iyagoo lugeynaya socod militeri ka soo dhaqaaqay xeradooda iyagoo u jiheystay dhinaca bartamaha magaalada Muqdisho iyagoo ay daba socdaan gaadiidkooda dagaal.

 

Ciidamadan ayaa socodkooda waxay ku mareen waddada dheer ee Maka Al Mukarama ee isku xirta xerada ciidanka asluubta illaa iyo xaruntii hore ee baarlamaanka Soomaliya ee shabeelle .ciidamadan ayaa iyagoo safdheer oo is daba taxan ku jira ku kala lugeynayay labada dhinac ee waddada Maka Al Mukarama iyagoo si asluub leh u socda isla markaana aan wax waxyeelo ah gaarsiin shacabka ku dhaqan goobihii ay marayeen isla markaana aysan jrirn cid isku dayday inay ku qaadan wax weerar ah.

 

Lama oga inay ciidamadan ku sii nagaan doonaan gudaha magaalada Muqdisho oo ay ka bilaabi doonaan howlgallo baaritaano ah oo ay ku sugayaan nabadda ama in socodkoodu uu ahaa oo keliya dhoolatus ay ciidanku samyenayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiisha Bileyska DFKGS ayaa Sheegay inay Intabadan awooda Magaalada Muqdisho ee Caasimada Wadanka somaliya ay Gacantooda ku Jirto.

 

Muqdisho:-Saraakiisha Ciidanka Bileyska Dowlada Federalka ah ee Somaliya ayaa soo sheegaynaya inay Si cad Gacanta ugu Hayaan Intabadan awood ku Haynta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Wadanka Somaliya,Afhayeenka Ciidamada Dowlada iyo kuwo itoobiya ee Magaalada Muqdisho Mr Daahir Maxamuud Xirsi ayaa shaaca ka qaaday inay magaalada Muqdisho gabi ahaanba gacanta ku dhigi doonaan

 

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay howlgalo lagu sifeynayo magaalada Muqdisho ay bilaabayaan, isla markaasna wuxuu ku nuuxnuuxsaday inay meesha ka saari doonaan waxa uu ugu yeeray nabad diidka, Waxaan Rajaynaynaa inaanu mudo kooban dalka kaga saarno xoogaga nabada diidan, si loo helo nabad iyo kala danbeyn' sidaas waxaa yiri afhayeebka Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Dowalada Federalka ah ee Somaliya.

Arintan ayaa ku soo aadaysa Xili dhowaan magaalada Muqdisho ay soo gaareen ciidamo badan oo lagu soo tababaray Itoobiya kuwaasi oo la Sheegay inay Ka Shaqayn Donaan Amaanka iyo Xasiloonada Wadanka Somaliya.

 

Maxamed Axmed Ciise

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

All hot air and no action, like cade muse and and the buntland crew in sool.

 

Duke if this is the case then why do your so call army and police cant secure one street of muqdisho or anywhere else withough ethipians bombing it to the ground for you.

 

you have excelled in the art of NAC NAC withough substance so when will you put your money where your mouth is and deliver something withought being ethopian skirt.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer the TFG forces are in control of Mogadishu. Once the most feared of cities has been tamed. The main job is over, what remains is policing and security projects.

 

The cities roads are open. the air & sea port are bussy and are controlled by the government.

 

The government is recruiting and training a good sized army.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this